Sh. Cabdirisaaq
Waa ay sahlan tahay in qofku si fudud u yidhaa, “Waa aan jecelahay Rabbigay.” Se aanu ka dhabayn jacaylkaa hab-dhaqankiisa. Laga yaabaa in aanu garanayn jacaylka laga raba waxa uu yahay.

Erayga ‘jacayl’ waa eray loo adeegsado waxyaalo kala geddisan oo ku yimaad dareenno kala duwan oo siyaalo kala jaad ah qofku ula kulmo ama u dareemo. Halkaa erayna loo wada adeegsado.
Sida aynu carrabawnay adeegsiga eraygaa ayaa kulmiya dareenno kala jaad ah oo halkaa eray uun wada ah. Tusaale ahaan; dareenka ilmuhu waalidkii ku qaabilo ee naxariiseed ayaa la odhan karaa waa jacayl uu cid walba ka jecelyahay waalidkii, rabbaynta iyo ilaalintaa darteed.
Waalidku ilmihiisu in uu yahay cad laga beeray darteed ayaa keenta in ay u qaadan jacayl waalidnimo. In ay koritaankiisa ka hormariyaan baahiyahooga gaar ahaaneed.
Dareenada keena in qofku wax jeclaado waxa ka mid ah soo jiidasho uu qof kale si niyad ah u doono in loogu yeedho jacayl. Sidoo kale jacaylka lammaaaha nolosha wadaaga oo ah ka dhabta.
Qofku saaxiibkiisa gaarka ah ee uu dadka ama asxaabtiisa ka xigtaysto oo uu talo iyo hogo tusaalaynba ka helo waxa ka dhexeeya jacayl saaxiibtinimo.
Haddii aynu intaa kaga nimaadno qeexista erayga ‘jacayl’, waxa hubaal ah qofka aad leedahay, “waa aan jecelahay.” In mar walba aad ku dadaashid raaligelintiisa iyo in aanad marna tusin wax uu kohdo oo u dhibsado. Taas oo keeni karta cadho xaggiisa kaaga timaadda ama xidhidhkiina wax yeesha.
Qofkaasi ha ahaado; waalidkaa, ubadkaaga, lammanahaaga nolosha kula wadaaga ama saaxiibkaaga dadka kugu dhow’e jacaylkaa idinka dhexeya waxa uu ku jaan go’an yahay inta xadhigaa idin xidhiidhshaa idin dhexeeyo.
Haddii aad is jiidhaan wuxu jacaylkaasi isku beddelaa nacaybshiyo idin kala kaxeeya; waalidkaa kaa fogaynaya, ilmahaaga kaa durkinaya, lammaanihii furiin ku sababaya, saaxiibkaana idin kala dilaya.
Haddaba, aynu u soo noqono maqaalkeene jacaylka la inaga rabaa in aynu Rabbigeen SWT jeclaana xukunkiisu muxuu yahay?
Xadiis-Qudsiga Imaam Maalik kitaabkiisa Muwada’a darajada saxiixa uu ku soo saaray, Mucaad Bin Jabalna uu warinayo, Rasuulku CSW waxa uu Rabbi SWT ka wariyey, “Waxa aan waajib ka dhigay in la i jeclaado.” Halkaa waxa aynu ka arkaynaa in Jacaylka la jeclaanayo Rabbi uu yahay waajib.
Xadiis-Qudsiga Bukhaari uu soo saaray ee uu Abu Hurayra warinayo, Rasuulku CSW wuxuu Rabbigii ka wariyey, “Igu ma soo dhawaado addoonkaygu arrin aan ka jecelahay ka aan ku waajibiyey.”
Ilaahay SWT isaga oo ergaygiiisi la hadlaya wuxu inoo tilmaamay haddaynu jecelnahay in aynu qaadno dhabbada uu inoo tilmaamayo ergaygiisu, suuradda Al-Cimraan Korreeye wuxuu ku yidhi, “Waxa aad ku tidhaa ‘Muxamedow’ haddaad jeceshihiin Ilaahay i soo raaca, Alle wuu idin jeclaan oo dambigiinana wuu dhaafiye.”
Dhowr jeer waxa aynu ku celcelinay jacaylka astaantiisu in ay tahay raali-gelin aad u muujinayso cidda aad jeceshahay.
Haddaba, Korreeye jacaylka aad leedahay waa aan jecelahay waxa caddayn u ah sida aad uga amar qaadatid, waxa uu ku farayna u fulisid waxa uu ku diidayna aad uga dheeratid, intaa haddii lagaa helo jacaylkaasi waa mid dhab ah.
Yuhuudda iyo Kiristaanku waxa ay odhan jireen sida Sarreeye kaga warramayo suuradda Maa’ida, “Waxa aanu nahay ubadkii Alle ee u jeclaa.” Korreeye wuxuu ugu jawaabay, “Maxaa la idin cadaabaya haddaa.”
Qofku isku heli maayo in u sheegto jacaylka Rabbi iyo in aanu ka dhigin jaan-gooyaha noloshiisa, wuxuu inoo soo diray jare-barihii nolosheena, kaa inta aynu tubtiisa qaadnaa waa inta aynu Ilaahay raaligelinayno. Suuradda Nisaa’ Korreeye wuxu ku yidhi; “Qofka addeeca ergaygayga waa qof Alle addeecay.”
Ergayga Alle inta aynu u dhego-nuglanaynaa waa inta aynu dar-leef ka badbaadayno, haddaynu dar jiidhnana Ilaah suuradda Qasas wuxuu innagu leeyahay; “Haddii aanay ku dhego-nuglaan, ogow rabbitaankooga ayaa ay raaceene.”
Astaamaha qofka jecel Rabbi
§ In aad ku toosnaato waddadiisa, ergaygiisana aad raacdo wuxuu ku faray. Waxa u daliil ah suuradda Al-Cimraan Korreeye wuxuu ku yidhi; “Waxa aad ku tidhaa ‘Muxamedow’ haddaad jeceshihiin Ilaahay i soo raaca, Alle wuu idin jeclaan oo dambigiinnana wuu dhaafiye.”
§ In aanay ku sinnaan gaal iyo islaam marna ba, Korreeye suuradda Maa’ida markuu kaga hadlayey duulka astaamahaa leh wuxuu sheegay, “Kuwa iimaanka laga helow, kii ka riddooba diinta, Alle wuxu keeni duul uu jecel yahay, iyagu na jecel, mu’miniinta u tun jilicsan, gaalada u daran.”
§ In aad ku dadaasho sugidda iyo oogidda salaadaha sunnaha ah, iyo sadaqadda, soonka sunnaha ah, sidoo kale aad ku dadaashid haddaad karto cimrada. Xadiis-Qudsigii aynu kor ku soo sheegnay waxa ku jiray in Korreeye ku yidhi; “Ma daayo addoonkaygu in u igu soo dhawaado samaynta ‘Nawafisha’ ilaa aan ka jeclaado.” Nawaafishu waa intaa aynu soo kor ku soo sheegnay.
Ugu horrayn, haddii uu Ilaahay ku jeclaado waxa aad helaysaa raali ahaanshihiisa, waxa aadna ka badbaadaysaa naarta, waayo waxa aad la timmi waxqabad togan oo kaa furdaamiya gelidda albaabbada loo cadhaysanayaasha.
Xadiis-Qudsiga Bukhaari soo saaray, Abu Hurayra leeyahay Rasuulku Rabbigii wuxuu ka wariyey, in Rabbi yidhi; “Haddii uu Alle addoon jeclaado, wuxuu u dhawaaqa Jibriil, dabadeed u sheega in uu hebel jecel yahay, Jibriil waa jeclaada, wuxuu isna u dhawaaqa ehlu samada una sheega in hebel Rabbi jecel yahay, iyaguna waa ay jeclaadaan, cidda dhulka joogtaana ay jeclaadaan.”
Dhammayn mayno haddaynu is nidhaa tiriya waxqabadyada tolmoon ee loogu dhawaado ama sababa jacaylka Rabbi, se waxa aynu ku soo ururin lahayn jacaylka laga hadlayaa waa qofka oo raaca dhabbada lagu helayo jacaylka Ilaahay SWT isna uu ku badhaadhi if iyo aakhiro.