X

Idaacadda BBC-da Laanteeeda Soomaaliga Oo Baahisay Dagaal Borobagaando Ah Oo Collaad Lagaga Dhex Abuurayo Somaliland iyo Oromada

W/Q. Xasan Axmed Yuusuf

 


Dhacdadii deegaanka Qaadka ee Hawaday ee Kililka Oromada ee Ethiopia ee Oromadu u gaysteen dilka iyo khasaaraha culus dadkii Soomaalida ahaa ee deganaa halkaas ee weliba dhimashada u badnaa reer Somaliland, waa mid maalmahanba laga war qabo oo la ogyahay. Saxaafadda gobolka iyo addduunkuba waxbay ka qoreen shaqaaqadaas iyo khasaaraha ka dhashay, waxana socota baadhisteeda oo dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ka wada xidhiidheen.

 

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku noolaa oo ka shaqaysanayay dad aad u tiro badan oo qoomiyadda Oromada ka soo jeeda, waxana xusid mudan sida dawladnimada, dadnimada iyo bani’aadanimada leh ee dawladda iyo dadka reer Somaliland u ilaaliyeen amnigooda iyo inaanay wax dhibaato ah gaadhin ee laga caawiyo inay dhulkooda ku noqdaan iyadoo sidoo kale qaar badan oo ka mid ahi shaqooyinkoodii, guryihii iyo goobihii ay ka shaqaynayeen si caadi ah u joogaan oo aanay bixin, cidina dhibaato u gaysan, dawladduna ay ku baaqday in la magangeliyo oo aan wax dhibaato ah loo gaysan.

 

Gelinkii dambe maalintii labaad ee dhacdaas, sida ay masuuliyiinta dawladda Jamhuuriyadda Somaliland https://www.youtube.com/watch?v=ZqlU6nSMadg ee ka hadlay ka warbixiyeen waxa jiray laba qof oo Oromo tahriibayaal ah oo ku dhintay rasaas uu ku riday Askari joogay Kaantaroolka Caabudla ee u dhexeeya Hargeysa iyo Arabsiyo, askarigaas oo la sheegay in ehelkiisu ku jireen dadkii lagu laayay Hawaday balse markiiba ay dawladdu ka hadashay oo tallaabo ka qaadday dhacdadii, lana bilaabay baadhis la xidhiidha sidii ay caddeeyeen masuuliyiintii Wasaaradaha Arrimaha Debadda iyo Arrimaha Gudaha ee ka hadlay isla maalintaas.
Haddaba, Idaacadda BBC-da oo aanay ahayn markii koowaad ee ay warar qadaf ah iyo warar khaldan ka baahiyaan Somaliland, ayaa uga faa’iidaysatay dhacdadan inay baahiso war been-abuur ah iyo munaafaqad caddaan ah oo sideeda u dhigan inay dusha u saaraan Somaliland sababaha iyo dhaliyay colaadda Oromada iyo Soomaalida oo dadka reer Somaliland u arkaan dhibaato saamaynteeda taban leh oo dad daris ah oo iskaashi ganacsi iyo isu socod leh dhex martay, isla markaana u baahan in dhammaan daneeyayaasheedu ka wada hawlgalaan daminteeda.
Warkan been-abuurka ah ee Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaligu baahisay oo cinwaan looga dhigay “Maxay salka ku haysaa colaadda Oromada iyo Soomaalida” lana soo geliyay mareegta www.bbcsomali.com gelinkii dambe Sabtida 16-ka Sept ayaa maqaalkaas lagu sheegay in colaaddani ka bilaabantay ama ay sabab u ahayd laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay Hargeysa, dalka Somaliland.
Arrintani waa mid gaf iyo meelka ka dhac ku ah dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo danbi ay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu ka galeen Somaliland iyo iyo nabadgelyada ka jirta iyo gobolkaba, waana mid dawladda Somaliland xilka saaranyahay in laga go’aan qaato, lagulana xisaabtamo maamulka Idaacaddaas iyo guud ahaan BBC-da.
Xasan Axmed Yuusuf
Hargeisa, Somaliland
Sabti, 16th Sept, 2017
hassanafgaab@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post