W/Q. Hassan Garnayl

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, seddax jeer ayuu majaraha u qabtay Somaliland iyo Saomaali ba. Seddexdii jeer ba hoggaamintiisii siyaasaddeed lama mahadin, waxay na ku biyo shubatay fashil sababay dar-xumooyinka illaa maanta haysta qoomiyada Soomaalida.

Saddexda jeer waxay kala ahaayeen siddan:

– Cigaal oo ahaa hoggaamiyahii xisbigii SNL ee ku ololeeyay midnimo Somaliyeed, sidoo kale ahaa Wasiirkii Koowaad ee xukumaddii ka dhisnayd is-bahaysigii labadii xisbi SNL & USP ku guulleystay doorashada, wa qofka koowaad ee ay dusha u saaran tahay mas’uuliyadda dhibbaatadii ka dhalatay midnimadii uu hor-kaacayey oo 59 sanno ka dib ay u dhibbaataysan yahiin dadka reer Somaliland, kana soo kaban la’yahiin hagardaamadii ay sababtay go’aankii gurucnaa ee raggii Cigaal hoggaaminaayey qaateen.

Maxamed X. Ibraahim Cigaal, wuxuu sheegtay, dad badani na ay u markhaati fureen in markuu uu wax fahmay diidday midnimada. Inkastoo sheegashadaasi ay ka dhalanayaan su’aale waaweyn, tusaale ahaan, haddii aanu raali ka ahayn go’aanka midnimada bilaa shuruuda ah ee xisbgiisu qaatay, muxuu isku casili waayey? Siddey macquul u tahay innaad fadhido kursi aanad raali ka ahayn siyaasadda loo jideeyey in lagu hoggaamiyo?. Xattaa haddii aynu siddaas ku aqbalno sheegashadaas, laftigeeda ayaa markhaati ka weyn kii hore u noqonaysa fashilkiisa siyaasadeed.

AHN Cigaal wuxuu ku olaleeyay dacaayad aan dan ummaddeed ku dhisnayn, oo kaliya daaran siddii kursi lagu heli lahaa; markii dambe na wuu ku guuldaraystay innuu xakameeyo xisbigiisii; markale wuxuu ku guuldaraystay innuu kursiga banneeyo si uu ummadda ugu muujiyo halista uu arkayaa inta ay leegtahay, ugu yaraana uga badbaado eedda uga iman doonta fashilkii imaanshahiisa uu hubay. Mudane Cigaal, oo ah masuulkii 1aad oo reer Somaliland ah, ee Muqdisho u taga arrin siyaasadeed, dariiqii uu jeexay lama mahadin, go’aankiisiina wuxuu sababay in ilaa maanta dadka reer Somaliland Muqdisho u soo doontaan taagow warqadda dambi-la’aanta, ugana kacdo qiimo dhowr boqol oo doller ah.

– Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, laba sanno oo uu Raysal-Wasaare ka ahaa Jamuuriyaddii Soomalida, waxaa dhacay dhacdooyin illaa maanta saamayn tabban ku leh qoomiyadda Soomaalida. 28 October 1967kii wuxuu hishiis is-afgarad kula galay dalka Kenya magaalada Caruusha. Hishiiskaasi wuxuu soo afjaray himiladii dadkii Soomaliyeed ee goblkaas NFD ku dhaqnaa, oo afti ku diidday inay ka sii mid ahaadaan dalka Kenya. Qodobka ugu horeeya ee is-afgaradkaasi wuxuu u dhignaa siddan:” Labada Dawladood waxay awoodooda oo dhan isu gayn doonaan ayaga oo samayn doona sida ugu saraysa si loo abuuro xidhiidh daris-wanaag u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, sida uu dhigayo Axdiga OAU.” Tallaabadii uu Ra’iisal Wasaare Cigaal qaaday, dareenkii ay dadka Soomaliyeed ku abuurtay, ayuu Siyaad Bare ugu faa’iidaystay

af-gambigiisii.

Markale Cigaal wuxuu guuldaraystay innuu Jamuuriyadda Soomaalida ka badbaadiyo Af-gambigii uu dalka ku qabsaday hororkii keligii-taliska ee Maxamed Siyaad Barre. Siyaad Barre, wuxuu ka faa’iidaystay xil-gudusho la’aantii iyo habacsanaantii xukuumaddii uu Ra’iisal wasaaraha ka ahaa Cigaal; marmar badan ayaa Cigaal lala wadaagay innuu dalka ka socdo Af-gambi laakiin, dhaga jalaq uma siin, wuxuuna ku mashquulay siddii Kurigii qaranka ugu weynaa, kana dhaxeeyay ummadda ee madaxweynaha, uu Xaaji Muuse Boqor u dumaali lahaa. Fashilkiisii hoggaamineed ayaa Soomali u looggay keligii-taliskii Siyaad Barre, oo dhibaatadii uu gaystay, illaa hadda laga soo kaban la’yahay.

– 1993kii, ayaa dadka reer Somalilaand kursiga madaxweynaha ku macsuumeen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo aan halgankii waxba ku darsan, iyadoo ay tubban yahiin raggii uga tacabka badnaa, ee saxay qaladkii uu galay 1960kii sidda Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Tuur. Cigaal wuxuu ugu abbaal guday ummaddii sharaftay innuu dhiiggooda daaddiyo; wuxuu maalin cad ku dhawaaqay innuu la dagaalamayo dadkii doortay ee uu madaxweyne u ahaa; wuxuu yidhi isagoo ku dhawaaqaya dagaalka: waanu dagaalmaynaa/ we declare a war/ naxnu nuclin xarbi. Cigaal wuxuu qirtay innuu dagaalkaas bil walba ku kharash garayn jirray nus-million doller. Marka laga yimmaado Maxamed Cabdille Xasan iyo Maxamed Siyaad Barre, Cigaal wuxuu noqonayaa qofkii saddexaad ee ay gacantiisa ku dhintaan dadkii ugu badnaa ee reer Somaliland; welliba Sayidka iyo Siyaad lama dooran oo xoog baywax ku qabsadeen laakiin, Cigaal inta la doortay ayaa la maamuusay. Ugu dambeyn saddex jeer oo Cigaal loo cumaamaday, hoggaamintiisii fashil ayey ku idlaatay!!.

W/Q. Xasan C/qaadir Yuusuf ( Hassan Garnayl)

Email: Xasancabdi999 @Gmail.com

Facebook: Xassan Garnayl