X

Heshiisyada Caalamiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka: Qaybtii Afraad

Nooca sadexaad oo heshiisyada shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah, waxaa ka mid ah heshiiska (Joint venture), kaas oo ah wax wada lahaansho, isla markaana laga soo dheegtay labada nooc ee aynu hore usoo sheegnay oo kala ahaa (Concession Agreement) Heshiis Tanaasul iyo (Production sharing Agreement), Heshiis Hilbo-qaybsi, kuwaas oo khatartooda iyo waxyeeladooda leh, isla markaana ka hore dunida laga mamnuucay wixii ka danbeeyay 1960.

Heshiiska (Joint venture), ayaa lagu tilmaamaa inkasta oo uu labadaa nooc ee hore ka wanaagsanyahay haddii loo adeegsado qaabka loo horumariyay ee caalamiga ah, hadana waxa lagu tilaamamaa inuu yahay mid u daneeya hantiilaha, ama shirkada doonaysa inay soo saarto khayraadka, balse waxa ay ku xidhantahay hadba sida loo dhigo.

Qaar ka mid ah wadamada Khaliijka, ama intooda badan ayaa u isticmaalay soo saarista shidaalka heshiiskaa oo ku xidhan hadba sida loo dhigo nuxur ahaan iyo qaabka loo qoro, wuxuuna dhexmaraa shirkadda wax soo saarka samaynaya iyo xukuumadda, ama laba shirkadood.

Waxayna labada dhinac shuraako ku noqonayaan wax soo saarkii, wuxuuna dhigayaa inata badan in Hantiilayaasha shirkadda ay hawsha maamulaan, iyagoo iska leh qalabka iyo hantida maalgashiga lagu samaynayo, balse si looga taxadiro mushkilada ka dhalankarta in Mulkiilayaashaa,ama shirkadaha heshiiskaa nooca ah lala galay iyo khaladaadka ay samayn karaan haddii loo daayo inay hawsha maamulaan keligood, waxa wadamada inta badan galay heshiiska noocaa ah ay sameeyeen, iyagoo ka digtoon mushkiladaha ka dhalankara inay sameeyaan(joint management committee), gudi wadajir ah, kuwaas oo wadajir u maamula hawsha, isla markaana ansixiya wixii dhaqaale ah, ama kharash ah ee loo haahdo.

Balse mar walba waxa laga maarman ah in dalkaasi marka hore yeesho shuruuc diyaar ah iyo xeerar sida Maalgashiga, Xeerka (Petroleum Law) ee Khayraadka dalka, kaas oo tilmaamaya heshiisyada shidaalka iyo nooca dalkaasi doonayo in loo waajaho, xeerarkaa iyo shuruucda loo baahnaa oo aan Somaliland diyaar u ahayn, kuwaas oo ay ku hanboonayd in la diyaariyo ka hor inta aan heshiisyo qarsoon oo sababikara, isla markaana sharciyadooda muran iyo mad-madaw badani ku jiro la gelin.
Waana sababaha keena dhibaatooyin dhaqaale, kuwo deegaan iyo mushkilado aan laga soo waaqsan iyo khilaafyo ka dhasha khayraadka oo isu bedela kuwo xaalada nabadgelyo iyo deganaansho ka dhiga qalalaase iyo fawdo aan xal iyo maaro loo helin hadhaw.

Xeerarkaa iyo shuruucdaa oo ah kuwo la lafa-guray, isla markaana ka hor inta aan la samayn dhinacyo badan laga eegay, ayaa ah kuwo lagu ilaalin karo khayraadka dalka, isla markaana meesha ka saaraya in koox yar, ama shirkado shisheeye qaab khaldan uga faa’idaystaan khayraadka dalka, iyagoo fursad ka heli kara dhibaatooyin dhaqaale, saboolnimo, ama siyaasado iyo duruufo kale oo ka jira dalkaa.

La soco qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

www.araweelonews.com

www.arraweelo.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post