X

Heerka Jacaylka Bulshada Soomaalida

Dr. Ahmed Hussein Salah Image File, Araweelo News Network, 7 Oct 2022.

#Araweelo_News_Network

Bulshada Soomaalida ayaa heerka shisheeye jacaylku noqday mid guud ahaan  ummadda Soomaaliyeed ka siman yihiin,  waxaana la odhan karaa, waa dadka dunida ugu jecel dadka shisheeyaha ah.

Laakiin su’aasha ayaa ah dabcan haddii ay ummadda soomaaliyeed tahay mid ummadaha qalaad jecel, maxay iyagu isu muujin waayeen jacayl  dhexdooda ah iyo qadarin iyo ixtiraam  oo ay u noqdeen kuwo nacayb, collaado iyo dirir dhexdooda ka aloosantahay oo aan wax ixtiraam iyo qaddarin ah isu hayn.

 

Xaqiiqdu waxay tahay in aannay dhexdooda ixtiraam iyo qaddarin  isku hayn oo aannay ahayn dad wadaniyiin ah. war dhafoor ayuu ku yaallaaye Soomaalida waxaa burbriuyay waa arrimahaa, waana mid ka jirta deegaan kasta oo ay ku nool yihiin ummad soomaaliyeed, xataa kuwa bulshooyinka kale la dhaqmay ee burburkii u yaacay ddibaddaha, kuwaas oo aannay xataa waxba ka beddelin aqoonta kuwooda wax bartay, ama sameeyay inay dhex galaan bulshooyin kale oo xadaarad leh.

Hadda ogoow markay Tagaan waddamada shisheeye aad Bay u ilaaliyaan xeerarka iyo qawaaniinta waddamada u yaalla, laakiin way soo burburiyeen wadankoodii, waa daliil kale oo caddaynaya shisheeye jacaylka soomaalida.

bal u fiirso magacyada shisheeye ee loo bixiyo gabdhaha ama hablaha soomaaliyeed.

1.Iglan (England)
2. Yurub (Europe ).
3. Falastiin
4. Baarliin (Berlin).
5. Istanbul
6. istarliin
7. Basra
8. Ruun (Rome).
9. kiin (King).
10. suuri (suuriya).

Intaasi oo magac waa magacyo qalaad oo kala micno duwan, sida waddamo, magaalooyin shisheeye oo loo bixiyo dumarka soomaaliyeed, balse arki maysid hablo soomaaliyeed oo loo bixinayo.

1. Bosaaso
2. Hargeysa
3. Laascaanood
4. xamar
5. Berbera

Sidoo kale, ma jiraan magacyo kale oo dhulka soomaaliyeed ka Turjumaya. sidaa awgeed waxa haboon innay Bulshada Soomaalidu dib isugu noqoto, waana innay fahmaan in haddii aannay bulsho ahaan dib isugu noqon in aannay jirin cid usoo socota oo mustaqbalkooda iyo dalkooda u hagaajinay.

WQ/Axmed xasan Saalax

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post