#Araweelo_News_Network
Bulshada Soomaalida ayaa heerka shisheeye jacaylku noqday mid guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ka siman yihiin, waxaana la odhan karaa, waa dadka dunida ugu jecel dadka shisheeyaha ah.
Laakiin su’aasha ayaa ah dabcan haddii ay ummadda soomaaliyeed tahay mid ummadaha qalaad jecel, maxay iyagu isu muujin waayeen jacayl dhexdooda ah iyo qadarin iyo ixtiraam oo ay u noqdeen kuwo nacayb, collaado iyo dirir dhexdooda ka aloosantahay oo aan wax ixtiraam iyo qaddarin ah isu hayn.
Xaqiiqdu waxay tahay in aannay dhexdooda ixtiraam iyo qaddarin isku hayn oo aannay ahayn dad wadaniyiin ah. war dhafoor ayuu ku yaallaaye Soomaalida waxaa burbriuyay waa arrimahaa, waana mid ka jirta deegaan kasta oo ay ku nool yihiin ummad soomaaliyeed, xataa kuwa bulshooyinka kale la dhaqmay ee burburkii u yaacay ddibaddaha, kuwaas oo aannay xataa waxba ka beddelin aqoonta kuwooda wax bartay, ama sameeyay inay dhex galaan bulshooyin kale oo xadaarad leh.
Hadda ogoow markay Tagaan waddamada shisheeye aad Bay u ilaaliyaan xeerarka iyo qawaaniinta waddamada u yaalla, laakiin way soo burburiyeen wadankoodii, waa daliil kale oo caddaynaya shisheeye jacaylka soomaalida.
bal u fiirso magacyada shisheeye ee loo bixiyo gabdhaha ama hablaha soomaaliyeed.
1.Iglan (England)
2. Yurub (Europe ).
3. Falastiin
4. Baarliin (Berlin).
5. Istanbul
6. istarliin
7. Basra
8. Ruun (Rome).
9. kiin (King).
10. suuri (suuriya).
Intaasi oo magac waa magacyo qalaad oo kala micno duwan, sida waddamo, magaalooyin shisheeye oo loo bixiyo dumarka soomaaliyeed, balse arki maysid hablo soomaaliyeed oo loo bixinayo.
1. Bosaaso
2. Hargeysa
3. Laascaanood
4. xamar
5. Berbera
Sidoo kale, ma jiraan magacyo kale oo dhulka soomaaliyeed ka Turjumaya. sidaa awgeed waxa haboon innay Bulshada Soomaalidu dib isugu noqoto, waana innay fahmaan in haddii aannay bulsho ahaan dib isugu noqon in aannay jirin cid usoo socota oo mustaqbalkooda iyo dalkooda u hagaajinay.
WQ/Axmed xasan Saalax