X

Hay’ad Dareenkayga Soo Jiidatay Toddobaadkii U Danbeeyay

Mashaariicda ay bixisay hay’adda Save The Children

Araweelo News Network

 

Usbuuc gudihii, waxaa dareenkayga soo jiitay  mashaariic kala duwan oo  hay’adda Save The Children ka fulisay dhowr gobol oo dalka ka tirsan, una holladay inaan sadarro ka qoro waxay ku saabsanaayeen.

Waxay ahayd 15kii September, markii indhahaygu hallacsadeen gaadiid Maxamuud M. Xasan, madaxa hay’adda Save The Children ku wareejiyey Wasaaradda Xannaanada xoolaha, oo loogu tallogalay hawlwadeenada caafimaadka xoolaha.

Waxa xigtay deeq isugu jirta istoodh keydka dawooyinka iyo gaadhi ambulance oo ay ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Gebilay.

Mashaariicda ay bixisay hay’adda Save The Children ee Somaliland ,maalmihii u danbeeyay Sep 2020

Waxa xigtay booqasho 18kii bishan madaxa hay’adda iyo hawlwadeenado kale ku tageen xannaanada Hooyada iyo dhalaanka ee magaalada Qori-lugud, iyo Cusbitaalka Caynaba, oo mashaariic gargaar ay ka wadaan.

Waxa xigtay deeq ceel iyo darka xoolahu ka cabaan, oo ku shaqeeya nidaamka cadceeda oo hay’adda Save The Children ka hirgeliyeen magaalada Qori-lugud, kuna wareejiyeen bulshada deegaanka 20kii bishan.

Sannado badan oon ku dhexjiray warbaahinta Somaliland, si dhow iyo si kaleba ula socday waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga aan dawliga ahayn, hore uma arag, umana maqal waxqabad gobolo kala duwan, maalmo isku xiga hay’ad ka fulisay, taasoo ii muujisay in hay’addani ka go’an tahay taageerada ay ballanqaaday inay ka fuliso dalka.

Si aan faahfaahin dheeraad ah uga helo xaalada Hay’adan iyo miisaaniyada mashaariicaha ay dalka ka fuliso, waxaan dib ugu noqday warbixinada wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland ka soo saarto, taasoo aan ku ogaaday in Save the children noqotay hay’adda labaad ee ugu miisaaniyad badnayd sannadkii 2018, tiro gaadhaysay 75 hay’adaha caalamiga aan dawliga ahayn ee dalka jooga, sida lagu baahiyey warbixinta wasaarada Qorsheynta Qaranka soo saartay sannadkii 2018.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkaygan, hadii hay’adani muujisay ka go’naanshaha waxqabadkeeda  bulshada Somaliland, gaar ahaan deegaanada aad loogu baahi badan yahay, waxay mudan tahay, in looga mahadceliyo, lana ogeysiiyo in bulshadu xog’ogaal u tahay taageeradooda, ilaashana doonto sii jiritaanka kaabayaasha ay u fulisay, kana codsanayaan inay sii labanlaabaan dedaaladooda.

Waxaan marlabaad leedahay waad ku mahadsanidiin madaxda iyo dhamaan hawlwadeenada hay’adda Save The Children, waxqabadkiina, isla markaana idiinka codsanaynaa inaad kuu kordhisaan mustqabalka dhow Idam alle.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Mohamoud Ali Walaaleye

mohamoudali33@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post