X

Hanbalyo Jeneral Fadal iyo Ciidanka Amniga

Hanbalyo Jeneral Fadal iyo Ciidanka Amniga
Waxa aan si kal iyo laab ah u hanbalyaynayaa Jeneral Fadal iyo Ciidanka Amniga Somaliland. Aniga oo ku hanbalyaynaya hawshii amni ee ay ka qabteen Gobolka Saaxiil ka dib dilkii loo geystay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil.
General Fadal iyo Ciidankii amniga ee hawsha kula jiray, waxa ay muujiyeen hawl karnimo iyo aqoon heersare ah oo ay ku fuliyeen wax ka qabadkii amniga Berbera iyo degaamada ku xeeran.
Shaqada uu Jeneral Fadal iyo ciidanku ay ka qabteen Berbera iyo Nawaaxigeedu, waxa ay dadweynaha Somaliland u soo celiyeen kalsooni ah in ay leeyihiin ciidan hanankara, waxna ka qaban kara amniga dalka.
Waxa Jeneral Fadal iyo ciidankii hawsha kala qayb qaatay ay muujiyeen xirfad dheeraad ah oo ay hawsha ay u leeyihiin, karti iyo isku duubnaan askarinimo iyo awood fulineed oo ciidan, taas oo keentay in ay gacanta ku soo wada dhigaan denbiilayaashii fuliyay dilkii loogeystay Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil G/lle A/razaaq Yusuf Maxamuud.
Hadaba, sida aynu kawada warqabno, waxa ciidanku ku shaqeeyaa siyaada amniga ee dawlada ee uu hormoodka ka yahay Wasiirka Daakhiliga iyo Madaxtooyada oo go’aanka ugu danbaysa leh. Tusmadan shaqo ee ciidanku ka qabtay Berbera, waxa ay muujisay in dhaliisha iyo maamul xumadu ay ka imanayso siyaasiinta jooga Wasaarada Daakhiliga iyo Madaxtooyada oo aan weli fahansanayn in mudnaanta koowaad ee shaqadoodu ay tahay sugida amniga dalka, taas oo siinaysa kalsooni qofka muwaadinka ah.
Waxa weli isweydiin leh, haddii ciidanku leeyahay kartidan uu ku sugay amniga Berbera kuna soo qabtay dableydii dishay Taliye Casayr, maxaa Madaxda wasaarada daakhiliga iyo Maamulka Gobolka Saaxil ay hore wax uga qaban waayeen( Hashu Maankay gadaye, Ma miisaar bay liqday). Waxa loo baahanyahay in dadweynaha iyo Qoyskii uu ka dhintay Taliye Casayr in tahay in uu isha ku hayno, oo ay tahay in aan laga leexin wadadeeda cida dilkan iyo dhagartan abaabulan geysatay, eek a danbaysey dalaydan hubaysan ee isku urursatay buuraleeda Degmada Shiikh.
Dawlada Siilaanyo, waxa looga baahan yahay in ay dhacdan foosha xun ay ku xalishoo nidaamka iyo milgaha dawladnimo, oo sharcigu shaqeeyo. Waanna in Dawladnimadu ay ka sarayso qabiilka iyo koofiyabaclayaasha wax ku cunna meeshii dhibi ka taagantahay. Wasaarada Daakhilga iyo Madaxtooyada, waxa looga fadhiyaa sida ay arintan u xalisho(Loogoow laguu minan fadhiyee).
Qore/ Maxamed Idle Cabdulle- Hargeisa

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post