Warbixin. SCC. Kalshaale
Mid ka mid ah raadadka xun-xun ee ay kaga tagtay Somaliland abaartii ka dhacday Geeska Afrika, ayaa ah hoos u dhac ku yimmi xoolihii dibadda loo dhoofin jiray marka lagu jiro Moosinka Xajka inoo dhammaaday toddobaadkan.
Waxa la qiyaasayaa in 1 milyan oo neef ka dhoofaan Dekeddaha dalka bishii August horaanteedii ilaa aakhirkeedii, halkan sannadihii hore ka hor intaanay abaartu dhicin ugu yaraan saddex milyan oo neef loo iib geyn jiray waddamada Carabta oo uu ugu horeeyo Sucuudigu, sida uu Telefishanka Bulsho u sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Beeraha ee Somaliland Maxamed Shugri Xulul.
Maxamed Shugri, ayaa sheegay in abaartu saameysay guud ahaan wareegyada nololeed iyo Dhaqaale ee dalka. “3.5 milyan ilaa 6 milyan xoollo gaadhaya ayaa xilligan oo kale dalka laga dhoofin jiray, balse sannadkan waxa la qiyaasayaa inay xoolaha dhoofayaa yihiin ilaa hal milyan oo neef, sidaasoo ay tahay rejo ayaa jirta in laga soo kabto dhibaatadaas oo ay dadkeenu noqdaan beer iyo xoolo-dhaqato.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsigu, waxaannu intaas ku daray; “Abaartu 70% iyo wax ka badan ayaa baxay xoolihii dadku dhaqanayeen markii ay abaartu jirtay. Waxa la badbaadiyey dadka.”
Dhinaca kale, Dekedda Berbera iyo Sayladaha Magaalooyinka waaweyn ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaqa dhoofka Xoolaha mooshinkii dhawaa ee xajka. “Dekedda Berbera waxa ilaa imminka ka dhoofay hal milyan iyo laba boqol oo neef (1,200,000 Neef)” sidaas waxa yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Warbaahinta la hadlay toddobaadkii hore ka hor intii aannu waqtigii xajku dhammaan. “Isu-geyn milyan iyo shan boqol oo neef ayaa lagu wadaa inay ka dhoofaan Dekeddaha Berbera, Saylac iyo Lughaya,” ayuu raaciyey Wasiirku.
Farqiga u dhexeeya qiyaasaha xaddiga Xoolaha dalka ka dhoofi jiray ayaa muujinaya in dhaawac murkacasho lagu miisaami karaa soo gaadhay dhaqaalaha dalka. Waayo? Dheefta uu waddanku ka helo xoolaha nool xag dhaqaale iyo xag munaafacaadsi-ba waxa lagu tilmaamaa xubin ka mid ah xejiyeyaasha laf-dhabarta nolosha iyo dhaqaalaha bulshada miyiga iyo magaalada ku dhaqan.
Xoolaha lagu Iibinayo Saylada Xoolaha/Kaydka GNA
Geesta kale, dhaqdhaqaaqa Iibka Xooluhu haba ka yaraado sidii hore’e wax saameyn ah kumuu yeellan jahawareerka ka taagan sarifka lacagaha qalaad iyo qiimo dhaca ku yimmi Lacagta dalka, taasoo xilligan oo kale la dareemi jiray marka Iibka xooluhu fiican yahay in qiimaheedu kor u kaco, isla markaana doollar-ku jabo.
Sababta taasi u dhici wayday, ayaa ah lacagta qaayimadda qaadka lagu celiyo ee Itoobiya loo diro oo doollar ah, taasoo culays joogto ah ku haysa Suuqa sarifka Lacagaha. “Qaadka markii hore lacag Birr ah ayaa lagu celin jiray oo Itoobiya loo diri jiray, laakiinse iminka habeen walba boqolaal kun oo doollar ayaa dalka ka baxa oo Itoobiya loo diraa, markaa taas ayaa sababtay in waxba isbeddeli waayaan.” Sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Jibriil Xasan oo ah Khabiir xogogaal u ah dhaqdhaqaaqa lacagaha dalka oo degen Hargeysa.
Boqolka doollar ee lacagta Maraykanka, ayaa imminka lagu sarifaa 980,000 SLSH, waxaana halkii milyan ka dhiman labaatan kun oo shillin. Dadka aqoonta u leh dhaqaalaha, ayaa wel-wel ka muujinaya inuu hoos u sii dhaco qiimaha lacagta dalku bilaha soo socda.
Welwelka ayaa muuqda, xilli dalku u diyaar-garoobayo Doorashada Madaxtinimada oo la filayo inay qabsoonto bisha November ee sannadkan 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Marka ay Doorashooyinku soo dhowyihiina waxa iska caado ah inay istaagaan Iibka Hantida ee sameeya wareega lacagaha waaweyn, Dhismaha Guryaha iyo Mashaariicda horumarinta ee ay Hay’adduhu fuliyaan, kuwaasoo qayb ka ah dhaqaalaha gacmaha bulshada ku wareega.
Dhamaan arrimahaas ayaa ah kuwo saameyntooda laga dareemayo gobol kasta oo ka mida nolosha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)
Tafaftiraha GNA
Email: editor@gobanimonews.com