X

Halista Siyaasad aan Hogaan lahayn, by Axmed Nuur Guruuje

Aduunka aynu kasoo bowsanay siyaasadda , Dadkiisu wuxuu ku mashquulsanyahay , Hawl-maalmeedka , Shaqadda , Tacliinta iyo Cilmi baadhista , Inta badana ma heli karaan fursad ay kagga fikiraan Arrimaha Caamka ah iyo Siyaasadda Wadanka

Haddaba si loo hello , cid u gacan banaan ,raadinta iyo keenista , Aragtiyo iyo hal-abuuro laggu fardaamiyo mushkiladaha hadba taagan iyo Hindiseyaasha hal-abuuro Xaqiijin karra horumar la hiigsaddo , ayaa keentay samaynta Kooxo u abaabulan Hanaanka loo yaqaaano Axsaaabta siyaasadeeed .

Hogaamiyeyaasha Asxaabtaa Siyaasadeed iyo iyo Madaxdooda ayaa had iyo jeeraalle ku hawlan , Hal-abuurka iyo Hindise yaasha , laggu hogaamiyo , Umadahooda
ay u yihiin Horseedka iyo Hogaanka .

Asxaabta iyo Hogaankooddu , waxay hadba soo hordhigeen Dadka Barnaamijo iyo Qorsheyaal ay soo lafo-gureen , kuna soo daaleen , kuwaasoo ay dadka ku kala hororsadaaan , iyagoo dadkuna u kala taageera una kala doorta hadba sidday uga jawaabaan hadba waayaha taagan iyo wax ka sheegiisa .

Hogaanka siyaasaddu waa Jaheeyayaasha Umaddaha ugu Riyoodda Muuqaalka Mustaqbalka , Waana Horseedka u hogaamiya gaadhista Janooyinka ay ku riyoodaan , kuwaasoo Xaqiijinta Riyadoodda u kaashadda , Aqoonyahanka , Xeel-dheerayaaasha iyo Wax garadka Umadahoodda .

Haddaba ,Umadda Soomaaliland Waxaa ku soo Af-yeelatay , Siyaasad aaan Hogaaamin , Han iyo Hal-abuur toona aan lahayn , taasoo marar badan keenta in Bulshaddu iska hortimaaddo , dhibaatooyinka ka dhasha , Hogaamin la aanta Siyaasadeed iyo Hal-abuur la aanta Siyaasigga ah .

Hadaan inta goori goor tahay aan la helin Hogaan Siyaasadeed oo bulshadda u Fikira , una Horseedda Hogaaamin wanaagsan iyo Hal-abuur Siyaasadeed oo Bulshadda u Jaheeeya Dariiqa Toosan iyo Jidka Horumarka , Xaaladdu way sii xumaanaysaa, bulshaduna waxay halis ugu jirtaa Dib u dhac iyo isku dhac , dhaqaalle siyaasad iyo nabadgelyo

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post