Somaliland  Tayada Waxbarashada iyo Tayada Barayaasha

W/Q. Mustafe Nabadiid: Q/Labaad

Manhajka waxbarasho ee waddan leeyahay waa halbeeg kale oo xuddun u ah qiimaynta tayada waxbarashada waddankaas. Manhajka loo dhigo ubadka dugsiyada wax ka barta ayaa qaabeeya mustaqbalka ummada, hab-fikirkeeda,Siyaasadeeda, dhaqaalaheeda, shaqadeeda iyo jiritaankeeda ummadnimo.

Manhajku waxa uu ka jawaabayaa su’aalaha la yaabka leh ee ay ka midka yihiin:


1. Qof noocee ah ayaa aynu doonaynaa in aynu soo saarno ka dib marka aynu manhajka hirgelinno?
2. Xirfado noocma ah ayaa aynu ka rabnaa in uu ilmaheenu kasbado marka uu dhammeysto heerka waxbarashada manhajka loo sameynayo?

Qeexiddiisa haddii aynu soo koobno Manhajku waa isku darka dhammaan waxbarashada nidaamsan (Qorshaysan) ee maaddooyinka dugsiga lagu barto iyo dhaqamada suubban ee bulshada jiilba jiil ka dhaxlay ama soo jireenka ah (manhajka dadban).

Manhajka wanaagsan waxa lagu qiimeeyaa arimahan soo socda: 
1. Sida ay u qeexan yihiin ujeedooyinkiisa guud iyo kuwa u gaarka ah hal maaddo. Ujeedooyinka manhajka marka la diyaarinayo waa in aad loo tixgeliyo ujeedooyinka guud ee siyaasadda waxbarashada qaranka. 
2. sida uu u habaysan yahay iyo Nuxurka casharada (Content). Cashar kasta oo dugsi lagu dhigto si maalinle ah waxa uu sidaa farriin (aqoon, xirfad, akhlaaq ama hab fikir). 
3. Qaabka loo fulinayo ee loo dhigayo (Instructional methods). Bareyaasha waxa la siiyaa tababarro maaddo kasta sida loo dhigayo ku saabsan isla markaana waxa la siiyaa buugga la yidhaa hagaha baraha (Teacher’s guide). 
4. Sida loo qiimaynayo ka dib marka la fuliyo ee ardayda loo dhigo casharada (Evaluation of learning achievements). 
Sidaa darteed marka la samaynayo manhaj waxa la galiyaa waqti badan iyada oo laga eegayo dhammaan dhinacyadaas aynu kor ku soo sheegnay waxa kale oo waqti la galiyaa Cilmi nafsiga waxbarashada (Educational psychology) iyo falsafadda manhajku ku salaysan yahay.

Manhajyada casriga ah waxa xuddun u ah ardayga (Learner-Centered), waxa lagu saleeyaa koritaanka ilmaha, baahiyiisa, waxa ardaydu ay jecel yihiin mustaqbalka iyo qiyamka bulshada. Manhajyada noocan ahi waxa ay u baahan yihiin daraasad badan oo lagu ogaado arrimaha bulshada iyo rabitaanka jiilka manhajka loo samaynayo sidaa awgeed kharash badan ayuu u baahan yahay waxaana samaysta waddamada hodanka ah.


Manhajka kale ee la adeegsadaa waa ka ay maaddadu xuddunta u tahay (Subject centered). Manhajkan waa ka loo sameeyo maaddooyin cayiman oo la isla yaqaan waddanka oo dhan iyada oo aan loo eegayn kala duwannaanshaha waxa ay ardaydu jecel yihiin. Manhajka noocan ahi waa ka ugu badan ee laga adeegsado waddamada Afrika oo iyaguna ka dhaxlay nidaamkii yurub ee gumaysiga ku yimid.Tusaale ahaan ardaygu maaddada wuu qasban yahay ama ha ku wanaagsanaado ama ha ku adkaato’e haddii uu ku guuldaraystana waa maaddo sidaa ugu diwaangashan.

Somaliland manhajkii ugu horreeyey ee ay samaysato waxa la galiyey waqti fiican maaddooyinka intooda badanna waxa diyaariyey barayaashii waxbartay xilligii dawladihii hore ee Soomaaliya. Intaa wixii ka dambeeyey waxa bilaabantay in wasiir waliba ka fikiro in uu sameeyo manhaj uu ku qoray magaciisa iyada oo aan wax tixgalin ah la siin arrimaha aynu sare ku xusnay. Arrintaas waxa laga yaabaa in ay tahay kaliya mashaariicda ay haayaduhu la yimaaddaan.

Xilliyadii Axmed Yuusuf Ducaale iyo Xasan Gadhweyne madaxda ka ahaayeen wasaaradda waxbarashada Somaliland manhajka marka la sameeyo waxa la qaban jirey kulanno barayaasha waddanka oo dhan loo qabto xilliga fasaxa ka dib maaddo maaddo ayey barayaashu u darsi jireen xataa khaladaadka yaryar ee xagga qoraalka ah ayaa la soo saari jirey khalad aqooneedna warkiisaba daa.Waxa kale oo la raacin jireen tilmaame bare (Teacher’s Guide) maaddo walba, bareyaasha maaddadaana si gaar ah ayaa loogu tababari jirey qaabka ay ardayga ugu gudbinayaan aqoonta ku duugan maaddadaa. Hadda waqtigaa wanaagsani wuu dhawaa.

Su’aalahan aynu is weyddiino:
1. Manhajka imika la dhigto yaa diyaariyey? 
2. Sidee loo diyaariyey? 
3. Waa sidee tayada casharadiisu, qaabka casharadu u habaysan yihiin iyo sida loo xushay nuxurka casharrada?
4. Bareyaasha ma lagu tababaray?
5. Maaddo kasta ma loo sameeyey hage baraha loogu talo galay?
6. Waa intee khaladaadka aqooneed iyo kuwa farsamo ee ku jiraa?

Weydiimahan iyo kuwa la midka ah ka jawaabistooda buugaag baa laga qori karaa!

Talo soo jeedin
1. Waa in la xoojiyaa waaxda manaahijta wasaaradda waxbarashada iyada oo loo shaqaalaysiinayo bareyaasha waayo aragga ah ee muddo badan wax dhigayey isla markaana leh aqoonta lagama maarmaan ka u ah manaahijta.
2. Dib eegista manhajka waa in loo daayo bareyaasha aan kor ku sifeeyey? Maan fahmin qof maaddo uu hore u diyaariyey la dhaliilsan yahay in uu isla isagii dib baan u saxayaa yidhaa ama loo diraba sida hadda jirta.
Dib eegista manhajka waa in lagu talo galo in dib loo saxo wixii khaladaad ah ee ku saabsan ujeedooyinka, nuxurka casharada iyo qodobada kale ee muhiimka ah. 


3. Dib eegista waa in la tixgeliyo qaabka aynu u dhigano afafka ingiriisiga iyo carabiga. Afafku waxa ay leeyihiin xirfadaha la wada yaqaan ee (Akhriska, Qorista, Fahanka iyo ku hadalka) waynu ognahay mid walba heerka ay ardaydeenu ka taagan yihiin.


4. Waa in maaddo kasta loo diyaariyo tilmaame bare isla markaana bareyaasha lagu tababarro.


5. Bareyaasha dugsiyada waa in lagala tashado khaladaadka manhajka ku jira maadaama ay iyagu ugu xogogaalsan yihiin.

La soco ——–

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.