W/Q  Cabdiraxiim Cabdilaahi shiine

 

Hantida Umadu waa xoolaha ka dhaxeeya dadweynaha taas oo laga sameeyay ama laga soo iibiyay Dhaqaale iyaga laga soo uruuriyay oo loo yaqaan Cashuur.
Cashuurtu waa lacag qasab ah taas oo lagu soo rogo cashuur bixiye iyadoo uu ku waajibinayo Sharciga iyo dastuurka ka jira dalka soo uruurinteeduna waa waajib saran Dawlada hadba markaa awooda haysa iyadoo soo uruurinteeda loo xilsaaranaysa Qof ama Hay’ad sharci.
Lacagtaas waxaa loogu talagalay si ay Dawladu ugu bixiso Mushaharka shaqaalaha, kharashaadka, Ilaalinta Amniga Dalka iyo inay maalgeliso mashaariico hormarineed oo kala duwan kaas oo dadweynaha faaido u leh. Bixin la’aanta Cashuurtu oo ay weheliso quudhsiga ama iska caabbinta Cashuur qaaduhu waa danbi Qaran Shaqsiga ku kacaana waxa uu mutaysanayaa ciqaab sharci ah, Cashuurtu waxay ka kooban yihiin cashuuraha tooska ah ama kuwa aan tooska ahayn waxaana badanaa lagu bixin karaa lacag, Cashuurtii ugu horaysay ee la qaaday waxay ka dhacday Ancient Egypt qiyaastii 3000 – 2800 sanno ka hor.
Cashuuraha laga  qaado Muwaadiniinta Jamuuriyadda Somaliland way siyaabo ama qaabab  kala duwanyihiin iyadoo aynaan halkan ku soo koobi Karin cida ugu badan ee dhaqaalahaasi ku hoydo ama qaranka u qaabilsan waa Wasaaradda Hormarinta Maaliyada iyo Dawladaha Hoose magaalooyinka  oo Cashuur ka qaad degmooyinka ay ka koobantahay Magaladaasi.
Waayo Cashuur bixiyuh: guud ahaan waxa lagu gartaa qofka cashuurta bixiya waa shaqsi ama hay’ad ay waajib ku tahay inay lacag siiso Hay’adaha cashuuraha ee dowladda hoose ama dowladda dhexeba, Cashuuraha waxay ku jiri karaan qaabka dakhliga ah ama cashuuraha lagu soo rogo milkiilayaasha hantida ma guurtada ah sida Guryaha, Gawaadhida iyo qaabab kale oo badan.
Hadaba aynu usoo daadagno dulucda qormadeenan aynu kaga hadalyno dhibaatooyinka soo wajaha ama ay la kulmaan dadka sida gaarka u isticmaala Hantida ay Umadu wada leedahay ama dhaqaalaha laga soo uruuriyay bulshada, iyadoo laga soo qaadayo Agoontii,curyaamiintii, taajirkii, fiqiirkii iyo qaar kaloo ka sii liita.
Hantida Umadu waa hanti u gaar ah adeegsigoodu dadweynaha taas oo ay gacanta ku hayso dawladu, tani way ka duwan tahay hantida uu gaarka leeyahay qof shaqsi ah ama hay’ad macmal ah oo matasha danaha dhaqaale ee dad gaar ah, ama shirkada  Lahaanshaha gobolka, lahaanshaha dadweynaha, lahaanshaha dowladda ama hantida dowladda, waa eryo badaanaa loo isticmaalo  hantida ay umada wada leedahy taas  oo  aanu qofna gaar sheegan Karin.
Hantida ay umadu wada ledahay waxaa ka mid ah Cisbitaalada Dawlada, Saldhigyada Booliska, Waddoyinka, Dugsiyada Waxbarashada, Gadiidka Dawalada, Garoomada Kubada Lagu Ciyaaro, Sariibadaha, Warbaahinta Qaranka Iyo Dhulka Banana Ee Loo Qorsheeyay In Laga Dhiso Dan Guud.
Dhamaan hantida aynu soo sheegnay waxaa laga maal galiyaa Cashuurta Dadweynaha laga soo qaado, Hantidaa ay umadu wada leeyihiin qaarkeed waxaa si gaar ah u manaafacaadsada dad gaar ah, sida Baabuurta Dawlada .
Diinteena Islaamku meel adag ayay iska tag hantida ay umadu wada leedahay in qof si gaar ah u isticmaalo. ILAAHAY (SW) wuxu qur’aankiisa ku sheegay suuradda al-cimraan aayadda 161.
Nabi umay sugnaan inuu lunsado hantida muslimiinta ka lunsada ama amiir ha noqdo ama madax ha noqdo wuxu la imanayaa qiyaamaha isagoo wixii uu lunsaday cunihiisa loogu duubay.
Xadiis saxeexa wuxu nabi muxamed (CSW) saxaabada ku waydiiyey ma taqaannaan mufliska? (Hebel wuu kacay) Waxay yidhaahdeen waa ka aan dirham iyo diinaar midna haysan, nabigu wuxu yidhi kaa ma aha, waxa ka mida ka hantida umadda boobaya ee qiyaamaha imanaya isagoo acmaal wanaagsan iyo khayr sameeyey, ee ummad badani kusoo xaadirayso iyagoo leh “ILAAHAYOW anna intaydii iiga qaad” marka laga wada qaado wixii uu khayr lahaa ee laga dhammaysto haddana qof waliba dambigiisii dusha ka saaro, kaas ayaa ah mufliska (Hebel wuu kacay)
Waagi Cumar Binu Khadaab uu ahaa Amiirka Muslimiinta ayaa waxaa gurigiisa ugu yimid nin ka soo noqday dagaal ay muslimiintu qaaday isla markaana warbixin usiday amiirka ka dib markii uu ka dhagaystay warbixintii ninkii ayuu markii danbe ninkii is yidhi Amiirkii ka waryso xaaladiisa gaarka ah, Cumar binu khadaab intuu kacay ayuu soo bakhtiiyay lambad wayn oo u baxaysay ka dib wuxuu shitay lamabad yar oo daciif ah markaasu ninkii uga warmay xaladiisii gaarka ahayd ninkii ayaa waydiiyay sababa uu lambada weyn u bakhtiyay tan yare e diciifka ahana ushiday wuxuu Cumar binu khadaab ugu jawaabay lambada weyn waxaa laga shidaa ama iska leh Umada Islaamka ah iyagaana loogu shaqeeya dantayda gaarka ahna tan yare e diciifka ah ee aan Anigaa iska leeyahay ayaan ku qabsadaa.
Fariintaasi waxay ku tusaysaa siday Madaxdii Islaamku ay iskaga ilaalin jireen inay si gaar ah u isticmaalaan xoolaha umaddu wadda leedahay.
Dalkeena maanta waxaad arkaysaa Qof baa xil loo dhiibayaa isagoon markaa hanta aan lahayn kadib waxaa uu xilka ka dagayaa isagoo hantiile ah oo xoolaha umada ee lagu aaminay ka dhistay Hanti uu isagu gaar u leeyhay taas oo aanu xasuusanayan xoolahan umada ee lagugu aaminay in hodhow Aakhira Illahay ka xisaabinayo ku tagrifalkoodana uu ku mutaysanyo cadho Alle iyo cadaab Aakhiro.
Alle ha unaxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa laga hayay ninka marka uu yaryahay ee ku jiro heerka waxbarshada isla markaana Iskuulka ku dhigata surwaal dabada kar karan ama jeex jeexan isagoo ay qayrkii ku tagayaan iskuulka  suudhadh iyo maryo qaali ah marka hadhow xil dawladeed loo dhiibo kaliya waxa uu xasuustaa Surwaalkii dabada karkarnaa ama  jeexjeexnaa ee uu iskuulka ku tagi jiray ka dib waxa uu toshaa Jawaan ay dabdiisu Xamar taalo Afkiisuna Hargaysa yaalo kaas oo u ku gurto ama uu ku uruursado xoolo badan Dawladu leedhay. Xikmada uu Inoo sheegay Alle ha unaxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamuuriyadda Somaliland waxaad is odhanaysaa wuxuu arkayay madaxda maanta dalka joogta ee xataa Agaasime waxeed ku daadalayo inuu hanti badan ka uruursado xoolaha umada e masuulka ka yahay, dhacdooyinkii aan usoo joogay ee musuqmaasuq waxaa ka mid ah maalin waxaan ku dhawaa Kaalin uu shidaal ka qadanayay nin ahaa Agaasime maamul iyo lacag ka ah wasaarad ka mid ah wasaaradaha dalka Kaalintan uu shidaalka ka qaadanayay  Wajahadeeda hore ee galbeed waxaa lagu iibnayay Xabxab ka dib inta uu shiidaalkii ku shubtay ayuu u dhaqaaqay waxa uu is dul taagay inankii Xabxabka iibnayay ka dib waxa uu uyeedhay inankii kaalinta ka masuulka ahaa wuxuuna usheegay inuu ubaahanyahay xabxab uu ku qadeeyo isla markaana uu uqorayo shidaal kabadan ka badan midhkan  xabxabka ah kana bixiyo lacagata xabxabka  hadhowna uu ku soo dalco Wasaarada iyadoo shidaal ahaan ahaan ah.
Erayga GT waxaa lagu calaamadiyaa Baabuurta dawlada taas oo ku sheegaysa inay yihiin hanti umadu wadaleedahay lakiin se waxaad arkaysaa isagoo masuulka loo dhiibay ee la yidhi qaran ugu shaqee isagoo u adeegsanaya dano gaar ah maalin dhawayd waxaan u taagnaa iyadoo nin wasiira ah sharaab iyo biyo uu ku qaylo loogu qaadayo gaadhigii ay dawaldu u dhiibtay si uu umada ugu shaqeeyo.
Waa Maxay Dhibaatooyinka Ama Xanuunada Soo Wajaha Dadka Xoolaha Umadda Si Gaar Ah U Isticmaala
1: Xanuun joogto ah: masuulka xoolaha umada lunsada ama ku tagrifala waxaa ku dhaca xanuun joogata ah oo ku dhaca isaga,xaaskiisa ama caruurtiisa taas oo ay sababto xaaraanta uu naftiisa iyo reerkiisa.
2: Shaqo dawladeed mooye inaanu shaqo kaleba qaban : waxaad arkaysaa masuul xilka laga qaaday oo markasta ag jooga wasaaradii uu xilka ka hayay mudana dhawraya in xil loo magacaabo isla markaan aan meel kale ushaqo tagi Karin ama aan xirfad kale ba aan lahayn.
3: Inay ku filnaan wayaan hantida uu haystaa isla markaana baahi loo saaro labada indhood dhexdooda una muuqato hantida ay haystaan umada kale.
4: heerka waxbarsho  ee Ubadkiisa: Si kastoo caruurtiisa uu ugeeyo iskuulada qaaliga ama jaamacadaha dibada heerka aqoonta ee caruurtiisu waxay noqdaan kuwo ka hooseeya caruurata qayrkooda.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q  Cabdiraxiim Cabdilaahi shiine