X

Ha Noqonina Kuwo Lagu Hungoobo

WQ: Xuseen Cali Nuur

Qalabka farsamo ee ciyaartoyga iyo niyadda ay ku ciyaaraan, marka ay garoonka galaan waxay ku xidhan yihiin tababarka ay qaateen iyo hadba dareenkooda, sida loo diyaariyo inta aanay garoonka gelin ka hor.  Waxa kale oo ay ku xidhan yihiin jawiga guud ee ku geddaaman ciyaarta.

Waxa taas la mid ah loolanka siyaasiyiinta dhawr xisbi dhex mara xilliga doorashada. Qaabka doorashadu u dhacdo, laga bilaabo maalinta ololaha la bilaabo, maalinta codeynta, ilaa dharaarta lagu dhawaaqo natiijada waxay ku xidhan yihiin:

  • Mabaa’dida axsaabtaasi ay leeyihiin. Nooca doorashada, dhaqanka shacbiga iyo ujeeddada iyo hadafka hadba doorashadaas laga leeyahay.
  • Guusha doorashooyinkii isku sidkanaa ee indhaha dunida soo jiitay, caalamkuna la yaaban sida ay innoogu suurtogashay, waxa u sabab ah arrimo dhawr ah.

Shacbiga Somaliland oo xornimada iyo madaxbannaanida jecel, waayo-arag u ah doorashooyinka, horena u soo maray gumaysi iyo nidaamka Taliska kaligii taliyenimada.

Shacbiga oo waayo-arag u ah faa’iidooyinka halka qof iyo hal cod ah, iyo nabad ku wareejinta xilalka kala duwan ee Madaxtooyo, Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.

Waxa ahmiyad gaar ah leh qaabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu dhaqanto dimuqraadiyadda oo aan ahayn, mid iyadoo duuduub ah la soo waariday, balse ah mid lagu saleeyey hannaan dhaqameed iyo deegaameed oo munaasib ku ah shacbiga Somaliland.

Dhaqameynta iyo deegaameynta oo wixii mushkilad ah ama iska-hor imaad kasta hore loogu soo xaliyey, iyadoo la isku tashanayo, Ilaahayna la talo saaranayo, lagana ilaalinayo farogelin shisheeye.

Saddexda xisbi qaran oo leh mabda’ kaliya. Mabda’aas oo ah in dalka la horumariyo, loona raadiyo aqoonsiga ay xaqa u leedahay, waxayna taasi shacbiga iyo dalka ka badbaadisay kala-qaybsan siyaasadeed oo ay xisbiyadu yeeshaan.

Mabda’a mideysan waxa muujiyey faa’iidadiisa madaxda xisbiyada, murrashaxiintii iyo taageereyaasha oo caddeeyey inay ku kala duwan yihiin oo kaliya qaabka dalka loo dhisayo, loo hormarinayo iyo aqoonsiga loo raadinayo.

Hadafka middaysan waxa ka dhashay inay isku goob ka wada codeeyaan taageerayaasha saddexda xisbi, iyagoo  astaamo kala duwan sita. Waxa kale oo faa’iidada ka mid ah inay ka marag kacayaan in xisbiga talada hayaa aan looga baqin ku shubashada doorashada.

 

Xildhibaannada la dhaariyey ama kuwa la dhaarin doono ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, waxaan xasuusinayaa, in dalka iyo deegaannadooda horumarkoodu ku xidhan yihiin, hadba danta guud sida ay uga horumariyaan danahooda gaar ahaaneed. Waxaan xasuusinayaa in Ilaahayna xisaabin doono inay maanka ku hayaan.

Waxaan leeyahay mar haddii aan kala duwanaansho fikir siyaasadeed oo kala fogeynayaa aanu jirin, in sida ay ololaha ku galeen, shacbigana ugu ballanqaadeen inay ku dhaqmaan, kuna shaqeeyaan.

Waxaan kula dardaarmayaa “Dooroonnayaal ha noqonina kuwo lagu hungoobo; balse noqda kuwo dalka iyo dadkuba u aayaan.

Qallinkii Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post