X

Ha il-Duufin Garashada

WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir”

Dadkeena badankiisu beryahan dambe waxay ku mashquulsan yihiin siyaasadda iyada oo la illaaway arrimihii kale ee muhiimka ahaa. Siyaasadda lafteedu waa ay is dhaantaaye teenu waxay ku meeraysataa ashkhaas iyo hebello la hadal hayo. Qolyaha daraaseeya garaadka bani’aadamku waxay garashada dadka u kala qaybiyaan dhawr jaad oo ay ka mid yihiin:
1. Dad garaadkoodu xabaarsan yahay isla markaana ka faalloodo mabaadii’, fikrado iyo aragtiyo.
2. Dada garaadkoodu ku hawlan yahay faallaynta iyo ka-waramidda dhacdooyinka iyo sooyaalka taariikheed ee bulsho, qof ama kooxeed.
3. Iyo dad garaadkoodu ku mashquulsan yahay ammaanta, dhalliisha, muuqaalka iyo ficillada ashkhaasta kale, kana sheekeeya hebel, heblaayo iyo wixii la mid ah.

Waxaan filayaa bulshadeenu maanta waxay u badan tahay jaadka saddexaad oo ay aqoonyahannadu ku tilmaameen kuwa ugu martabadda hooseeya. Waxaad dareemaysaa in jileyaasha siyaasadda ee had iyo jeer lagu foogan yahay si shakhsi ah loo faallaynayo halkii ay ahayd in lagu kala sooco laguna kala doorto mabaadii’dooda, kartidooda, aqoontooda, wixii ay soo qabteen iyo waxa laga filan karo in ay mustaqbalka qabtaan. Waa halka aan la jecelahay bulshadeenu in ay gaadho, waanan ku rajo waynahay in aynu mar uun gaadhi doono.
Mawduucaygani siyaasad maaha. Waxaan jecelahay in aan wax ka yar taabto l arrimo kale oo mudnaantooda leh.
1. Muddooyin kan dambe waxaa hoos-u-dhac wayni ku yimi arrin islaamnimada ku ahaan jirtay fadeexad iyo laf-jab taas oo ah caydii diinta, nebiga iyo Ilaahay loo gaysan jiray. Ilaahay ha ka abaal mariyo’e waxa door muhiim ah ka qaatay Culimada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista. Waxay tani muujinaysaa in ururrada iyo xafiisyada wanaagga u midoobaa ay ka awood iyo wax-qabad badankaraan ashkhaasta. Waxay culimadaasi u qalmaan oo ay xukuumadda iyo bulshada kaleba ka mudan yihiin dhiiri-gelin, bogaadin iyo hawlaha ay gacanta ku hayaan oo wax lagala qabto.

2. In kastoo aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin daraasado inoo muujiya heerka ay marayaan mukhaadaraadka ay ka mid yihiin khamriga, xashiishadda iyo qaadku, haddana waxaynu indhaheena ku arkaynaa in ay kor u sii kacayaan, in dad badani ay maalinba ta ka dambaysa balwadahaas ku biirayaan. Haddii ay sii bataan oo ay gaadhaan heer la xakamayn kari waayo waxay innagu keeni kartaa burbur bulsho oo laga soo waaqsan kari waayo sida ku dhacday waddamo badan oo dunida ah. Waxaan u soo jeedin lahaa madaxwaynaha iyo xukuumadiisaba in la abuuro hay’ad u gaar ah la-dagaallanka maandooriyaha nooc kasta oo uu yahay. Jiilka maanta iyo jiilka berito Labaduba waxay u baaahan yihiin badbaado.Ale ayaa wax badbaashe e.

WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post