X

Gudoomiye Salebaan Maanta Kala Dooro Danta Qaranka Iyo Ta Madaxweyne Siilaanyo: W.Q Kaptanka

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan waa nin aqoonyahan ah, kana mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland hormoodka ka ahaa sodonkii sannadood ee lasoo dhaafay. Mudane Saleebaan waxa uu ahaa siyaasi halgan dheer usoo galay sidii uu wadanka uga noqon laha Madaxweyne waana Siyaasigii kali ahaa ee u badheedhay inuu kursiga Madaxtooyada kula tartamo Madaxweynihii hore ee Somaliland AHN M. Ibrahim Cigal doorashadii 1997 kii wadanka ka dhacday ee uu waxyar kaga guulaystay Marxuum Cigaal, taas oo Saleebaan ku qancay.

Halka uu Madaxweyne Siilaanyo raalida ku ahaa inuu Wasiir u ahaado Madaxweyne Cigaal waqtigaa. Saleban Madaxweyne inuu noqdo ayuu hamigiisu ahaa maantana isaga iyo Siilaanyo ayaa dalka ugu sareeya oo raali lagaga yahay.

Gudoomiye Saleebaan wuu ka sareeyaa Odayaasha aan aqoonta lahayn ee guurtida laga dhigay waa nin muran siyaasadeed. Soomaray oo garan kara waxay daarantahay. Somaliland waxay ku maahmaahdaa geeljire geela wuu wadajira waana kala jiraa, maanta Salebaan isagaa midada daabkeeda haya oo gudoimiye ka ah golaha guurtida canaantu isagay ugu hordhacaysa haddii wax qaldamaan oo weliba waxa intaa u dheer xanta suuqa kuu taala ee gudoomiye xantaa iska fogee.

Hadaba gudoomiye yaanay ceebi kaa raacin Mudo kordhin aad u ficil samayso xukuumada maanta go, aan shacabka kaa dhuur sugaaya adiga oo ka farxiya ayaanu kaa sugaynaa maanta gudooniye kaama filayno mudo kordhin ka badan sanadka Komishanku soo jeediyey inaad sharciyayso sanadka waxii ka badan ceeb ayaa idinka raaci dalkuna idinkuu idinkula xisaabtami isha Allah.

Wabilaahi Towfiiq
Abdiqani Salaf (Kaptanka)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post