X

Guddidii Loo Xilsaaray Taakulaynta Abaaraha Waxa Looga Fadhiyaa Xisaab Celin Hawshii Loo Igmaday, By. Rashiid Sulub

 

 

Anigoo ah Haldoor Rashid Sulub Caalin,waxaan marka hore u mahadnaqaya dhamaan dadkii ka qayb-qaatay Takuleynii Abaarihii Baahsana ee ka dhacay dalkeeda ee Qurbajoog & Qoqoljoogba lahaa.

Waxana dhamaan Bulshada reer S/land iyo adduunweynahaba u cad in ay Guddidii loo igmadey isku-duborida hawlahii samafalka ahaa ay u gudatay illa xad si xil-kasnimo leh oo waajib ku ahaa.Waxase an anigu Rashid ahaan,muwaadin ahaan,iyo ka qaybqaataba Takuleyntaasi aha, ayaa waxaan halkan Guddidaasi war-baahinta u soo marinaya Codsigeygan oo an aaminsanahay in an XAQ u leeyhay oo ah:-

1) In bulshada Reer S/Land ay xaq idiin ku leehayahii in ad u soo bandhigtaan dhamaan hawlahii Abaartaasi khuseyneysey A TO Z iyadoo dhameystiran oo waafaqsan Nidaamka adduunka ee SOO-BANDHIGA HAWLAHA QARAN.

2) In si ad isku baraxdan,Bulshaduna ku qanacdo ad soo bandhigtaan dhamaan KHARSHKII TAAKULEYNTA EE GUDO IYO DIBADBA LAGA SOO BIXIYAY.

3) In aad ogaatan in anan aqbalidoonin,aniga iyo kuwa Muwaadiniinta ah ee Danta guud u hiloobey in ad nagaga baxsan kartaan AMUSNAANTIINA IYO BUSTE-ISASAARKINA IYO DHEX-QUUSINTA KALO-GUURKA DAWLADA EE IMIKA TAAGAN oo anu duudub ku liqno xisaab la’aan.

Waxaan ku soo gababeynaya, anigoo si Caam ah u hadlaaya, in hada iyo waxii ka danbeeya cidna laga aqbalidoonin in hawl la’aan HANTIDA QARAN IYO SI FUDUD LOO QAATO OO LOO HAWEYSTO,OO LOO TAXTAXAAJO,waxana xaqiqo ah aduunki in uu isbadaley,sida dadku wada-ogyahayna Dadwenahii ay wado leeyahiin INDHO-QUDHAANJO,oo si fudud war oo dhan lagu heli karo il-bidhiqsiyo mid qoraal ah iyo muqaal ahba.Waxana Indhaha laga lalinkarin labo Xaqiiqo oo ah tan hore:- In MUSHRAXIINTA HAWEYSANAYA IN AY XUKUNKA DAWADNIMADA S/LAND KU GUULEYSTAN ay hore ba u sii qorsheeyen, SHEEGEYNA IN MAXKAMADO WATA DHAMAAN NIDAAMKII DAWLADNIMO EE LAGU CIQAABI LAHA KUWA HOREY U LUNSADEY HANTIDA QARANKA IYO KUWA HAWEYSAN KARA LA MARIYO .Labo:-In ay jiraan Dayar Murogo iyo Shaqo la’aan,Busarad, Baryo iyo Ciil ay ka muteysteen Maamul-xumida jirta oo ficil in ay qaatan KA LIBIQSANEYNIN,KANA WAABANEYNIN oo TUBAN GURYAHEENA IYO SUUQYADEENA!

F.G Maqaalkani mid shakhsiyaysan,Mid Siyaasiyeysan,mid ku xumee ah,mid Darajo an ku doonayo ama dad gooniya ku xagxaganyo ma ah,laygumana baran!

RASHID SULUB CAALIN Tele. 4426781 Somtel 4426781.E-mail sulub2007@yahoo.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post