Somaliland waa dal yar oo curdin ah oo dhaqalihiisu liito, isla markaana ilaha dhaqaalaha uu ku tiirsan yahay ay yihiin dhoofinta xoolaha iyo cashuurta kooban ee laga qaado ganacsatada iyo danyarta maxaysatada ah ee wax ku iibiya suuqyada magaalooyinka, sidaasoy tahay suuqa kaliya ee xoolaha aynu ku xidhanahay ee ah ka Sucuudiga uu haatan xidhan yahay, isla markaana cashuurka laga qaado, ganacsata iyo shaqaalaha aanay ahayn intii laga qaadi lahaa sharciyan iyo in u odhan toona. Halkaana waxa kaga muuqda in awooda dhaqaale ee dalka ay aad u liidato horumar ballaadhana aan lagu tallaabsan karin, isla markaana aanu iska difaaci karin dhibaatoyinka dabiiciga, sida abaaraha ba’an ee dalka ku haabsaday, Ilaahay oo inaga so furto oo raxmadisa ino shuba moyaane, xaaladu way ka si daraysaa, waxaana bulsho, dowlad, xisbiyo inala wada gudboon inaynu meel uga soo wada jeeesano, unana gurmano dadka tabaalaysan.
Waxa wax lagu lagu farxo in Xukuumadda talada haysa, ganacsatada iyo qurbo-jooga reer Somaliland ay tageero laxaadleh gaadhsiiyeen dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen, oo la odhan karo waa waxa aynu dheernahay wadammada kale ee Qaaradda Afrika, isku gurmadka iyo isku naxariisashada waxaad ku kasban karta naxarista Alle. “Ilaahay wuu cawiyaa adoonku, marka uu caawiyo walaalkii) iyagoo ay ugu deeqeen ganacsatadu abaaraha lacag ku dhow ilaa shan milyan oo doollar iyo xukuumadda oo ceelal u qoday deqaamada ay abaartu ka jirto. Raashino iyo lacag adagna gaadhsiiyay iyo waliba miisaaniyadda sannadka oo ay sida xukuumaddu inoo sheegtay in ay laba milyan oo doollar ay ugu jirto sannadka 2017. Isla toddobaadkii horena ay dowladda iyo Wasaaradda Maaliyaddu ay ku wareejisay hal milyan oo doolar iyo waliba saddex booyadod oo biyaha loogu dhaamiyo dadka abaaruhu saameeyeen.
Waxa kaloo tageero inoogu deeqay qaybo kalena soo wada dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka, kuwaasoo inaga tageeri doona gurmadka abaarta, uguna deeqi doona Somaliland lacag dhan ilaa $10 milyan oo doollar, iyagoo marka horeba waddanka wax badan ka caawin jiray, haddii ay noqoto xaga doorashoyinka, bani’aadanimada, kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadida awoodaha shaqaalaha dowladda, dhisida dhismayaasha xafisyada dowladaha, dhisida waddooyinka, iwm imikana ay xagii abaaraha gacan laxaaad leh ka geysan doonaan.
Waxa aynu odhan karnaa waa qadar lacag ah oo badan oo marka intaasoo dhan la isku geeyo oo la iskaba daayo deeqaha kale ee abaaraha loogu deeqay, intaaso kaliya ayaa ah 18 milyan oo doollar. Markaa muwaadin, ma kula tahay inay ku filan tahay gurmadka abaarta lacagtaa qadarkeedu dhanyahay 18 milyan ee dollar, mise kula tahay inay in uun wax ka qabanayso xaaladda abaaraha?
Soo dhawoow haddaba su’aashaa jawaabteedu waxa weeyaan way ku filan tahay oo ay waliba way ka badan tahay in wax loogu qabto abaarta ba’an ee dalka ka jirta iyo in mashaariic horumarineed lagu sameeyaba.
Haddaba, maxay qaban kartaa intaaso lacag ah, imisa ceelbiyood ayay qodi kartaa, immisa biyo xidheen ayey samayn kartaa degaamada ay abaartu ka jirto, intee oo raashin ah ayay dadka loogu iibin karaa, qiimaha raashin waynu wada naqaan, qiyaas dadka deegamada ay abaartu ka dhacday degaan, haddii aad doonto kaba dhig 4-ta milyan ee Somaliland ku wada nool, intee oo xoolo ah ayaa loogu iibin karaa dadka ay xooluhu ka dhammaadeen, intee oo qof ayaa dib-u-dejin loogu samayn karaa, looguna rari karaa deegamada roobku ku danbeeyeen ama dhaama xaaladda abaarta ee dalka, gaar ahaan gobollada bari ee Somaliland?
Jawaabtu waxa ay noqonaysaa haddii ay dawladdu tallaabo cad ka qaado ama qorshe wanaagsan samayso wax badan ayaa lagu qaban karaa lacagta loogu gurman karo abaaraha kuwa hadda iyo kuwa mustaqbalka dhowba.
Habdada maxaa Xukuumadda talada haysa la gudboon?
Haddii in uu ay xukuumadda talada haysa ay ka naxayso masaakiinta baylahsan ee abaartu dad iyo duunyada baabisay, oo ay rajo ka leeyihiin in ay dalkan si hogaamiyeen waa in Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaanyo ku dhawaaqo dhismaha hay’ad u gaar ah gurmadka abaaraha, laguna sameeyo sida ugu degdega badan, lana diyaariyo, shuruucdeedii, iyo nidaamka ay u shaqaynayso, isla markana laga ansixiyo baarlamaanka.
Sida aynu ognahay hawl walba oo la qabanayo waxa muhiim inay leedahay xeer iyo sharci iyo qaab ay u shaqayso, arrinta gurmadka abaaraha iyo la tacaalideeduba waxa u baahan tahay in ay xukuumadda samayso hay’ad gaar uga shaqaysa abaaraha oo kaliya, maadaama aanay jirin hay’addaasi waqtigan, marka laga reebo Hay’adda NERAD oo qaranka u qaabilsan cilmi-baadhista degaanka iyo ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah, haddii laga maarmi waayana ay si dhow u wada shaqeeyan, isla markaana sida dastuuriga ah loo sameeyo xeer shaqo ama mandate iyo qorshayaal shaqo, loona sameeyo maamul iyo guddi dusha ka maamusha (board members), iyo guddi fulineed, isla markaa golaha sharci-dajinta ee baarlamaanku ansixiyo.
Guddida heer qaran iyo heer gobol ba ee abaaruhu ilaa hadda howl fiican ayay qabteen, iyagoo intooda ugu badan ay yihiin culuumadeena sharafta iyo karaamada inagu leh, gurmad degdega ahna ku dhaqaaqay oo ay xukuumadda iyo shicibkuba wixii ay bixiyeen ay gaadhsiyeen dadkii abaartu samaysay, uguna tageen degaanadooda iyo kuwa waliba dadka inta ka baqooshay ee baad iyo biyo u doontay degaanada ay filayeen inay dhammaan ama uu roobku ku danbeeyay.
Hasa yeeshee, xaqiiqda jirta waxa ay tahay in guddida abaaruha loogu talogalay uun xaaladaha degdega ah, balse ay lagama marmaan tahay in la sameeyo hay’ad abaaraha si khaas uga shaqeysa, lala xisaabtami karo, shicib iyo dowladda iyo beesha caalamkuba meel ugu soo hagaagi karaan, xeerkii shaqo iyo xafiisyo leh, sharci ah, isla markaana guddida abaaruhu ay noqdaan boodhka ama kooxda dusha ka maamusha, balse shaqada ay qabto hay’addu iyo shaqaalaheeda oo ah kuwa xirfadeeda shaqo leh.
Haddii wax laga doonaya ganacsatada iyo beesha caalamkaba iyo deeq-bixiyaasha waxa la maraa wado ama hab loogu talogalay, kaasoo ah in lo qorto proposal/warbixin qoraalka oo dhammaystiran oo sharaxaysa waxa aad doonayso in laga caawiyo, qaab aad howsha u qaban doonto iyo waliba kharashka ku baxaya, markaas ayay dowladaha caalamka iyo deeqbixiyaashuba ku qanci karaan in ay caawiyaan ama bixiyaan kharashka ku baxaya howsha, iyagoo shuruudoda kowaad ay tahay in jirto hay’ad sharci ah oo waxan shaqo ku leh, isla markaana dhisan, ayna joogaan xirfadlayaal ku takhasusay ku shaqaynteeda, kana soo bixi kara shaqada loo igmado.
Tusaale waxa kugu filan dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo isla abaartan Somaliland haysa mid ka daran hayso saddexdii sanno ee u danbeeyay, balse nasiib wanaag ay qaadhaan-bixiyaasha iyo Maraykanku ugu deeqeen sannadkii 2016 lacag dhan $1.6 bilyan oo doollar, looguna gurmanayo abaaraha Itoobiya, iyadoo $1.1 bilyan oo ka mid ah loo siinayo raashin, laguna caawinayo dad tiradodu dhantahay 9.7 milyan oo u baahan raashin degdeg ah iyo 3.9 milyan oo dad ah oo u baahan biyo nadiif, iyo sixo nadiif ah, arrinta waxa suurogaliyay ka sokow aqoonsiga caalamka ay aqoonsan yihiin Ethiopia, dalkaasi waxa u leeyahay hay’ad u qaabilsan abaaraha, si gaar ahna uga shaqaysa oo heer qaran ah oo sharci ah, lala xisaabtamo, leh sanduuq loogu shubo tabarucaadka, isla markaana soo gudbiya warbixino dhammaystiran haddii ay noqoto xisaab xidho, iyo warbixinnaha waxqabadkaba haddii ay noqoto bil iyo sannad walba.
Haddii aynu rabno in dadkeena reer miyiga ah xoolaha, daaqa iyo degaankuba inoo ahaado mid sii jira, waxa muhiim in laga fikiro mustaqbalka dalka, oo Alle (SWT) oo inaga qabta mooyee in wakhti xaadirka aanay jirin wax qorshe ah oo ay xukuumaddu samaysay.
Waxa muhiim in la sameeyo qorshaayaal mustaqbal fog leh oo laga hortagi karo abaaraha, isla markaana loola tacaali karo marka ay abaarahu dalka ka dhacaan, oo aynu meel uga soo wada jeesato abaarta oo gacmaha la is qabsado, shicib iyo madaxba, Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisuna ha ka soo baxaan waajibka ay u dhaarteen, maadaama doorashadu dib loo dhigayo hadda, oo sababta ugu waynina ay tahay abaaraha dalka ka jira, waxa xukuumadda la gudboon in samayso hay’ad gaar uga shaqaysa abaaraha, sharci ah, baarlamaanku ansixiyay, lagana gudbo guddida abaaraha oo iyagu shaqadoodii soo gutay, balse ay tahay in hore loo socdo caqliga iyo cilmiga iyo cududana la isticmaalo.
Mudane Madaxweyne, looma baahnayn inaad magacawdo wasaaraddo iyo hay’ado aan wakhtigan loo baahnayn in la sameeyo, waxbana aan soo kordhinayn, iyagoo ay wakhti xaadirkan ay jiraan wasaaraddo ama hay’ado ka mudan in la abuuro ama la sameeyaba oo dalka iyo dadkaba wax u tari lahaa, sida hay’ad abaaraha ka shaqaysa, iyo hay’ad shaqo abuurka dhallinyarada u qaabilsan qarankan ay abaarta iyo shaqo la’antu ragaadiyeen.
QALINKII: Khalid A. Hirsi
Hasskhaled2@gmail.com
Hargeisa/Somaliland