X

Golaha Degaanka Gebiley Ma Helleen Guddoomiyihii Ay Sugayeen? By.Axmed Xasan Xaashi Tikniko

Gobolka Gabiley oo run ahaantii ah gobol baaxad iyo khayraad-ba isku darsaday, isla markaana ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka jamhuuriyada Somaliland, ayaa golihiisa degaanka ee magaalo madaxda gobolka Gabiley wuxuu golihiisu ku caan baxay buuq iyo is qab qabsi is daba jooga kaas oo ragaadiyey u adeegistii bulshadii soo dooratay ee ka sugayay waxqabad tan iyo intii la doortay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo].

Haddaba ujeeddada maqaalkaygan oo daarran in la sheego qofka madaxda ah ee muujiya is beddel waxqabad, walaalaynta dadka uu maamulka u yahay, isla markaana xakameeya khilaafka awood-na uu Illaahay u siiyey. Taas oo dadkeena badankoodu ayna u bislayn in ay sheegaan waxqabadka, loona arko dadka sheega waxyaabaha soo jiita maskaxdooda qabaxlayaal ama guulwadayn ayaa waxa aan halkan u marinayaa cid kasta oo dalkan lexlo-jeclo ka hayso in aan lagu mashquulin dhaliisha ee ay is bar bar socdaan dhaliisha iyo waxqabadkaba.

Haddaba ninkasta oo maamul ah waxa laga gartaa hadafkiisa hoggaameed tallaabooyinka uu qaado marka loo dhiibo xilka, waxaynu milicsan doonaa guddoomiyaha golaha degaanka gobolka gabiley Maxamed Amiin tallaabooyin caynkee ah ayuu qaaday? Sidee bay raali uga wada noqdeen dhammaan xubnihii golaha degaanka ee uu ragaadiyay khilaafku?. Bulshada reer Gabiley ma ku qanceen hoggaamintiisa?

Su’aasha hore haddii aynu ka jawaabno wuxuu qaaday tallaabooyin muujinaya waxqabad aan caajis lahayn isla markaana uu ku fekerayo hor-u-marinta gobolka oo ay ka mid yihiin kaabayaasha adeega gaadiid iyo qalabo kale oo dhammaantood ay u baahnayd degmada Kalabaydh oo ka mid ah tiirarka waaweyn ee dhaqaalaha dalka.

· Su’aasha labaad waxaan odhan karaa dhammaantood aad ayay ugu farxeen madashii ducadu ka dhacdayna waxa ka muuqatay wejiyaal faro badan oo aan is arki karayn oo madashaa farxad iyo rayn rayni ka muuqatay halkaana laga dareemayay in raalli laga wada yahay guddoomiyahan sidoo kalena uu wakhti dheeraad ah siiyay sidii ay habsami iyo calool wanaag wado jir ah ay ula shaqayn lahaayeen xubnaha goluhu.

· Su’aasha saddexaad ee ah ma ku qanceen bulshada reer Gabiley hoggaamintiisa waxay ila tahay in ay u baahnayn feker badan sababta oo ah wixii dhaliil ah ee ay dadkeenu arkaan lama habsaamaan.

Talo soo jeedin waxaan odhan lahaa qofku wuxuu wax bedelaa marka ay dadku la socdaan qof keliyi wax ma beddelo qofkii wax fiican qabtaana wuxuu muddan yahay in lagu daydo.

waxaan ku soo gebo-gabaynayaa maqaalkaygan Golaha degaanka Gebiley ma heleen guddoomiyihii ay sugayeen?
Axmed Xasan Xaashi Tikniko
dubad9@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post