qoraal
Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Waxaan la yaabay dadka ku doodaya muddo kordhintu ha ahaato lix bilood oo waliba isi siiyay in ay iyago u leeyihiin hawsha muddo kordhinta xukuumadda somaliland !, ama ha la kordhiyo amba yaan la kordhinee hawshan waxa iska leh golaha guurtida Somaliland oo dastuuriyan,iyaga ku dhawaaqa muddada.

waxa haboon inaan axsaabta qaranku muran madhaleysa waqtiga iskaga lumin dalkanu abaar baahsan ayaa haysata oo u baahan gurmad balaadhan,doorasho in la qabto lix bilood, amba sanad ayaaba iska yar waayo kaabiis weyn ayuu u baahan yahay muwaadinka codayn lahaa maanta. waxaa haboon in hawlaha gurmadka abaaraha loo wada guntado Sidii dalkan looga bad baadin lahaa abaartan , dalkan diyaar uma aha doorasho 2017 In la qabto waayo abaarta dalka oo dhan ayay imika ku faaftay sida darteedna ilaa iyo 2018 waa in xaalada la dhawro si qaranka loo badbaadiyo.
Golaha guurtida ayaanu ka sugayna dhawaaqa muddo kordhinta sida uu dhigayo Qodobka 83 aad faqradiisa 5 aad oo u dhigan sidan (hadii ay suurtoobi weydo doorashadu duruufo la xidhiidha darteed in laqabto doorashadii Madaxweynaha iyo ku Xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhamaato,waxa Golaa Guurtida waajib ku ah in ay muddadii xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweyna iyaga oo tixgalinaya muddada dhibaatada lagaga bixi karo.dorashaduna ku qabsoomi karto.Sidaa halkaa ka cad kordhini waa lama huraan waayo xilkaa uma banaana cid ka hadasho ,wixi halkaa loo sii qod qodaa ee kaleba waa waqti lumis!!.

By Mukhtar Cilmi
khtarcilmi@hotmail.com