X

Giddida Isku Socodka Somaliland & Somalia, Dhuumasho Dhabarku Muuqdo

W/Qoray: Maxamed Aadan Gacayte

“Todobaad ka hor waxa uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay guddi cusub oo la yidhaa (Giddida Isku Socodka Somaliland iyo Somalia), guddidan waxay ka kooban yihiin raxan wasiiro ah oo marka horaba dayacay shaqadii ay qaranka u hayeen. Maalmahan u danbeeyay waxay bulshadu aad isku waydiinaysay ujeedada loo magacaabay guddidan cusub iyo shaqadoodu waxa ay tahay.
Hadaba waxaan doonayaa inaan shacabka u iftiimiyo ujeedada ka danbaysa magacaabista guddidan cusub, Labada Shacabka ee ku kala nool labada dal ee Somaliland iyo Somalia waa dad walaalo ah, isku socodka dadka iyo ganacsiguba waa ka dhexeeya oo ma jraan gidaaro u dhexeeyaa waqtigan.
Kadib lasoo noqoshadii gooni isutaaga madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu dastuurkeenu ka xaraantimeeyay Masuuliyiinta Dawlada iyo Siyaasiyiinta Reer Somaliland inay u socdaalaan Somalia haddii arrintaas uu ku kacana uu yahay danbiile qaran. Hadaba kooxdan wasiirada ah ee loo magacaabay isku socodka labada dal waa arrin Siyaasi ah oo wadada u furaysa in masuuliyiinta dawlada iyo siyaasiyiintu tegi karaan Somalia, iyadoo lagu gabanayo isku socodka dadka oo horaba u jiray, waa talaabo hor leh oo muujinaysa sida ay Xukuumadda Siilaanyo ugu heelan tahay midnimo Soomaaliyeed oo ay maalinba maalinta ka danbaysa ku sii siqayso nidaamka Federaalka ah ee Somalia ka jira.
, Sida aan qabo arrinkani waa qorshe lagu mijo xaabinayo qaranimada gooni isu taaga Somaliland, xikmad somaliyeed ayaa ahayd Ninbaa yidhi, “waxaan ku garanayaa inaan waalanahay dadkoo dhanbaa isoo eega” waxa cadayn inoogu filan in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u xaglinayso midnimo Soomaaliyeed guddidan isu socodka iyo la taliye cusub oo Madaxweynahu u magcaabay wadahadalada Somaliland iyo Somalia”
“Waxa aynu ogayn in Xukuumaddu joojisay wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia, hadana Madaxweynahu, wuxuu magacaabay la taliye cusub oo arrimaha wada hadalada u qaabilsan. Waxa marag madoon ah in xukuumadda Siilaanyo ay madmadow galisay qadiyadii iyo madaxbanaanidii Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa Shacabka Reer Somaliland inay indhahooda furaan oo ka feejignaadaan shirqoolada ay wado xukuumaddan waqtigeedii dhamaaday ee aan Mandate ka u haysan ka talinta masiirka Ummada, waxa kaliya ee laga rabaa ee waajibkeedu yahay inay dalkan gaadhsiiso doorasho xor ah oo xalaal ah. Madaxweyne Siilaanyo waxa looga fadhiyaa inuu shacabka Somaliland u cadeeyo mawqifka uu ka taaganyahay Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ee xukuumadiisu joojisay iyo dareenada ku xeeran guddidan cusub?
Dalku maanta waxa uu u baahan yahay is bedel dhab ah, waxa uu u baahan yahay gurmad, waxa uu u baahanyahay badbaado, waxaynu arkaynaa in qaranimadii Somaliland meel halis ah marayso, in dawlada taagta daran ee Somalia inagu dhiirato oo ay inagu sheegaan maamul goboleed ka tirsan federalka Somalia iyo xukuumaddeena oo aan wax jawaab ah ka bixin. Abwaan Gaariyea AHN Maanso uu lahaa ayaa waxa ku jiray:- “Waxa girgir qaanso sudhan, Warkaba aan gaabiyee, Ragii go,ay wuxuu u go,ay” Somaliland waxay u baahantahay badbaadin Qaranimo mar haddii maanta madmadow lagaliyay Qadiyadii iyo Gooni Isu Taagii Jamhuuriyada Somaliland”.
Alaa Mahad Leh
By. Mohamed Adan Gacayte

Hargeisa/Somaliland
Gacayte09@hotmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post