X

Geeridu Tudhaale Ma Leh

Said Jama Hussein, Image Araweelo News Nertwork.

Araweelo News Network.

Saaxiibkeen, baraheennii, madadaaliyihii, aqoonyahankii dunida uu sidii mayay u maray inooga warrami jiray, maamulihii madaxtooyada Villa Soomaaliya, mutulayaasha SSF, SSDF iyo SNM-ta u ka la gooshay, curiyihii tiraab-curinta toolmoon inoo abqaalay, ababshihii in badan oo dhallinyarada ka mid ah qoraalka iyo curinta jeclaysiiyay wuu geeriyooday. Wakhtigii uu uunka ku lahaa baa u dhammaaday, balse geeridu inoo ma tudhin.

Qalbiyadeenna dadnimadiisa, farxaddiisa iyo kalgacalkiisa bartay, la qabsaday ee u hiloobi jiray geeridu uma tudhin. Geeridu se sideeda ba tudhaale ma leh.

Miyuuse igaba yeeli lahaa in aan u baroordiiqo, ama tolkiisa ballaadhan ee waayeel iyo dhallinyaroba leh ku boorriyo inay hengel qaataan oo tacsidiisa u fadhiistaan. Xaasha, taas igama aqbaleen, anniguna yeeli maayo. Siduu yeelay amintii sababta geeridu qiilka ka dhigatay loo yeedhiyay ayaan yeelayaa.

Sheekooyinkii maadda lahaa, Cadan iyo meelo badan uu ka korodhsaday ee uu ii mariyay ayaan siduu iga fili lahaa u dhigayaa.

Ayaan M. Cashuur dadka wuu ka jeclaa, iyana way uga mudnayd. Odaygii wuu xanuunsayaa ee la hadal ayay igu tidhi. Hagaag baan anniga oo werwersan ugu warceliyay.

Ninka telefoonka iga qabtay waa Nuux oo aan biyo is marin. Khudrad buu iska raamsanayaa. Nuuxun ayaan kor ugu dhawaaqay, Nuuxun ayuu sidii labadayada caadada u ahayd iigu jawaabay. Sheekooyinkiisii Cadmeed mid ka mid ah ayaan xusuusiyay.

Nin baa meel koone ah ka soo leexanaya. Dad badan oo hugun ku jira ayuu ku soo baxayaa. Dadku budhadh bay sitaan. Inta budh loo dhiibo ninkii ayaa lagu odhanayaa gurigii soddohdaa mas weyn baa galay ee soo orod.

Qosol buu ninkii u dhacayaa, oo dadkii ku odhanayaa ma soddohday? Allaylehe maskaas baa bad galay. Ma tii aan ogaa buu isku doontay? Waar iska suga ama meydkiisa ayaa laga soo saarayaa guriga, ama isaga oo lalaya ayuu kadinka ka soo boodayaaye. Imika ayuu igu yidhi, cudurka i soo doontay ayaa sida maskaas ka dhigan.

Qoraalkii inuu yahay meyd meel saaran oo akhrisku nolol ku abuuro ayaannu kaa barannay. Inta akhrisku nool yahay, tiraab-curinta toolmoon bulshadaadu u jeel qabto, magacagaaguna wuu nool yahay oo jiilasha dambe la sii joogaya.

Nabadgelyo Siciid Jaamac Xuseen, Eebbe naxariistiisa ha kuu gu deeqo.

Cabdillaahi Cawed Cige – Qalladdii qoorta laguu sudhay.

“Sida la fili karo, ma qarqarin, ma kogin, sida saaxiibkiis bohol yar isku ma xabaalin isagoo ilkaha isla dhacaya ee intuu u bogy, u riyaaqay, u muraaqooday baaxadda ay dabiicaddu leedahay ayuu ku dhex libdhay hugunkeeda aan kala go’a lahayn. Isaguba miyaanu dabiicadda ka mid ahayn”.(Dalmar – Sheeko. Siciid Jaamac Xuseen).

W/Q Cabdillaahi C. Cige

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post