Qaybta 4aad, Waa Maxay Shuruudaha Qaanuunka Caalamka ee Looga Baahan Yahay Dal Madax-bannaan?
Qalinkii Xassan Cumar Hoorri


Muddo 27 sannadood ah, Somaaliland waxaa ay geed sare iyo geed gaaban u kortay sidii loo xaqiijin lahaa hiigsiga shacabka ee ku suntan aftidii qaran taas oo shacabku 97% ay ugu codeeyeen la soo noqoshada madax-bannaanidii marin habowday 1dii July 1960.

Somaaliland, waxaa ay ka xorooday gumaystahii Boqortooyada Britain 26kii June, 1960. Durbaba, waxaa aqoonsaday Qaramada Midoobay iyo 35 dal oo uu ka mid ahaa Maraykan. Balse, iyadoo tiigsanaysay riyadii mideynta Somaaliyeed oo ay horseed ka ahayd, isla markaana, ku taamaysay in ay dhidibada u taagto labo ka mid ah 5tii Somaaliweyn, toddobaad gudahiis, waxaa ay ku biirtay Somaaliya oo markaa iyadana uu ka kacay gumaysigii Talyaanigu.
Ayaan xumo, Somaaliland waxaa ay ku hungooday hankeedii, waxaana ay gunta u fadhiisatay duudsi, dulmi iyo nac. Ergadii u ambabaxday Xamar, waxaa ay Hargeysa kala sii boqooleen xeer ka soo baxay xukuumadooda (Xeer Lambar 1, 27/June 1960 ee Mideynta Somaaliland iyo Somaaliya). Hase yeeshee, midnimadii kuma ay rumoobin sifo sharci ah. Waxaa aan ognahay:- 1- In aan la oggolaan xeerkii laga soo ansaxiyay Somaaliland. 2- In aan la soo ban-dhigin xeerkii laga diyaariyay Xamar, si loo oggolaado. 3- In aan dood laga furin labada xeer si loo mideeyo. 4- In aan labada dhinac wada saxiixin labada xeer midkoodna sidaana labaduba aanay sharci ku ahayn. 5- In midnimada lagu fuliyay Xeerkii Xamar iyadoo aan lag marin ergadii Somaaliland, balse, laga ansaxiyay barlamaanka oo 2/3 ka soo jeedeen Somaaliya.

Sidaa darteed, waxaa Gobolada Waqooyi laga diiday aftidii lagu ansaxinayay midnimada. Isla markaa, 1961 xoogagga miletari ee ku sugnaa Somaaliland waxaa ay isku dayeen inqilaab fashilmay kasoo ay rabeen in ay kula soo noqdaan madax-bannaanidii. Saraakiishii hollisay afgembiga, waxaa oodda ka qaaday Maxkamadda Xamar markii ay ku wayday wax denbi ah. Maxkamaddu, midnimada waxaa ay ku durtay in aanay dhammays ahayn. Sidaa awgeedna, aanay awood sharciyeed u lahayn ka garnaqa falaka ka dhaca soohdimaha Somaaliland. Ugu danbeyntii, cadaadsi, dulmi iyo hagardaamo soo jiitamaysay 30 sannadood (21 ka mid ah waxaa ka talinayay xukun milateri), Somaaliland gobonnimadeedii waxaa ay la soo laabatay 18 May 1991.

Ogow, Qarannimada Somaliland waxaa ay ku siman tahay tan iyo 1884 markaas oo la hindisay Maxmiyadda Britain ee Somaaliland. Haddaba, intii uu socday gulufka dagaalkii 2aad ee Adduunka, 1940-1941waxaa dalka gacanta ku dhigay Talyaaniga. Hase yeeshee, mar kale, Boqortooyada Britain waxaa ay dib u mulkiday taladii. Dalku waxaa uu calanka qaatay 26kii June 1960.

Haddaba, aniga oo aan meel dheer ka raadin waxaa aan is kor taagayaa dhowr arrimood oo aan qayb ka ahaa, kuwaasoo jideynaya sharciyadda goonni isu taagga. July 2002, aniga iyo Drs. Adna Aadan Dhkhtar, waxaanu Koonfur Afrika kaga qayb galnay shirkii lagu daahfurayay Midowga Afrika (AU) ka dib markii irridaha loo xidhay Ururkii Midnimada Afrika oo soo dhisnaa tan iyo 1963 isagoo ay 32 dal ku aasaaseen Addis Ababa.. Shirka waxaa isugu yimid 53 madaxweyne. Ka qayb galka shirka waxaa noo suurtageliyay Wasiirkii Warfaafinta Mudane Cabdullahii Maxamed Ducaale, Danjirahii Somaaliland u fadhiyay K. Afrika, Professor Iqbal Jahazbay iyo taageeradii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Qadiyadda Somaaliland, talo iyo tusaalaynba, waxaa naga taageeray Myles Wickstead, Danjirahii UK u fadhiyay Addis Ababa iyo Jabuuti 2000-2004 isagoo shirka ka hor nagu soo booqday Hargeisa.
Run ahaantii, shirka waxaa aanu ka la kulannay garowshiiyo aanaga oo hal-ku-dheg ka dhigannay, “duudsiga iyo dulmiga Afrika waxaa ka marag kacaya, Somaaliland oo xorooday 1960 in ay 42 sannadood ka dib, aqoonsigeedii marti uga tahay K. Afrika oo calanka qaadatay 1994”. Odhaahda oo aad u taabatay Madaxweyne Thabo Mbeki, waxaa uu go’aansaday in uu si hoose u dhugto Qadiyadda Somaaliland. Sida darteed, shirka waxaa aan ka la soo hoyannay lib iyo annagoo ku raran xeerka Distuuriga ee Midowga Afrika (Constitutive Act of the African Union) kaasoo ay saxiixeen 53ka madaxda Afrika. Somaaliyana waxaa qalinka ugu duugay Madaxweyne Abdiqaasim Salaad Xassan.

Haddaba. goonni-isu-taagga Somaaliland waxaa si cad u jideynaya Qoddobka 4aad, Xarafka B ee xeerka Midowga Afrika kaasoo dhigaya in la xurmeeyo laguna wada xaajoodo xuduudahii gumaystahu uga tegay Afrika. Halkaa waxaa ka muuqata madax-bannaanida Somaaliland in ay ku qotonto sidii dalku uga xoroobay Britain 1960kii. Isla markaa, xukuumadda K. Afrika waxaa ay si baahsan u sii baadhay Qadiyadda Somaaliland. Hore waxaa aan dalka ugu soo dhoweynay wafdi xaqiiqo raadin ah oo uu hoggaaminayay Mudana Aziz Pahad, Wasiir ku xigeenkii Arrimaha Dibedda ee K. Afrika kaasoo aan hore ugu kulannay Pretoria. Wafdigu waxaa uu isugu jiray siyaasiyiin, qareenno iyo taariikhyahanno. Sidaa awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee K. Afrika waxaa ka soo baxay bayaan sharci oo si buuxda u taageeray madax-bannaanida iyo aqoonsiga Somaaliland. Bayaanka sharci ee lagu taageeray la noqoshada gobbonimada Somaalilland waxaa uu ka soo baxday Xafiiska Shuruucda Caalamiga (International Law Office) ee Arrimaha Dibedda K. Afrika 2003.

Dhanka kale, Madaxweyne Rayaale waxaa uu si rasmi ah u weydiistay Komishanka Midowga Afrika (AU) in uu dib u eego Qadiyadda Somaaliland. Ugu danbayntii, 2005 komishanku waxaa uu soo diray guddi farsamo iyo xaqiiqo raadin oo uu hoggaaminayay, Guddoomiye ku xigeenkii (AU), Mudane Patrick Mazimhaka. Guddigu oo ku sugnaa dalka 30kii April ilaa 4tii May waxaa ay soo saareen warbixin ay ku qireen inuu dalku mutaystay ictiraaf ka dib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudahii looga baahnaa iyo weliba in ay muujiyay nabdooni iyo dhaqan xukuumado sii waara.

Madaxweyne Rayaale, waxaa aan ku xusayaa hagar la’aanta iyo dedaalka uu ugu jiray xaqiijinta aqoonsiga. Waxaan xasuustaa markii aan siiyay warbixintii shirka, iyadoo aanaan isku ogeyn Drs Adna, waxaa aan madaxweynaha u soo jeediyay in uu haweenka, weliba Drs Adna uu ku daro golahiisa xukuumadda anigoo u soo arartay kaalinta dumarku kaga jiraan Afrika iyo dalkeenaba. Isla markiiba, inta uu iga ajiibay ayaan ku ladhay inuu qofna ka magacaabo beelaha la duudsiyo. Taana kama uu dayrin waxaana uu ifaray in aan qof ka soo xulo beelahaas. Markiiba, waxaa aan la soo booday magaca Dr. Maxamed Jamac Samatar (Who) oo PhD ku sittay dhimirka. Arrinku kedis ayuu ku ahaa Drs Adna.

Labo toddobaad ka dib, Madaxweynahu waxaa uu Drs Adna u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, halka uu Dr. Who isagana u magacaabay Wasiir ku xigeenkii caafimaadka. Ka sokow Madaxweyne Rayaale in uu lahaa ku dhac uu ku tallaabsado waxii uu arko dan qaran, magacaabista waxaa soo dedejisay jawiga uu Madaxweynahu ku naaloonayay waxii uu ka qabtay aqoonsiga dalka.

Run ahaantii, Somaaliland waxaa ay fulisay Mabaa’diida Montevido (The Montevideo criterion). Heshiiska Xuquuqda iyo Xil-qeexidda Dawlad ee lagu saxiixay Montevideo 1933.
Heshiisku waxaa uu qeexayaa afar qoddob in looga baahan yahay dal kastoo madax-bannaan. 1- Tiro dad ah. 2- Soohdin loo yaqaanno. 3- Xukuumad ka talisa iyo 4- Awood heshiis lagu la geli karo dawlad kale.
Shardiga ugu culus oo lagu asteeyay in uu dalku yeesho soohdin suggan waxaa ka warcelinaya xuduudda Somaaliland oo bedkeedu dhan yahay 137,600 Km labanlaab ah. Xuduudaha Somaaliland waxaana lagu aqoonsaday heshiisyo ay wada galeen Britain iyo France (1888), Italy (1894) iyo Ethiopia (1897).

Sharciyadda dalka oo sidaa u cad, ilaa hadda, Midowga Afrika waxaa laga aaminsan yahay aragti gurracan taasoo dulucdeedu tahay in aanay qaaraddu noqon tusbax go’ay. Waxaa ay qabaan, gar iyo gardarroba, dal kasta, in loo daayo sidii uu uga tegay gummaystahu. Dalkeennuna waxaa uu ku qotomaa sidii gumaystahu uga tegay 26 June 1960. Balse, cuqdadda ragaadisay Afrika waxaa ay ku siman tahay tan iyo lixdameeyadii markii ay xoroobeen inteeda badan. Xilligaa, waxaa soo ifbaxay dad fara badan oo aan raalli ka ahayn sida loo jeexay soohdimaha ama loo kala qoqobay beelo isku hayb ah.
Afrika, waxaa ka sii laacaya dhiiggii ku daatay dalka Congo markii Gobolka Katanga uu ku dhawaaqay goonni isu taag, Ciidamada Qaramada Midoobay ayaa u soo gurmaday dalka ilaa ay ka soo afjareen halgankii hubaysnaa ee Katanga. Sidoo kale, Gobolka Biafra markii uu ka xidhig furtay Nigeria waxaa ka dhacay dagaal qadhaadh oo galaaftay dad lagu qiyaasay hal milyan oo qof. Ugu danbayntii, waxaa dagaalkii ku adkaaday Ciidamada Federaalka ee Qaranka, inkastoo, ilaa maanta ay sii muuqato xanaftiisii.
Dhanka kale, Midowga Afrika, waxaa ay hilmaamsan yahiin, haba yaraatee, in aanay waxyeelo ka iman kala go’ii Ethiopia iyo Eritrea 1993. Mar danbe, labada dal waxaa ay isku dirireen arrimo la xidhiidhay dhaqaalaha, balse, waxaa ay foodsaaro uga dhigeen muran ka aloosmay soohdimaha. Sidoo kale, Afrika waxaa ay moog tahay Koonfurta Sudan iyo Sudaan in ay si nabad ah ku kala baxeen 2011. Colaadda sokeeye ee hadda ka dhex ooggan K. Sudan ma ah mid loo nisbayn karo goonni isu taaggii.
Guntii, Qadiyadda Soomaliland kama duwana midnimada ay ku kala noqdeen Masar iyo Suuriya, ama Senegal iyo Gambia. Waxaase nasiib-darro ah aragtida gaaban ee Qaramada Midoobay ku duudsiyayso aqoonsiga Somaaliland iyagoo u aaneeyay in ay kala ridayso dedaalka adduunku ugu jiro Somaaliya in ay mar uun lugaheeda isku taagto. Inkastoo adduunku u fidiyay gurmadka tobonaan kun oo cidaamo shisheeye ah iyo bilyanno doollar ah, rubuc qarni ka dib, Somaaliya, Allah ha ka faydee, waxaa ay sii dhex quusayso colaad, argagaxiso iyo dawladnimo sii hagaasaysa. Adduunka waxaa ay ka maraysaa dalka kowaad ee guul-darraystay sida ku cad warbixinta liiska dalalka ugu nugul adduunka ee 2016.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ayaan xumo ah 3.5 malyuun oo reer Somaaliland ah, kuwaasoo 70% ay ku dhasheen calankooda hoostiisa in loo dabro Somaaliya. Dhallinyarada aan soo sheegay midkoodna habeen kuma uu dhaxin Somaaliya. Waxaa ay u jeedaan waxa ka socda iyagoo duco ku kaalmaynaya. Mana ay aaminsana halkaa oo kale in ay ka jirto dawladi. Sidaa waxaa la qaba aqoonyahanka u dhashay Maraykan, una kuur gala arrimaha Geeska, J. Peter Pham oo qormo u lahaa u dhigay, “Somaaliya: Meel Dawladdu Aanay Dawlad Ahayn ( Somalia: Where a State Isn’t a State). Haddaba, xatta hadii aan iska indho tirno sharciyadda Somaliland, waxaa isweydiin leh sida la isugu toli karo kaaf iyo kala dheeridaa.

Midnimadu waxaa ay tahay mushruuc aan waxba ka noolayn. Halka goonni isu taaggu uu ka yahay arrin geed ka go’an ah. Haddaba, waxaa habboon in la isku hawlo sugidda Qarannimada Somaaliland, taasoo xal u noqon doonta Somaaliya marka ay yiqiinsadaan waxtarka iyo milgaha nabadda. Somaaliland ayaa cid kasta uga sokeysa, iyadaana aqoon iyo waayo arag u ah cillad-bixinta colaadda ragaadisay Somaaliya.

La soco Qaybta 5aad, Waa Maxay Taageerada Siyaasadeed ee Aan Looga Maarmin Aqoonsiga Dalka? Xassan Cumar Horri (Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa-HID), Suxufi ka faallooda umuuraha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama #horrimania.