X

Gar-darro Qaawan! By. Suldaan Nadiif Saydh Jibriil

Suldaan Nadiif Saydh Jibriil


Waxa la yaab leh inuu arrimaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uu farogeliyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo caasimadda uu joogo ee Muqdisho ay habeen iyo maalinba ololaysa, isla markaana falalka qarxinta, dilka dhaca iyo maamul-xumidu hadhaysay, nabadgelyadiina ceel dheer kaga dhacday, isla markaana u dheer tahay in ciidanka AMISOM ay ku ilaaliyaan kaarayaal, halka shacabka Soomaaliya ee uu sheeganayo inuu maamulo ay ku nool yihiin dar-xumo iyo ammaan la’aan.
Haddaba, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ka xun yahay, kana gubanayaa nabadgelyada, caddaaladda, sharciga, horumarka iyo isku duubnida ka hano qaaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabkoodu ammaan ku sugan yihiin, kuna seexdaan, kuna soo toosaan, isla markaana xoog isku filan Eebbe-na siiyey, waxa kaloo taas dheer inuu gardarro qaawan ku hayo qaranka Somaliland.
Waxa Soomaalidu tidhaahdaa; ‘Ma quuste ayaa dadka ugu liita.’ Xasan Sheekh Maxamuud-na waxa aan leeyahay Somaliland way dhaqaaqday, dibna uma laabanayso ee wax u qabo dalka gubanaya ee aad sheeganayso in aad Madaxweyne u tahay, horena waxa loo yidhi; ‘tiisa daryeele ayaa tu kale ku dara.’
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka jira dawladnimo buuxda, dimuqraadiyad, sharci, nidaam iyo kala dambayn buuxda, waana waddan tallaabsaday oo isku tashaday ilaa maalinta ay ka goostay xabaalaha Muqdisho. Waa dawlad dhisantay, is-habaysay oo doorasho caddaaladda ah ka dhacdo.
Waxa kale oo Somaliland ka jira kaabayaasha dhaqaalaha oo horumar ballaadhan lagu sameeyey, dastuur, goleyaal qaran, garsoor madaxbannaan oo caddaalad ah iyo qaan-gaadhnimo buuxda, waana dawlad iyo dadweyne isku kalsoon oo mucaarid iyo muxaafid meel uga soo wada jeeda horumarka dalkooda iyo difaaca qarannimada madaxbannaanida Somaliland.
Suldaan Nadiif Saydh Jibriil– Hargeysa
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post