By; Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland

gabdhasawirkeedaDad amma qof aan xil-kas ahayn, ayaa isticmaala sawirka gabadh la yidhaah Houda oo u dhalatay dalka Muritaaniya (Mauritania) oo ah Jamhuuriyad ku taal dhinaca waqooyi ee qaaradda Afrika. Qof la baxay magaca Drs. Hoodo Yuusuf (yhoodo@yahoo.com), iskana dhiga inuu ku nool yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa diyaariya qoraal badan oo lagu caayo, laguna aflagaadeeyo madaxda qaranka, xukuumadda iyo hal-doorka xisbiyada, waxaannu maqaaladaas ku lifaaqaa sawirka gabadha ka soo jeeda dalka Mouritania.
gabdhasawirkeeda1
Haddaba, waxa aan halkan ku haynaa xaqiiqda fadeexadaas been-abuurka ah, waxaanna sawirka gabadhan laga soo gooyey xog-waraysi ay haweenada caanka ah ee la yidhaah Oprah la yeelatay gabadhan reer Mauritania, sidaa darteed, waxa aan u sheegaynaa bahda saxaafadda, haddii ay yihiin wargeysyada, websites-ka iyo baraha kale ee bulshada inay ka feejignaadaan sawirkaas been-abuurka ah ee waxyeelada ku ah gabadha muslimadda ah ee sawirkeeda sida khaldan loo adeegsanayo, iyadoo arrintaasna ifka iyo aakhiraba ay tahay dambi xun oo la iskula xisaabtamayo.HOODO

Qofka amma cidda magaca iyo sawirka been-abuurka ah adeegsanaysana waxa u fiican inay isticmaalaan magacooda saxda ah ee loogu wan-qalay, waa haddii ay hayaan macluumaad sax ah oo ay bulshada u soo gudbiyaan, iyagoo aan cidna ka baqan, balse, qofka inta uu is qariyo, weliba magac iyo sawir aannu lahayn adeegsada waa ruux daciif ah oo maan-gaaban, haddii uu is leeyahay iska qari bani’aadamkana, waxa aannu ka qarsoomayn Ilaahay (SWT) oo kala xisaabtami doona gefka iyo qadafka sharaf-dhaca ah ee uu dadka kula kacayo.

Halkan ka daalacayo xaqiiqda arrintan,Muuqaalka gabadhan oo la waraysanayo

halkan riix si aad u aragto qoraalka laga sameeyey waraysiga gabadha sawirka la been-abuuray

By; Maxamed Cirro, Hargeysa, Somaliland