X

Fanaanka Caanka Ah Ee Maxamed Pk Waa Wadnaha Qaranka Somaliland

Soo Dhowayntii Fanaanka PK

By Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

Fannaanka codka toolmoon ee arlada Soomaalidu degto laga jecelyahay Maxamed Siciid Cabdi Pk ayaa maanta si ballaadhan   loogu soo dhaweeyay garoonka kubada cagta caasimadda waddanka Somaliland ee Hargaysa.

Maxamed Siciid Cabdi oo loo garan ogyahay PK waa fannaan ka soo mudh yidhi degelkii lagu maamuusi jirey horyaalka heelooyinka Soomaalida, waa magaalada Hargaysa e

Dadyowga Soomaalidu waxay lahaayeen dhaqan iyo hidde lagu yaqaan oo lagu gudbiyo hab nololeedkooda iyo qurxinta mabaadii’dooda oo si farshaxanaysan laysugu tebin jirey.

 Haddaba, markii laga soo gudbey xiliyadii ugaadhsiga iyo qadhaabsiga waxaa soo if baxay baahida loo qabo hanaan la isugu gudbiyo suugaanta, taas oo lagu  sheegato xaddaarada iyo fikirada  ay waaridayaan.

Waxaa la bilaabay ciyaaraha hiddaha oo hal odhaah-doodu ay saameyn jirtay meelahaas lagu abuurnaa.

Heelooyinka Soomaalidu waxay ku soo siqeen magaalooyinkii oo xiliyadaas bilow ahaa waxaa la casriyeeyay heesahii ciyaaraha, kuwaas oo lagu daray qalab la tumayo oo odhaahda ku ladhaya sawaxan u yeelaya dhadhan  una ah dhextaal yo kala rogasho u beddeshay halkii jiibta iyo guurowgu lahaa.

Qalabkaas muusiga oo ay keeneen dadyowgii reer Cadmeedka ahaa ama Hindidii, Kiiniyaankii iyo shaqaalahii mustacmaradaha la soo shaqeeyay ayaa hurumariyay muusiga heesta ku ladhan oo saameyn weyn ku yeeshay waddanka Somaliland

Boorama iyo Hargeysa ayay ka soo baxeen dhallinyaro magacyo ku yeeshay heelooyinka Soomaalida waxaana aan ka xusi karaa Cabdi Silimoo iyo Cabdillaahi Qarshe  oo ka mid ahaa raggii wax ka bilaabay waqtigan oo lagu qiyaasay 1940 kii, Walaalo Hargeysa iyo dhallinyaro xiliyadaa hormood ka ahaa heesaha iyo heelooyinkaas casriga ah sida Kabacaddii iyo qaar kale oo badan ayaa soo saaray heeso caashaq ah oo laga daba dhacay xiliyadaas.

Meertooyinkaasi waxay seeska u dhigeen in hoyga suugaanta lagu bokhro gobollada waqooyi, gaar ahaan magaalada hargeysa taas ay qaybta ugu weeyn lahayd, Idaacadii Radhiyow Hargeysa oo soo saartay Fanaaniinta ugu caansan ama loogu jecelyahay dhulka Somali degto

Mxamed Siciid Cabdi PK waxuu hide tirsanayaa aataartaa qaddiimka ah ee hibada u leh fanka gaamurey ee soo sheegnaa.

Fanaankan codka baxsan ee PK  waa raga ugu caansan xiligan oo kaas oo lagu majeerto nin hibadiisa u adeegsada kalsooni uu kaaga kasbanayo in aad dhegaha u raariciso erayada laxamaysan,legden ee uu ku luuqeeyo. Fannaankan waxaa lagu wada sheegaa ana aan ku aqaanaa fannaan ku qab iyo han-weyn halka ay suntadeen Qarankiisa Alalah ka beerey ee uu dhib iyo dheefba la wadaagay

Maxamed PK  marka uu fagaarayaasha ka balweynayo dadka badankiisu waxay la jiboodaan heesahiisa xamaasadda badan ee uu ugu hiiliyo calankiisa iyo waddankiisaba meerisyada lagu xusuusto waxaa ka mid ah.

                               HOREY GOD MADOW GONDAHA DHIGATOO

                               TALADA GURACANI GUNAAD KA TAGEE

                               HADUU GALABTABA XOR YAHAY GEYII

                               WALEE MA GAM-EE GUULOOW MAHADA

( laabsaalax)

Fannaanku waxuu leeyahay heesaha ugu caansan ee mucaashaqiintu isku dhayaan xiliyada ay gayaankooda ku xulanayaan nolol-wadaagooda, sida arooska ama meherka,  heesahiisa kale fannaanka waxaa ku jira qaar ka hadlaya nolosha qaybaheeda kala duwan ama waayaha adduunka

Heesahiisa laga daba dhacay waxaa ka mid Ah ISTAAHIL, HOODIYO-AYAANLEY, DHULKA SOCO IN KUGU FILAN,NOLOSHA CUSUB, YAA ISIIYA LABA BAAl,SHAADIYA,DHAQAN, QOF-WEEYN IIMA TIHID iyo qaar kaloo fanaan Maxamed PK wxuu sameeyaa kulano ama Show laga dalbado Africa, Asiya, qaarada yurub iyo gudaha Somaliland,

Fannaanka ayaa dhawaan u baxay in uu ka heeso waddanka Kenya, oo taageerayaal badan u joogaan inkasta oo ay tashuush ay ku fureen dadyow ka xun sida uu maanta sheegey, Calanka dalkiisa hooyo ee uu ballanqaadey in uu luxudka la gelayo,

Fannaankan ayaa ku soo barbaarey fannaaniinta ciidamada qaranka markii danbena ka mid noqdey kooxda caanka ah ee Xidigaha geeska  Somalilnand

Qormadan waxaan ku soo afmeerayaa Fannaanka Maxamed PK fankiisu maaha mid cadceedda sacab lagaga qarin karo xasadkaasna wuu ku sii ifi doonaa.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkani wuxuu ka turtumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post