X

Ethiopia Tigray ma sigaaray uga damqatay?

Araweelo News Network.

By. Abdirahman Ismail Nouh

Kaddib dagaalkii waqooyi ee Dawladda Itoobiya ku sifeysay saraynta sharciga, waxaa maalin kasta qaylo dhaan, dhaliilo iyo warbixino kala duwan soo jeedinaya dalalka ugu tunka culus iyo ururada calamiga ah.

Dhamaan xogaha hoos ku xusan waxay soo baxeen labbadii cishee u dambaysay.

1. Dalka Maraykanka ayaa maanta ciddamada Eritrea ugu baaqay innay iskaga baxaan Itoobiya, maamulka cusub ee Maraykan-ka ayaa sheegtay in gabood fallo iyo tacadi xoogan la geystay. Maraykan-ku wuxuu ku baaqay in si baadhitaan lagu sameeyo wixii dhacay.

2. Dalalka middawga Yurub oo arrimaha Tigreega ka arrinsaday ayaa go’aamiyay in wafuud sar-sare oo wasiirka arrimaha dibada Finland hoggaaminayo loo diro Tigreega, si ay usoo indha indheeyaan. Dalalkan ayaa ka dayriyay xaalada ay ku sugan yihiin shacabka Tigreegu.

3- Afar kamida safiiradii horee Maraykan-ka ayaa xaalada Tigreega ka dayriyay, waxayna fariin culus udireen raysal wasaaraha Itoobiya.

4- Warbaahinta ugu afka dheer dunnida ayaa si maalinle ah u tabinaysa tacadi, gabood fallo iyo macluul laggasoo sheegayo Tigreega. Wargayska The Economist ayaa warbixin Itoobiya gil’gishay diyaariyay, waxayna sheegeen in Dawladdu macluusha u isticmaalayso siddii hubka. Arrintaas oo cadho xoogan Dawladda Itoobiya ku abuurtay, ayay beeniyeen.

5.Hay’adda Human Right Watch ayaa sii qaadatay haddalkii Economist ee ahaa in Dawladdu si ula kaca bulshada gaajo ugu abuurayso, si TLPF loo go’doomiyo.

6- Ururada calamiga sidda Qaramada Middoobey, WHO iyo hay’addo kaloo baddan ayaa ka dayriyay xaalada nololeed ee Tigreega.

7- Wargaysyada qaar sidda Eritreanhub ayaa warinaya in ciddamo horleh oo Eritrean ah lagusoo daabulayo Tigreega. Halka wargaysyada qaar ay tabbinayaan in addeegii is gaadhsiinta Mekelle laga jaray.

8- Kiniisadaha iyo ururada la shaqeeya ee Kiristan ayaa ka dayrinaya Kiniisad taarikh facwayn leh oo Axum ku taala, waxayna sheegayaan in 700-qof lagu dilay, waa sidday haddalka u dhigeene.

9- Dalal Ingiriska iyo Poland aya kamid yihiin ayaa maalmihii lasoo dhaafay xaalada Tigreega ka dayrinayay.

Haddaba marka aad milicsato arrimahan Tigreega lagasoo saaray lababdii cishee udambaysay, Tigreega sigaara miyaa loogu qaylinayaa? Mise xaalada Tigreega ka aloosan ayaa ka culus middi Soomalida horay usoo foodsaartay?

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Abdirahman Ismail Nouh

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post