X

Eedihii Gudoomiye-xigeenkii Xuquuqal-Insaanka Somaliland Dariiqa Sharci Ma Maray? Maxamuud Cali (Walaaleye).

Maxamuud Cali (Walaaleye).

Salaanta islaamka ka dib, shaqsi kastoo masuuliyad ummadeed qabta, waxa waajib ku ah inuu sida ugu haboon u guto, si ummadu waxqabadkiisa uga garwodo, Ilaahayna xasanaad ku siiyo, taa bedelkeedana, masuul kastoo ku gaboodfalla gudshada waajibaadkii ka saarnaa iyo masuuliyadda uu ummada u hayo, oo deelqaaf iyo dembi ku dara, waxauu garaadku inna farayaa inuu maro cawaaqibka dunuubta uu sameeyey, ummadana dib looga ilaaliyo inuu masuuliyadeeda u soo dhowaado.

Hadaan u soo laabto ujeedada mowduuca maanta, ku dhowaad laba bilood horteed waxa inbadan oo shacabka Somaliland guddo iyo dibedba, iyo baddi madaxda xukuumada Somaliland dhegahooda ku soo dhacay dhacdo dembi uu Gudoomiye-xigeenka hay’adda Xuquuqal-Insaanka Qaranka ahaa, xil umadeed ka haya hay’adaha ugu mudan Qaranka sameeyey, balse nasiibdaro halkii shaqsigaasi mari lahaa cawaaqibka eedaha uu ka galay ummada, sifo aan weli la aqoonsan looga dambabasay.

Akhriste, xadiis nebigeena Maxamed CSW ayaa macnahiisu ahaa (Sheega XAQA, haba Qadhaadhnaade) ninkan aan ka hadlayo, ee sifaha maldahan looga saamaxay in la mariyo nidaamka sharciyada dalka, oo ah Maxamuud Garaad Maxamed (Qawdhegeste) ayaan kula talin lahaa inay talaabo ku haboon ka qaataan Gudoomiyaha hay’adda Xuquuqal-insaanka Qaranka, Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur iyo xubnaha kale komiishanka, isla markaana ku baraarujin lahaa inay magaciisa ka masaxaan diiwaanka hay’adda Xuquuqal-insaanka, ilayn horaa loo yidhi (Baruur keliyaa-baruuro Qudhmisee).

Ugu dambayn, waxaan ka rajaynayaa madaxda xukuumada ay khusayso inay hoos u eegaan baaqan muwaadin shacabka Somaliland ugu soo jeedinayo inay waajibaadka kaga beegan, ee xilka ay anniga iyo guud ahaan ummada u hayaan farayaan, ka gutaan, dibna aan loogu aaminin masuuliyad ummadeed ilayn umaqalmee. Ilaahay dariiqa xaqa dhamaanteen ha inna waafajiyo, aamiin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post