X

Duuroow Gefka Lagaa Galay Ka Qarankaaga Somaliland Ee Xasuuqa Somalia Oo Aad Ka Dafirtay Ayaa Ka Weyn

Qalinkii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Cabdiweli Cali Cismaan

Maxamed Nuur Caraale (Duur) Waxa uu maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalo Madaxda Somaliland ee Caasimadda Hargeysa, waxa uu ka jawaabayey War aan Sal iyo Raad midna laheyn marka xaqiida nooca warkaasi la eego oo isaga warbaahinta qaarkeed ka qortay.

Hadii aan u soo dego arinta aan ku dhibsaday Maxamed Nuur Caraale (Duur) ee wuu shalay warbaahinta la soo fadhiistay waxay tahay in uu si badheedh ah umadda sharafka iyo Karaamadda badan ee reer Somaliland ku tilmaamay kuwo Saddexdan Kelmaddood uu isagu ku sifeeyey kelmadahaasi oo kala ah, Kuwo 1-CUQDADAYSAN, 2-LIITA, 3- AAN KALSOONI LAHEYN, marka uu sida lahaa waxa uu u la jeeday maxay dadka reer Somaliland u leeyihiin Somalia ayaa na xasuuqday, isaga oo waliba si cad u sheegay in aanu isagu aaminsaneyn in reer Somaliland ay Somalia Xasuuq u geysatay.

Waxaan su’aalayaa Maxamed Nuur Caraale (Duur) in uu shacabka Somaliland uga jawaabo Ma Waxa ah ama uu isagu ku sheegaya dad cuqdadaysan oo Liita oo Aan Kalsooni laheyn kuwa Kumbanaanka dhibanaha reer Somaliland ee ilaa maanta uu ka sii muuqdo raadadkii iyo dakharadii Xasuuqii uu u geystay dawladdii Somalia ee Kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre Gumaaday iyo Kuwii Geesiyaashii Dalka Somaliland Nafahooda u soo huray isaguna iyaga dartood ku noqday Siyaasiga uu maanta yahay Maxamed Nuur Caraale (Duur), Ma Cirka ayuu isagu ka soo dhacay oo dhalasho kale ayuu haystay mise dadka reer Somaliland qasab iyo xoog ayuu siyaasi ugu yahay, waa gef waa gardaro oo waa Indho la’aan ayaan qaba in uu bulshaddii uu ku abtirsanaayey Duur ku tilmaamo kuwo cuqdadaysan oo aan cidi xasuuqin ileen marka uu leeyahay kelmadahan ayaad tihiin hadii aad xasuuqiina sheegtaan ama tidhaahdaan reer Somalilandoow Somalia ayaa xasuuq noo geysatay.

Bulshadda Reer Somaliland ee aniga iyo Isaguba aanu ku abtirsanaa waa gob iyo dun xariira waa geesiyaal aan gaban mana aha kuwo geya ama u qalma kelmaddaha xigmad daradda iyo fool xumadda leh ee uu Duur ku tilmaamay, balse sidaasi oo ay tahay iyo falka uu u kacay Maxamed Nuur Caraale Duur , hadana waxaan garawsanahay kolkii uu hadlaayey in uu cadhaysnaa cadho hadlaayey isaga oo ka gubanaayeywar Muqdisho ku xidhiidhiyey in uu tegay, balse cadhadhadiisu sharafka iyo karaamadda umaddiisu leedahay in uu ta uu ka diiday inay shaqsiyaddiisa meel loogaga dhaco maaha in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku nusqaamiyo waxaanan muwaadin ahaan ka dalbanaya in uu raaligelin ka siiyo oo ka bixiyo hadalada fawaaxishka ah ee uu umaddiisa kula dul kufay. waana in uu ka toobad keena wuxu geystay, waxaanan ku leeyahay “Duuroow Gefka Laga Galay Qarankaaga Somaliland Ee Godobtiisii Xasuuqa Ee Somalia Aad Ka Dafirtay Ayaa Ka Weyn”., Wa Bilaahi Tawfiiq.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post