Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay QEYBTIISA 4-AAD
Duruusta Maamul-wanaagga: 100 qodob oo haddii maamul-wanaag lagu wajihi lahaa aan waxba inagu kaceen, wax baddana inoogu hagaagi lahaayeen. W/Q Haldoor Rashiid Sulub Caalin
Ilaa habeenkii aan garaadsaday maamulkii dowladihii hoose ee Somaliland iyo Soomaaliya soo maray, waxay sheegayeen in la mabnuucay ku-dhiqista xoolaha magaalooyinka waqti baddana way iclaaminayeen, iyagoo dadweynaha ku wacyigalinaya, in magaalooyinka waa weyn aan lagu wada dhiqi Karin geel, lo’, adhi iyo dameero oo magaalada dibadda looga saaro, iyagoo aan is qabanayn xagga nadaafadda, daryeelka, dhirta ay dowladda hoose beerto oo ay cunayaan oo bilicda magaalada wax u dhimaya, qudaarta la iibinayo amma raashinka oo ay dadka ka cunaan iyo gaadiidka oo aan wadooyinka ka mari karayn.
Haddaba su’aashu waxay tahay, madaxdaasi loo xil-saaray maamul-wanaagga magaalooyinka inay wax ka qabtaan maxaa doonista iyo ficilkii ay wax kaga qaban lahaayeen hawshan xannibay oo hadal uun ka soo hadhay, iyagoo haysta dhammaan tansiilaadkii u fududayn lahaa oo ay ka mid yihiin ciidankii bilayska, gaadiidkii, isgaadhsiintii iyo shicibkii oo dhago nugul? Waxaynu isla waafaqi karnaa, in ay jirto hagrasho weyn amma aanay daacad ka ahayn fulinta maamul wanaagsan oo ka hirgala magaalooyinka iyo inuu ninkii masuulka ahaa ka fekerayo dantiisa iyo calooshiisa oo waddaniyaddii la xooray iyo la xisaabtan la’aan aan lagula xisaabtamayn dadkii loo xil-saaray arrintaa. Waxa kale oo arrintan saacidaya qabyaaladda, oo ninkii madaxda ahaa uu adeegsan karo qaraabo kiil uguna habran karo hawlo badan oo dan guud ah oo uu fulin lahaa. Waxaana aynu tusaale u soo qaadanaynaa hawl aynu badankeenu garanayno oo ahayd ‘LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN’ waxa nin garsoore ah looga soo dacwooday xoolo cunay dhir beer ku taallay, dabadeedna wuxuu garsoorihii go’aamiyey in khasaarihii ay xoolahaasi gaysteen uu bixiyo ninkii xoolaha lahaa oo uu siiyo ninkii beerta lahaa. Go’aankaas markii uu ku dhawaaqay uun, ayuu nin dhegta u saaray in xoolaha cunay beertu ay yihiin xoolihiisii. Wuxuu isla markiiba garsoorihii ka noqday go’aankii hore, waxaanu soo saaray go’aan ah in la saamaxay xoolahaasi khasaarihii ay gaysteen. Ka dib waxa la waydiiyey maxaa keenay labadan go’aan ee kala duwan, wuxuu ugu jawaabay ‘LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN’!
Waxaynu tusaale kale u soo qaadanaynaa arrin ka dhacday magaaladan Hargeysa. Sida badankeenu aynu wada ognahay waxa jirtay mar Wasiirka Duuliska Iyo Gaadiiska Cirka loo magacaabay Cali Maxamed Warancadde, waxaana uu la kulmay wasiirkaasi nidaamkii gegida diyaaradaha Hargeysa oo aan hagaagsanayn oo aan isku habaysnayn sida madaarada caalamiga ah. Waxaana ka mid ahaa waxyaalihii uu wax ka qabtay markiiba, inuu sameeyey goobo gaadiidka la dhigto oo wanaagsan, isla markaana uu ku beeray dhir badan oo soo jiitay indhaha dadkii ka soo dagayey madaarka. Ka dib dhirtii uu ku beeray waxa looga taag waayey adhi madaarka agtiisa daaqi jiray. Waxaana ay ilaaladii madaarka iyo shaqaalihii dhir beeristu uga soo cawdeen xoolahan cunaya wixii ay beerayeen inaan looga taag helayn. Markaa wasiirkii wuxuu soo saaray go’aan ah, in xoolaha soo gala xayndaabka madaarka lagu xareeyo meel oo la xidho si loo ganaaxo marka ay yimaaddaan dadkii lahaa oo ay u ceshadaan xoolahooda . Hawshaas oo ay waxba ka socon waayeen, ayaa wuxuu amar ku siiyey ilaaladii iyo shaqaalihii dhir beerista inay isla goobtaa ku gawracaan xoolaha soo gala madaarka hilibkoodana ay siiyaan dadkii xoolaha lahaa. Hawshaas sidii bay yeeleen, waana lagu xaliyey arrintaasi dibna looma arag xoolo soo gala oo waxyeello gaysta. Inaggoo aan barnaamijkan cidna ku ammaanayn cidna ku ceebaynayn, inkasta oo ay haboon tahay in la sheego qofkii wanaag sameeya
Waxa uu barnaamijkan Maamul-wanaagu soo jeedinayaa:
1. Inagoo aan is hagranayn oo aan samaynayn cudur-daar aan meel gaadhsiisnayn, inuu masuul walba ka soo baxo xilkiisa loo igmaday.
2. Shicibkeenna oo u dhago nugul inay qaataan wixii wanaagsan ee loo sheego, in fursaddaa qaaliga ah laga faa’iidaysto oo la sameeyo wacyigalin balaadhan oo maamul-wanaagga sharraxaysa.
3. In la raaco nidaamyada sharciyadda ee waddanka u yaalla, ee isku xidhaya bilayska (xukuumadda), garsoorka iyo hay’adaha sharci dajinta.
Waxaan ku soo koobayaa masal 3-aad oo ku beegnaa waqtigii rajiibkii Siyaad Barre, oo aanan sixi Karin inay dhab tahay iyo inay ahayd borobogaando ka timi dowladdii kali-taliska ahayd taasi oo ahayd. Maalin isagoo madaxweynihii Maxamed Siyaad Barre waddada maraya uu arkay nin bilays ah oo dirays xidhan oo ku foorara dhir ay dowladda hoose ku beertay waddada dhexdeeda, oo laan dhirtaasi ka mid ah oo soo jabtay ku xidhaya xadhigii kabihiisa ciidanka. Iyaga iyo Allahoodde waxay sheegeen, in Siyaad Barre intuu gaadhiga ka soo degay uu ku hambalyeeyey wixii uu samaynayey askariga laanta xadhiga ku xidhayey isla bartiina uu xidig abaal marin ah dalacsiiyey. Haddaan ujeeddada ka qaadano sida la wada fahmi karo, waxa haboon in la dhaqaaleeyo dhirta iyo maamulka magaalooyinka lana dhiiri galiyo dadka ku hawlan arrimahaasi.
Haddii aynu gacmaha is qabsanno, oo aynu u soo jeesanno maamul-wanaagga oo aynu raacno maamu-wanaagga ay diinteenuna ina farayso, waxa hubaal ah inay hagaagi doonaan wax badani.
Fiiro-gaar ah: soomaalidu wax bay isku cajiintaaye, yaan la moodin inaan uga aqoon badanahay dadka maamul-wanaagga ee aan ahay shaqsi ahaan daaci arrimaha danta guud ku wacyigaliya bulshada gaar ahaan dhalinyarada. Qofkii doonaya inuu igala qeyb-qaato barnaamijkan way u furan tahay.
La soco qodobada dambe. Todobaadle
Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Tel:0634426781 Email:sulub2007@yahoo.com