Duco-Qabe!!!
Siciid Yuusuf Aar
qoraalRuntii anigu si toos ah oo qof ahaaneed Cigaal uma baran, ulamaan shaqayn, isagoo qof caadi ahna maan arkin marka laga reebo marar badan oo goob uu khudbad ka jeedinayo, una badan khayriyada aan ka xaadiray, waxaanan barbaaray isaga oo madax u ah Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan xasuustaa oo aan qirsanahay, goob-joogna u ahaa waxqabadkii muuqday ee uu dalkan iyo dadkanba u qabtay.
Haddaba, maadaama uu ahaa shakhsigii hirgaliyey horumar dhinacyo badan leh, wakhtigii uu xukunka hayayna horumarkii waddanku hiigsanayay aan is waydiin jiray tollow 2008-da waddankeenu xaguu gaadhi doono, maadaama si habsami leh wax u socdeen, kuna niyadsamaa in intaa wax ka badani qabsoomi doonaan.
Xasuusta iyo jacaylka aan u hayo hoggaamiye Cigaal waa mid uu iga mutaystay, laakiin aan ahayn mid ku salaysan isku reer aaad tihiin ama dan gaara oo uu ii fuliyey. Waa shaqsi ku dayasho mudan, jecelahayna in aan noqdo siyaasi sidiiso kale ummadda danteeda tiisa ka hormariya kolay isaga la gaadhi maayee haddana quushiisa iska daba socda.
Allaah ha u naxariistee marxuum Cigaal wuxuu ahaa hoggaamiye igu dheer oo aan cimri dherer iyo caafimaad Alle uga tuugi jiray, sidaas oo ay tahayna naf wakhtigeeda dhaafi kartaa aanay jirin, waxa si kadis ah ay tiisi u timi marxuum Cigaal oo goor casar ah oo Jimce ah ka dhageystey radio Ethiopia dhimashadiisii, taasoo murugo wayn iyo niyad-jab ku abuurtay dad badan iyo aniga khaas ahaan isla gelinkii dambe waxaan mar labaad ka dhageystey geeridiisii idaacadda BBC-da markuu warku dhamaadayna waxa soo galay barnaamijkii Salaamaha oo ay daadihinayeen goortaas Cowke iyo Aamina Muuse Weheliye oo alaaba maalinta Jimcaha warka dabadi u qorshaysnaa in idacaadda laga baahiyo badanaana ku bilaabmi jiray music,qosol,iyo alalag badan.
Markay intaasi dhacday ayaan si kadis ah u bakhtiiyey radio-gii anigoo le “waar naga bakhtii ma maalin la qoslaa?” intaa markaan idhi waxa si cadhaysan, cayna weheliso iila hadlay qof ka mid ah dadkii fadhiyey goobtaas oo marxuumka aflagaadeeyey markuu dhawaqaa dhagahaygu maqleen waxaan weerar ku qaaday shakhsigii iyadoo goobtaa la nagu kala jiiday. Muddo 14 sanno ah hadiiba aanu goob isugu imano shakhsigaa waxa igu soo dhici jirtay gafkii maalintaas umanaan dul-qaadan jirin alaaba kaftankiisa annigoo si cad ugu sheegi jiray inaanan ogoleyn hadaladiisa noocaas ah, una dul qaadan karin igana joojiyo gabi ahaanba waxaan ka ahayn hadalada caadiga ah.
Shakhsiyan ninkan waa qof dedaal badan noloshana guulo la taaban karo ka gaadhay kaftan-yahanna ah sidiisa kalana aan ugu ogolahay wanaag badan iyo inuu nolosha guulo ka gaadho, laakiin aanan ilaawi jirin gafkii maalintii geeridii marxuumka ka dhacay oo aniga igu mudnayd, waxase maanta oo lagu jiro dabayaaqada sannadka 2016 anigoo inta badan calool ku hayn aan lahayn dadkuna ay igu yaqaanaan laakiin dhacdadani ay si gaara iigu mudnayd waxa cafis iga ah shakhsigaa aan kor ku soo sheegay, kadib markii aan arkey isagoo sita qaybinayana dhowr nuqul oo buugga “Duco Qabe” oo si hufan uga hadlaya taariikhdii Cigaal, taas oo noqotay furaha cafiskeyga.