X

Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xassan Oo Noqday Masuulkii U Horeeyay Ee Madaxweynaha Uga Mahad-celiya Xilka Laga Qaaday

Araweelo News Network

Ujeedada guud ee aan maqaalkan kooban u soo qoray waa in aan uga mahad celiyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” saaxiibtinimadayada iyo halganka aanu ugu wada jirnay uguna jirno madax-bannaanida iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii aan saaka ku arkay wargeysyada dalkeena Somaliland ka soo baxa isku shaandhayntii ballaadhanyd ee uu madaxweynuhu sameeyay, waxa aan u arkay in ay tahay go’aan sax ah oo uu madaxweynuhu qaatay maadaama oo aan xilka muddo ka maqnaa.

Waxa farxad ii ah in aan qayb ka ahaa dawladda uu madaxweynaha ka yahay Ahmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” muddadaa dheer.

Gunaanad

Waxa aan halkan ku caddaynayaa in aan hore aniga oo aan wasiir ahayn aan si hagar la’aan ah ugu shaqeeyay dalka. Haddii aan wasiir ahay iyo haddii aanayn ahayn waxa iga go’an in aan halkaa ka sii wado halganka aan ugu jiro sidii ay Somaliland ay uga mid noqon lahayd caalamka, una gaadhi horumar.

Sidoo kale waxa aan masuuliyiinka ila mid ka ah aan ku boorinayaa in ay waddanka u shaqeeyaan haddii ay xil hayaan iyo haddii ayna haynba.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post