W/Q. Sucuud Cabdi Faarax
Waxa Barlamanka somaliland cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen heshiiskii Dp World dabayaaqadii 2016 bishii August markii wada hadaladii xukumada somaliland iyo shirkada Dp world ku soo af meermeen is af garad markii labada dhinac la tashi iyo talo bixinba soo gunaanadeen .
Sanadkii 2017 heshiiskaas waxba kama fulin asbaabo la xidhiidha arrimaha doorashooyinkii ku soo fool lahaa somaliland isla sanadkaa dabayaaqadiisa kuna soo dhamaatay guul shacbi oo uu ku guuleystay madaxweynaha imika talada haya Mudane Muuse Bixi Cabdi una Sharaxnaa Xisbiga Kulmiye oo markaa Talada Hayay muddo 7 sano ku dhaw .
Horaantii Sanadkan 2018 markii xukumada cusub ee uu hor kacayo Mudane muuse bixi cabdi la soo dhisay ayaa dib loo bilaabay isla markaana lagu noqday halkiina laga sii waday heshiiskii somaliland iyo Dp World oo marka horeba ay Dawlada ethiopia dhex ka ahayd labada dhinac ayaa bishan haatan socota lagu kala saxeexday heshiiskii dhaqan galka ahaa ee mashruuca balaadhinta dekeda berbera oo ay sadexda dhinac ku heshiiyeen in ay Dp World yeelan doonto Saami 51% ah Halka Dawlada Ethiopia yeelanayso 19% halka ay Dawlada Somaliland Leedahay 31% .
Hadaba Waxa isweydiinta Mudan Waa Maxay Hadafka Dp World Ay ka leedahay Somaliland ?
Dp World waa shirkad ku shaqeysa nidaamka loo yaqaan khidmada (Service Industry ) se inta badan hadafkoodu yahay inay suurto geliso isu socodka badeecadaha qaaradaha gaar ahaana dhinaca badda , si suurto galnimada taas loo helo ayaa Shirkada Dp World markii khibrad iyo cilmi baadhis badan sameysay si ay isugu xidho dunida maanta iyo ganacsiga inay maal geliso dekeddo dalal badan oo soo koraya isla markaana ay u sugto dalal badan oo aan lahayn dekedo marin ay u soo maraan ganacsiyadooda kala duwan ee ay la leeyihiin dalalka kale ee qaaradaha dunida .
Heshiiska Somaliland iyo Shirkada Dp World Waxa uu xidhiidh la leeyahay istiraatijiyada Shirkadaasi leedahay ee la xidhiidha isu socodka badeecadaha iyo isu furnaanta baddaha dunidan min qaarad ilaa qaarad , berberna ay tahay mid istraatijiyad ahaan ku taal meel baahi wayn looga qabo isku xidha Asia iyo Horn of Africa kuna taal badda Cas mustaqbalka fogna ay noqon doonto dekeda isku xidha Afrikada Dhexe iyo Guud Ahaanba Bariga Afrika , waana sababta keentay in ay maalgashato dekeda berbera oo ay yeelato 51% iyada oo ka duuleysa isla markaana faa,ideysanaysa una faa,ideynaysa somaliland .
Somaliland Waa Maxay Faa,idada ugu jirta ?
Somaliland waa dalka asal ahaan leh dekeda berbera waana meelaha uu ka soo geli lahaa dakhli badan adeegeeda khidmadeed hadii loo maamulo loona qorsheeyo siday ahayd se waxa hor taagan caqabado badan oo ka hor imanaya suurto galnimada qorshe istaraatijiyadeed kasta oo loo dhiso dekeddaasi ayna ka mid yihiin ,
1. Siyaasadda Adeega Dekeda oo ahaa mid aan Heer Caalami Ahayn
2. Siyaasadda Maamulida Khayraadka Dalka oo aan Ahayn Mid si Hufan Loo Soo Dhisay
3. Siyaasadda Dhaqaalaha Ka Soo Xarooda oo aan lahayn Hab Dhismeed loo Tixraaco
4. iyo Guud ahaan Siyaasadda Dalka oo ah mid ku Dhisan Dhaqan Ku meel Gaadh ah iyo Qadiyadii Ictraafka Caalamka oo aanay Waxba Iska Bedelin taasina ay yeelatay saameyn ah in Somaliland lagu maamulo Siyaasaddii La dhisay 27 sano ka hor ayna iska yareydba in ay calaaqaad la sameyso dalal badan oo dunida ah .
Somaliland Maanta waxa u suuro galay in ay ka shaqeyn karto ictiraaf raadinta ayna ku hanan karto si fudud waayo calaaqaad badan ayay ku yeelanaysaa qaaradaha dunida iyo caalamka oo idil ayna sabab u tahay maal gelinta maanta lagu sameeyay dekedaasi berbera . Waxay awood u yeelanaysaa in ay dhamaan suurto geliso adeega bulshada iyada oo uga faa,ideysanaysa dakhliga ka soo gala saamiga ay ku leedahay dekedda ayna wax badan iska bedeli doonaan waxbarashada , caafimaadka , biyaha iwm hadii loo maamulo si hufan oo aqoon khibrad iyo la tashi wadareed ku dhisan waxana ka hirgalaya nidaam dhaqaale oo noqonaya mid hor leh oo kobciya heerka ganacsi , waxsoosaar iyo shaqo ba oo uu muwaadin kastaa ku noolaan doono dakhli ku filan isla markaana meesha ka saari doonta musuqmaasuqa iyo cadaalada oo doorkeeda si fiican u shaqeyn doono .
Afar Sano muddo ah guud ahaan Somaliland waa laga dareemi doonaa isbedel dhaqaale iyo mid horumar iyo mid xidhiidhka caalamka ah se waxa weli hor taagan shuruucda dunida u taal iyo ka u yaal Dawladda Somaliland una Baahan in Wax badan La Isaga Noqdo loona maro sifo sharciyada dalka u taal waafaqsan se aan ku dhisnayn aragti shakhsi iyo go,aan qof kaliya ah .
Marka loo noqdo shuruucda maalgashiga ee wasaaradda ganacsiga ee la soo saaray 2003 march iyo 2013 August oo ay gadhwadeen ka ahaayeen siyaasadda Mudane Daahir Rayaale Kaahin Iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) ay labadu Isku Waafaqeen Qodobo Dhawr Ah oo ay ka mid Yihiin :-
a) Gudidda Maalgashiga Caalamiga ah :-
– Wasiirka Wasaarada Ganacsiga
– Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibedda
– Wasiirka Wasaarada Qorsheynta
– Wasiirka Wasaarada Maaliyadda
– Wasiirka Wasaarada Arrimaha Bulshada Iyo Shaqada
– Baanka Dhexe
– Rugta Ganacsiga
Dhamaan Hayaddahaa aan kor ku soo xusnay dhamaan waxay mar walba heshiiskeeda , qiimeynteeda iyo tixraaceedaba goob joog uga ahaanayaa Dawlada Somaliland Isla markaana leeyihiin Talo bixinteeda mana aha aragti qof ahaaneed se waa qodob sharciyadeed oo sugan lana ansixiyay , qodob ahaana marka laga yimaadana aad moodo in la iska indha tirayo ama aanay fahansanayn wasiiradda iyo hayaddaha doorka ku leh maalgashiga caalamiga ah oo aanay kaba muuqan , ayna muhiim tahay shuruucda dalku inay ahaadaan dhaqan gal ,
b) Saamiga Maalgelineed
– Waxa shuruucda maal gashiga wasaaradda ganacsiga ku xusan in muwaadin kasta oo maalgashanaya dalka isaga oo ay is kaashanayaa ajnebi waa lagu dhiiri gelinayaa maalgashigaa se saamiga maalgalineed ee ay kala yeelanay muwaadinka iyo ajnebigu ayaa noqonaya in uu muwaadinku ahaado midka leh 51% halka 49% uu yeelanayo ajnebigu , hadaba heshiiska Dp World Iyo xukuumadda Somaliland marka dib loogu noqdo Xukuumadu Waxay Wakiil ka Tahay dhamaan shacbi waynaha Somaliland iyada oo aan dhinac gaar ah mataleyn se guud ahaa mataleysa bulshada ayna ku jirto doorkii muwaadinka sharciyan waxay xaq u leedahay inay hesho saami ah 51% halka ay imika ka heshay 31% taasina way isweydiin badan mudan tahay loona baahan yahay in dib loo adorooso waayo hadii shirkada marka hore maalgelinta iska leh ay sharciyan u muteysatay in loo sameeyo cashuur dhaaf 10 ka sano ee ugu horeeya sidee ayay ku heshay saami dhan 51% madaama ay heshay cashuur dhaaf 10 sano ah ! se maamulka in awood ahaan ay yeelan doonto Dp World wax ma kala socotaa Xukumada Somaliland ? Se saameyn Intee le,eeg ayuu Ku Yeelan Doonaa Siyaasadda Arrimaha Gudaha ? se Maxa uga qorsheysan Shuruucda dejisan Maalgashiga Caalamka ee loo Yaqaan (World Trade Organization ) in uu qayb ka ahaa heshiisyadaa Dalkii La Isku odhan jiray Soomaaliya ? se Somaliland marna qayb ma ka noqotay kulamada WTO isla markaana ma u bandhigtay ajandaheeda iyo siyaasadeeda dhinaca ganacsiga iyada oo heshiisyada saxeexday sida kuwa xuquuqal insaanka iwm . Hadii aan marna heshiisyada maalgalineed ee caalamiga ah la waafajin qodobada aynu kor ku soo xusnay heshiis kasta oo la galaa wuxuu noqonayaa mid aan umad ahaan loogaga faa,ideysan mustaqbalka fog oo aan wax laga dhaxli doonin se lagaga faa,ideysan karo mustaqbalka dhaw .
Ethiopia saamigeeda iyo danta Somaliland -:
Dalka ethiopia oo ah dal aan deked lahayn ayaa baahida ganacsi ay la leedahay caalamka adeegsada marsada jabuuti taas oo ay u soo maraan dhamaan wixii caalamka intiisa kale uga imanaya ethiopia , koontiinarada marsada jabuuti u soo maraa sanadkii waxay lagu qiyaasay 20% halka wixii kaargo ahna uu noqday 85% laguna qiyaasay lacagta adeega ama khidmada kaga baxda dekeda dalka somaliland jaarka la ah ee jabuuti lacag dhan $722.5 malyuun oo doolar ($722.5 Million ) waa mid ka mida sanadihii u dambeeyay , Madaama Dp World Iyo Jabuuti Ay ku kala Noqdeen heshiiskii dekeda ay maamuli jirtay Dp World waxa hubaal ah in fursad wayn u tahay somaliland waxay isku heshay maalgeliye iyo maacmiil inta ugu badan adeegsan doona adeega dekedaasi waayo waxa muhiim ah in la arko maalgalinta ka bacdi dekeda berbera yaa adeegsan doona se yaa u baahan adeegeena ! dabcan waa wax ku dabiiciya ganacsiga in aad hesho macmiil adeegaaga isticmaalaya muddo sanado ah kana sii wanaagsan in uu yeesho saami wakhtigan xaadirka ah asbaabo la xidhiidha qodobadaynu kor ku soo xusnayn ee heshiisyada maalgashiyada caalamiga ah iyo damaanada maalgalineed madaama uu Baanka Dhexe ee somaliland ahayn mid La Aqoonsan Yahay se Waxa muhiima in mustaqbalka fog uu noqdo saamigaasi mid ay somaliland dib uga iibsan karto hadba inta ay rabto sanadaha inagu soo fool leh iyada oo ay xukumadu iibsan karto ama muwaadiniinta reer somaliland .
Maanta Somaliland waxay cagaha dhabada u Saartay inay la talaabsato ganacsiga dunida qarniga 21Aad ayna ku xisaabtami karto dhaqaalaha uga soo baxaya isla markaana qorsheyn karto 20 sanadood ee soo socda iyo in ay xidhiidh dhaw la yeelato dalal badan oo dunida ah ictiraafkuna uu noqon doono mid isagu u yimaada somaliland se aanay ku xiiqin sidii 27kii sano ee u dambeeyay loona baahan yahay in mar kasta cilmi baadhis qoto dheer lagu sameeyo talaabo kasta oo ay somaliland qaadayso heshiiskaas ka dib iyada oo dhan walba ka eegaysa siyaasada dalka gudihiisa , shuruucda caalamiga ah , iskaashiga Amniga iyo Mandaqada iyo dalalka ugu haboon inay maanta la yeelato xidhiidh dhaw oo ku saleysan dhan walba .
Sucuud Cabdi Faarax , Hargeysa Somaliland.
sucuud94@gmail.com