X

Doqoni Ninkii Cannaanta Wuu Icaayey Bay Tidhaa!.

By. Fartaag

Doqoni Ninkii Cannaanta Wuu Icaayey Bay Tidhaa!.

Beri waxa dhacday in Nin, Afaduu qabay, ama xaaskiisii uu saluugay, markuu aray gurigoo Dayacan, Ubadkii oo Darxumaysan iyo Duunyadii oo baylah ah,

Ninkii ayaa Afadii si sarbeeb iyo Hoggo-tusaalayn wax ugu sheegey, oo uu ula hadlay sikastoo wanaagsan oo quman oo qof loola hadlo.

Balse dheg umay jalaqsiin, waanadii iyo wax sheegii saygeeda, Maalintii danbe ayuu Afadii Cannaantay, haba canaanan lahaydaa, gabadhii intay Duday oo reerkoodii u tagtay, bay tidhi ninkii halayga Soo qabto, iyo maxaa dhacay?, Iyo Wuu icaayey!,

Ninkii amakaag, yaab iyo fajeciso ayey ku noqotay waxa ooridiisii kasoo yeedhey, wuxuu se garawsaday in afadiisu Doqon tahay, oo ay canaantiisii cay mooday, suu yidhi: waar Canaan bay cay idinku sheegtee, xaashee cay reeban, ee reerka iisoo celiya.

Hadaba iminka Xukuumada Somaliland ayaa afadaa la xaal ahe, Horta Xukuumadeenu iyana ma Doqonbaa?!.

Doqon baa Ninkii Canaanta

Wuu icaayey tidhaahdee!.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Fu’aad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post