X

Doorshada waxa dib u dhaceeda masuul ka ah golaha wakiilada: Qore: Ahmd Naasir

Doorshada aqalka madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland ayaa la filaayay inay qabsoonto badhtamaha sanadkan 2015-ka taaso sida haatan ay sheegayaan warar kasoo yeedhay gudida doorashooyinka qaran ee Somaliland inay dib uga dhacayso waqtigii hore loogu asteeyay loona baahanyahay in dib loogu mudeeyo xiliga ay qabsoomi karto doorasho aan qabyo ahayn hadii alle aqbalo.
Gudida doorashooyinka qaran oo dhawaan la ansixiyay ayaa waxay ksuoo beegmeen waqti kala guur ah oo ay dhamaanayso mudo xileedkii madaxweynuhu iyadoo ay hore u dhamaatay mudo xileedkii baarlamaanka oo shan sanno oo siyaado ah ku fadhiyay kurisiga mudo kordhin loo sameeyay 2010-kii kolkii uu dhamaaday mudo xileedkoodii hore.
Gudida oo si kastaba ha ahaatee bilowday waajibaadkooda shaqo ee xilku ka saarnaa loona doortay ayaa dhaanahay baahiyay war uu nuxurkiisu ahaa in doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka ay ku qaban karaan mudo sanad ah oo ay doorashadu dhici doonto kowda bisha June ee sanadka 2016 taasoo noqonaysa in ay u gudbiyaan warsaxaafadeedkan aqalka madaxtooyada oo waliba isu dhaafin doona aqalka sare ee guurtida Somaliland oo iyaguna ku dhisi doona goaankooda codsiga gudida doorashooyinka.
Dhaliilaha dul heehaabaaya golaha wakiilada Somaliland ayaa ah inay dusha ku sitaan masuuliyada dib u dhaca doorashada iyadoo ilsa markaas ay yihiin golaha wakiiladu cidda ugu qaylada iyo sawaxanka badan ee ka dhiidhiyaysa kordhinta, hadaba maadaama oo ay sabab u yihiin dib u dhacan oo ay ku mutaysteen inay la raageen kana dib dhaceen xiligii loo asteeyay in la ansixiyo gudida doorashooyin oo mudo ka hor lagasoo anxsaxiyay aqalka madaxtooyada oo mudadaas kadib u xanibnaa golaha wakiilada Somaliland ayaa ah mida ugu weyn ee sababtay dib u dhaca doorashada.
Dhanka kale arimihii ku aadanaa aqalka madaxtooyada oo ahaa in uu soo xulo xubnaha, in loo asteeyo dhaqaalaha lagu qabanaayo dooraashada laguna wareejiyo, in loo gudbiyo golaha wakiilada ayaa sida la wada ogsoonyahay ku dhamaaday wakhtigii loogu talo galay.
Hadaba falaadhi gilgilasho kaagama hadhee golaha wakiilada ee mudo kordhinta ku joogaa miyay ilaabeen inay iyagu jideeyeen dhabahan ay haatan ka qaylinayaan, dhanka kale miyay ilaabeen inay iyagu leeyihiin dushana ku qaadanayaan sababta keentay mudo kordhinta, codsiga guddida doorashooyinka iyo go’aanka golaha guurtidu waa awoodo dastuuri ah, waana go’aamadii lagaga jawaabi jiray markay inala soo dersaan xaaladahan oo kale, waana jidkii horena loo maray dib loo mari doono haday xaaladi keento, dalkuna arin walba oo dhacaaya iyo xaalad walba oo inala soo derista waxa uu kaga jawaabaa wixii xeer ugu qornaa ee lagu heshiiyay.
Qore: Ahmd Naasir
axmed.naasiir@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post