X

DNA-da Bulshada Somaliland

DNA-da Bulshada Somaliland

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Qoraa Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan
Indhahayagu waxsan ma arkaan, dhagahayagu waxsan ma maqlaan, waxannu haysanaa nama solaan (nama qanciyaan), belo inay dhacdo ayaannu jecel nahay, rogmashada iyo rafaadka dadka ayaannu ka rayraynaa, nabadda iyo deganaanshaha baannu ku cadanyoonaa, qunyar-socodnimada liidnimo ayaan u naqaan, xagjirnimada fariidnimo, daacadnimada iyo dhawrsoonaanta ayaannu yasnaa (xaqirnaa), dusduska iyo wax-is-daba-matinta raganimo ayaannu naqaaan,
Toosnaanta doqoniimo ayaan u naqaan,
Isku soo wada duuboo
Run-sheegga ayaynnu nacnaa, beenaalaha ayaanu buunbuuninaa, ceebahayaga Ayaan cirkaa marina, samahayaga ayaa daaha saarnaa.
Wiil hoog, wiil faraha lagaga gubtay, (ama faraha looga gubtay), habaar qabe waa Ammaan!
Biyo ma daadshe waa cay! waa quudhsi! Fudaydka iyo dafdafta ayaynu taageernaa, miyirka iyo ka fiirsashada ayaynu dhaliilaa!
Inta xun baynnu faafinaa
Inta wacan baynnu dednaa
Waxa wanaagsan baynnu caadi u haysanaa, (nabaddu waa caadi)!
Waxa aynnu haysano baynnu dafirnaa (inkirnaa), qarinaa.
Towfiiqda waa ku caajisnaa, tafaraaruqa waa ku jimicsanaa.
Qolada iyo qaranku inooma kala soocna, qaranku waa qolo, qoladu waa qaran!
maksabkeena kuma fara adaygno, wax aan la hayn baa ka hadalkiisu badan yahay u hawlgalkiisuna yar yahay.
Inta badan ee aynnu wadaagno ma tixgelino, inta yar ee aynnu ku kala duwan nahay baynnu xoogga saarnaa.
kibirka iyo islaweynida ayaa inagu badan
is-dhul dhigga iyo xushmadda baa inagu yar
inkastoo aynnu muslim nahay waynnu ilownaa in: Erayga Wanaagsani Sadaqo Yahay!

Gebagebo
Aynnu u fiirsano tiraabteena bulsho iyo shakhsiba, iska ilaalino Eryada Khabiitka ah! Dooddeenu ha ahaato mid dhawrsoon, naxligu ka reebban yahay. Qanjiidhada iyo qaniinyadu ku yar tahay. Yaan marna la ilaawin tacabka ummadda, qiimaha ay qaranimadu inoogu fadhido. Aynnu iimaansano wixii inoo qabsoomay. Aynnu si xilkasnimo iyo wayeelnimo leh uga hawlgalno qabyada jirta. Aynnu si edeb leh u tilmaano meelaha u baahan gufaynta. Aynnu noqono bulsho ku tartanta wanaagga, qaran dhiska, istixgelinta iyo isu tanaasulkii lagu caano-maalay.
Aynnu tixgelino xigmaddii awooweyaasheen ee lahayd: Gacmo Geeli jire Hoos baa loo Maydhaa amase xigmaddii reer magaalkii hore ee lahayd: Dharkaaga Uskagga ah Debedda Laguma Wadho.
Qoraa Xildhibaan Cabdiraxman Yusuf Cartan

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post