By; Saynab Maxamed Cabdi
Muddooyinkii uu dambeeyay waxa dhibaato iyo cabsi badan ku haya magaalooyinka waawayn ee dalka dhallinyaro samaysatay kooxo iska soo hor jeeda.
Waxay la baxeen magacyo kala duwan qaarkood waa isku xaafad, laakiin waxa ay ku kala jiraan laba kooxood, halka qaar Aabbo iyo hooyo wada dhaleen ay ku kala jiraan laba kooxood oo iska soo hor jeeda marka la iskaga hor yimaado goobay isku dilayaan aan la isku nixin.
Markii hore kooxahanina waxa ay ka bilaabmeen garoomada kubbadda lagu ciyaaro marka kubbadda la kala badiyo ayaa waxa dhaca dagaal u dhexeeya kooxaha iyo taageerayaashooda, taasi maaha mid inoo gaara, haddii aynu nahay reer Somaliland ee waxaannu la qabnaa dalka caalamka, laakiin dhibtu waxay tahay.
Markaa kubaddu dhammaato ee xaafadaha la yimaado ayaa waxay indhahaagu qabanayaan dhallinyaro isku erayanaysa faashash iyo mindiyo waxay iskula dhacayaan si naxariis la’aan ah, mana garan kartid sababta ay isku dilayaan.
Waxay boobayaan tukaanada ama meheradaha ganacsiga, waxay cabsii galiyaan dadka dariiqa marayaa ii waxa lala kala yaacayaa baabuurta markay soo galaan xaafadaha xaaladdu way is beddeshaa, waxaana la raadiyaa askar si ay uu kal eriyaan.
Waxa intaa dheer cabsi habeen iyo maalin haysa hooyadii dhashay, iyadoo laga yaabo in dhallinyarada rabshadaha sameeya ay qaarkood yihiin agoon lagu soo koriyay nolol hoose, halka sidoo kale laga yaabo in hooyadu suuqa fadhiisto oo tacab badan laga soo maray korinta iyo inay halkan soo gaadhaan wiilaash dhibaatooyinka gaystaa.
Hooyadii dhibka soo martay ee geedka beeranaysay ay lahayd beri ama mustaqbalka ayaad goosan, waxa abaalkeedii laga dhigay inanakaagii baa gabadh dilay, inankaagii baa inan kufsaday, inankaagiibaa moobayl (mobile) xaday iyo inay dhawr maalmood ay jeelka uu dhaxdo, iyadoo loo haysto dambi uu galay wiil ay dhashay.
Hooyo Muuna waa hooyo dhibbane ah, waxayna ku xidhan tahay saldhigga Booliska ee Ibraahim Kood-buur ee magaalada Hargeysa, waana hooyo danyar ah, waana macallimad oo waxa ay biilisaa toddoba carruur ah oo ay dhashay, aabahoodna waa bilaa camal. Waxa ay u xidhan tahay fal-dambiyeed kufsi ah oo ay gaysteen dhawr dhallinyaro wiilal ah oo inankeedu ku jiro, wayna baxsadeen markii ay falkaas foosha xun gaysteen.
Dhibaatada ay dhallinyaradaasi gaysteen waxa u xidhan waalidkoodii oo ay ku jirto Hooyo Muuna, waxayna ii sheegtay in gurigeedii uu baylahsan yahay, shaqadeediina ay ka werwerayso, xalna aan weli la gaadhin, waxaana taas ka sii daran in Somaliland laga hirgeliyey xeerka kufsiga iyo ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah dumarka, kaasoo cidda gaysata fal kufsi ah u fasaxaya in lagu xukumo 30 sanno oo xadhig ah.
Sidee looga bixi karaa dhibtaa aan ka soo sheekeeyay?
Waxaas oo dhibaato ah waxay ku xeeran yihiin mustaqbalka qaar ka mid dhallinyaradeena, markaa su’aashu waxa ay tahay sidee ayaa lagaga bixi karaa dhibaatooyinkaas, aniga waxa ay ila tahay in xalku noqon karo qodobbadan soo socda;
1. In xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtino dhexmarto waalidka iyo ilmaha oo uu meesha ka baxo gaabka kala maqnaanshaha iyo iska war hayn la’aanta waalidka iyo ilmaha ama carruurta.
2. In dhallinyarada laga dhiso dhinaca aqoonta, laguna dhiirigeliyo sida ay mustaqbalka wax u noqon lahaayeen, waana in ilmaha marka uu yaryahay la warraysto si loo ogaado waxa uu jecelyahay oo haddii aannu waxbarashada ku fiicnayn lagu dhiirigeliyo sidii uu u baran lahaa xirfadaha gacanta si uu hadhaw ugu shaqaysto.
3. In marka uu qofku yar yahay la jeclaysiiyo, lana baro sida uu wakhtigiisu muhiimka ugu yahay iyo sida uu uga faa’iidaysan lahaa, una gaadhi lahaa dadka kale ee qayrkii ah ee dedaalka sameeyey, waalidkiisana u nasin lahaa, waana in ilmaha la saaro masuuliyad si uu masuul u noqdo hadhow.
4. Markaa qofkii ama dhallinyaradii oo dhisan ay ka soo baxaan guriga, iyadoo laga soo dhisay aqoonta diinta iyo maadigaba, bulshadana uu soo dhexgalo isagoo dhisan aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba, kaasoo ah qof mustaqbal leh oo meel uu ku socdo garanaya, dalka iyo dadkana wax ku soo kordhin kara, marka arrimahaas laga soo dhiso waxa uu noqonayaa qof bulshada wax ku soo kordhin kara, aqoontiisana laga faa’iidaysan karo oo aan laga werwerayn inuu dhib keenayo.
5. Qodobka shannaad, waxa aan kaga hadalaynaa masuuliyadda qofka ka saaran dawladiisa mar haddii waalidkii ka soo baxay waajibaadkiisii.
Haddaba, dawladda masuuliyad ayaa ka saaran qofka sidaas loo soo barbaariyo, loona soo koriyo ee dhisan ee lagu soo tabcay, waana inay u raadiso shaqo oo ay ka garab istaagto ama ka taageerto baahiyihiisa, sida haddii uu iska bixin kari waayo waxbarashadiisa heerka sare ama heerka jaamacadeed, waana in la tuso muhiimadda uu qofka dhallinyarada ah u leeyahay dalka, waana in la garab istaago dhallinyarada, waayo waxa uu rabaa inuu wax ku soo kordhiyo dalka iyo dadkiisaba.
Gabagabadii, waxa aynu ku guulaysanaynaa in aynu helno dhallinyaro qurux badan oo dalkooda iyo dadkooda horumar gaadhsiin kara, hooyooyinkoodna ku nasan karaan, kuna farxaan tacabkii ay geliyeen ilmahooda, taasoo ku rajo weyn horumar, kana nasata dhibkii ay la soo martay barbaarinta iyo korinta ilmaheeda agoonka ahaa iyo suuqii ay fadhiisan jirtay si ay u hesho biilkooda.
Waxa aynu heli karnaa dhallinyaro caafimaad qabta oo inta ay kubbadda wada ciyaaraan, kadibna bilaa dhib kaga yimaad garoomada, marka ay xaafadaha isku arkaana si fiican u sheekaysta oo aan cadaw isku arkin.
Waad ku mahadsan tahay in aad qoraalkan akhriday, in aad fikir ku soo kordhisana waa inoo wada muhiim, waad mahadsan tihiin.
By Saynab Maxamed Cabdi, Hargeysa, Somaliland