X

Dhibaatada Gobollada Togdheer, Sanaag Iyo Sool Maxaa Sabab U Ah

M. A. Farah (Brother Jaafaa)

By.  M. A. Farah (Brother Jaafaa)
Muxuu wadnuhu ila dakaamayaa, Maxaan la hiin raagayaa, Maxey xubnuhu ila wada xanuunayaan,  Aqoon la’aan, Talo la’aan,  Ilbaxnimo la’aan Siyaasad la’aan iyo Kalsooni la’aan, ayaa dib u dhigtay Goballada Togdheer, Sanaag iyo Sool,
 Waxa ay soo mareen marxalado  kala duwan oo haba yaraatee ilaa dawladdihii ka talin jirey aaney wax qaab dhismeed dowladnimo ka geysan, dib u dhac weynina ka haysto baahiyihii nolosha,  laakiin,  Allaah Subxaanahu Watcaalaa uu ku muneystey dhul baaxad leh oo bad iyo berri ba leh, balse dhaqashada xoolaha ku garasho wacan yihiin kuna badbaadeen.
Gobollada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxa ugu wacan inaanay garanka faa’iideysiga, hantida Deegaankooda, 
Kheyraadka ku dihin dalkooda waa Siyaasigooda iyo Aqoonyahankooda, kuwaasaa  kursi iyo xildoon ku foogan, shacabkiina ka dhigtey ( Dameer malab la Saarey).
Dulucda iyo murtidu waxa weeye Akhriste in aan muujiyo khatarta ka iman karta wax qabad la’aanta Goboladaa, ee Siyaasiga ka soo jeeda Gobaladdaasi garaneyn mudnaanta iyo shacabka badbaadadooda.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Prof. Mohamed Ahmed Farah (Brother Jaafaa)

 

ANKARA, TURKEY
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post