X

Dhaqdhaqaaqa Suuqayadda Ganacsiga Iyo Lacagta Shilinka Soomaaliland In Ay Dalka Ku Wareegto Yaa Ka Masuul Ah

By. Ismaaciil Cali Axmed

Wareega lacagta waxaa masuul ka ah oo kali ah xukuumadda maadama aanay wakhatigan wadanku lahayn warshado ama ilo dhaqaale oo waaweyn, kala duwanaanshaha xukuumadihii Soomaray Soomaaliland xaga wareejinta Lacagta suuqyadda, waa lagu kala duwanyahay.

 

Xukuumadii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay ku dedaashay inay wareejiso lacagta oo aanay baanka ku hayanin kolay Shaqaalaha Dawaladda iyo Ciidamadda Lacagta u kordhiso oo u labajibaarto, iyo kolay mashaariic faro badan bixiso, arimahaas oo dhani waxay salka ku hayeen siyaasadda dhaqaalaha si dadku u kala ceesho oo bilwalba lacag badani suuqa soo gasho.

 

Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa uu ahaa habka lacagta ay suuqyadda ugu soo celiso, lacagta ugu badan waxa uu madaxweynuhu ku bixin jiray siyaasada iyo kala furfurka macaaridkii xooganaa ee habka haybta isaaqiyadda ahaa ku midaysnaa, sidoo kale amniga oo ciidanka sirdoonka ayaa lacag aad u badan qaadan jiray si ay ugu suurto gasho ka war helida cadwgii badnaa ee uu wakhtigaa wadanku lahaa hawgu badnaadaan la socdka arimaha shabaabka iyo Dawladdii Maxaakiimtuye, kamay madhnayn inuu lacag ku bixiyaa la socodka siyaasadda wadanka gudahiisa iyo dhaqdhaqaaqa siyaasiyiinta.

 

Xukuumaddii Madxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal alle hawnaxariistee ayaa iyana siyaabo sidan oo kale u dhaw u wareejinjirtay lacagata Suuqyadda Wadanka, wuxuu samayn jiray Madaxweynuhu Madaxdhaqmeedka Aqoon yahanka iyo waxgaradka ka talo dhiibta ama dajiya colaadaha sokeeye ee Dalka ka alloosnaa wakhtiga inu lacago ku siiyo.

 

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi dhamaan kharashaad badan oo bixi jiray waxay u aragtay khalad oo way jartay shaqaale badan way eriday halka ay qaarna ka jartay gunooyinkii ay shaqadda ku qabanayeen oo lacagtii way xaraysay waanay kaydisay.

Hadaba Dawladda waloo Soomaaliland soo martay way ku dadaalaysay inay cashuur qaado oo lacag xarayso balse waxay Dawladdan iyo kuwii hore ku kala duwan yihii habka lacag soo celinta ee wareejinta Lacagta,

mahaa khasab in Madaxweynuhu wax walba aqoon u lahaado ama garto, balse waxaa khasab ah in Madaxweynuhu talooyinka shacabka iyo kuwa aqoonyahanka wadanka dhagaysto, waxaa wakhtigan Dawladdu baahiweyn u qabtaa inay abuurto qorshayaashii ay lacagta ku soo celin lahayad ee ay lacagata ku wareejin layhayd si danyartu uga baxaan duruuftan adag ee Busaaradda ee Wadanka wajahday, waa in madaxweynuhu helaa dhaqaale yahano arintaa kala taliya, kolay yidhaadaan shaqaalaha iyo ciidamadda musharka u labanlaab iyo kol ay yidhaadaan mashaariic  soo daaba suuqyadda wadan lacag soo gasha ayey u baahan yihiin, xukuumadduhuna maaha lacag ururiyayaal iyo lacag kaydiyayaal, ee waa lacag wareejiyayaal.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W.Q. Suxufi Ismaaciil Cali Axmed

ismailaliahmed@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post