Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal


Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal


Aqoonahan Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Odoroskan marka aad dhinaca qoraalka ka istaagto waxa kuu soo baxaya in aanu innaba ku dhisnayn aqoon, 300 iyo jarjar marka ay marayaan gefefka dhinaca higgaaddu ayaan ka hadhay. Boqol erey oo Ingiriisi ah ayaan iyana kaga hadhay oo aan filaayo in Soomaaligooda aan la waayeen haddii la baadi goobi lahaa, ama lala kaashan lahaa xeel dheerayaasha aqoonta durugsan u leh ee hodanka ku ah Af soomaaliga. Ereyada Carbeed iyaga haba soo qaadin tirantooda.

Ereyadaa Ingiriisiga ah markaan gaar uga soocayay odoroska miisaaniyadda wuxuu tuhun iga galay in dadka miisaaniyaddan qortay ay yihiin (Dad caddaan ah) Waxaanse la yaabay odoraska miisaaniyadda wasaaradda maaliyadda madaxdeedu lafa gurtay,
Odorasla miisaaniyadda guddi-hoosaadka maaliyadda ee aqalka dadweynuhu rogrogeen,
Odoroska miisaaniyadda xildhibaannada aqalka dadweynuhu ansixiyeen,

Odoraska miisaaniyadda madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland la hor geeyay ee uu isna”Qalinka ku duugay.” Sida intaas oo gef qoraal ugu dhuunteen ama uu u baal marsan yahay hab qoraalka miisaniyadeed ee sharciga ah. Halkaa waxaa ka soo baxaya (Meeshu waa wada ul oo ul la qaato ma leh)
Kuwanna waa qayb ka mid ah gefef 300 kor u dhaafay oo ku jiray odoraskii miisannadda Somaliland ee 2016.

W. Maaliyadda Siday sax ku tahay
1. Gudoonka : guddoonka
2. Wakiiladda : wakiillada
3. Ujeedo : u jeedddo
4. Gudoomiye : guddoomiye
5. Xigeenayaal : xigeennada
6. Sanadka : sannadka
7. Farqadiisa : farqaddiisa
8. Banana : bannaan ah
9. Wadamada : waddamada
10. Banana :bannaan ah
11. Hadaan : haddaan
12. Sanadka : sannadka
13. Inaga : innaga
14. Madaxbanaanidiisa: madax bannaanidiisa
15. Miisaaniyada : miisaaniyadda
16. ilaahay : Ilaahay
17. mahadii : mahaddii
18. dawladii : dawladdii
19. diirada : diirradda
20. awooda : awoodda
21. liisamadda : liisamada
22. badali : beddelli
23. Beriga : barriga
24. Sanadkan : sannadkan
25. Shirkada : shirkadda
26. Sanadba : sannadba
27. Balaadhani : sallaadhanni
28. golaha Wasiiraddu : solaha wasiirradu
29. arinkaas : srrinkaas
30. dhiiradaan : dhiirradaan
31. aduunka : adduunka
32. Wakiiladda :Wakiillada
33. Dhamaan : dhammaan
34. Yaqaano : Yaqaanno
35. Aduunku : adduunku
36. Wasaaradd : wasaarad
37. Wakiiladda : wakiillada
38. Dakhligeena : dakhligeenna
39. Khasnada : khasnadda
40. Ganaaxyadda : ganaaxyada
41. Xooga : xoogga
42. Qodobadan : qodobbadan
43. Saanada : saanadda

Kuwanna waa ereyo aad u badan oo Afka Ingiriisiga laga soo ergistay. Waxa aan is waydiiyay ma afkeenna ayaa fool xun oo Ingiriisiga lagu qurxiyaa afkeenna ayaynaan aqoon u lahayn?!
1. Large taxpayer Office
2. Customs Bill
3. Revenue Bill
4. PFM Accountability Bill
5. Audit Bill and Procurement Bill
6. Fudiciary Office
7. 4 Million
8. (PFM)
9. SLFMIS
10. GFS Government Finance Statistics
11. Percentage
12. Total
13. Comprehensive Budget
14. MCH
15. Terminal
16. Heritage and Rural Life
17. Forestry Guards
18. salary and operational cost
19. Budget 2016
20. Grand Total
21. Spare parts
22. Furnitures
23. Cosmetics
24. Perfumes
25. Shampoo
26. Toilet Soap
27. Laundry Soap
28. Powder Soap
29. ISP
30. Internet Café
31. Grade A
32. Grade B
33. Incoming Calls
34. Outgoing Calls
35. Mobile phones post/prepaid
36. NGO.
Abdinasser Ibraahim
somaliland_author@yahoo.com