Dhakhtarkaaga ha ka Yeelin Inuu Ku Dilo!
Maxamed Cabdi Daa’uud
Ugu dambayntiina, waxaan baadhay cuntooyinkan igu keenaya xasaasiyadda, iyagii uun baan iska daayay, oo aan ku caafimaaday dawo la’aan. Xannuunka labaadna waxa uu ahaa dhagax fadhiistay kelida. Bahal Laysar la yidhaah, oo markaas ku cusbaa caalamka ayay is yidhaahdeen ku burburiya dhagaxaygii, oo isna waxba kamuu tarin dhagaxii. Intaan diiday qalliin laygu sameeyo, ayaan miciinsaday inaan biyaha uun ka hirqado. Dhagaxii isaga oo duulaya ayuu kaadidii soo raacay.
Ilmahaaga oo xumadda haysa aad ka yaabto, oo haddaad kolba u maydho, xumaddu ka jabi lahayd, muxuu dhaqtar xumi ku yidhi: “Kiniinkan iyo sharoobaadan cabsii, isaga oo aan garanayn cidda ansixisay dawaadaas iyo cilladaheeda. Muxuu adoo heli kara xulbad dabiici ah oo raqiisa ah oo wada ah Vitamin B Complex, uu kula doontay quraarad xun oo hambag ah. Maxaa cunto qaldan oo aad iska cunto, oo calooshu kugu xannuunto, halkuu ku waraysan lahaa, ee deedna ku odhan lahaa uun “iska daa cuntadaas” uu sun iyo waabay la qooshay ku yidhi: “Cab waad cabiye”! Muxuu wadaad aan caafimaadkaba baran, hablihiina oo naxariis yar idiinka baahnaa, meel daran idiin la kacay oo uu idinku yidhi: “Jin baa ku jira, oo anaa ka cuudinayaa”! Bal Jinku muu isaga laftiisa dardaro? Muxuu?! … Allaah, Muxuu?!
Maxamed Cabdi Daa’uud
Hargeysa/Somaliland