Dhacdooyin Muujinaya Kala-guurka Ummadda ee ka Dhashay Kala Go’ii 1947kii ee Pakistan iyo Hindiya
Akhtar Hussain Rana

Haddii aad dibadda u baxdo, carruur kalena waqtiga la qaadato, sideed u baranaysaa arrimaha degaankiina lagaga dhaqmo? Waxa aad u baahan tahay in aad halkaa tegto, waqti la qaadato dadka wayeelka ah, dadkana salaanto marka aad soo dhawayso. Waa falsafada uu ku barbaaray Mr. Akhtar Rana oo ku koray degaanka Bangora ee qabiilka uu ka soo jeedo ee Rajput ku dhaqmaan.
Tuulada Tehsil Navasherh oo ka tirsan degmada Jalandher ee dalka Pakistan waa meel aad u xasaasi ah. Mr. Akhtar Rana aabbihii iyo adeerradii ubadkooda ma ay jeclayn in ay ka fogaadaan daqiiqad kasta waxa ay aad u jeclaayeen in ay ubadkooda baraan nidaamka qabiilkoodu u dhaqmaan iyo caadooyinkooda, maadaama degaanka Punjab uu yahay meel aad ugu ad adag dhaqanka.
Mr. Rana waxa uu ahaa 11 jir, markii warka kala go’a Pakistan iyo Hindiya soo gaadhay. Waxa uu xasuustaa markii wiil ay ilmaadeer yihiin oo la odhan jiray Rai Muhammad Khan oo ahaa mulkiile dhul weerar lagu soo qaaday oo ay dileen rag koox ah subaxnimadii 1947kii. Markii ay dileen isaga, waxa kaloo ay raggaas dileen saddex dumar ah oo guriga joogay. Waxa baahay dilka Rai Muhammad, kadib qoyska Mr. Rana raggii joogay waxa ay urursadeen qoryo, waxaanay ka baxeen tuuladoodii.
Waxa bilaabmay dagaal qabiileed oo aad og tahay inuu ka xun yahay dagaalada kale ee dawladaha, waayo waxa dhegta dhiigga loo daraa ubad, sheekh iyo haween. Dagaalkaas sidii uu u socday waxa uu dhammaaday fiidkii, kadib markii boolisku gudaha u soo galeen gurigii raggu haysteen.
Maalintii ku xugtay gurigaas waa la gubay, kadib qoyska Rana waxa ay qaxooti ka doonteen gurigooda oo ku yaalay Bogra, balse markii ay malqeen in dagaalkii ka sii daray waxa ay ka tageen Borga oo ay u gudbeen tuulo la yidhaah Kafila. Waan kuu sheego dhaafee ka hor intii aanay tuuladaas degen waxa ay ku sii horreeyeen tuulo kale oo Tirchian la yidhaa oo u dhaw magaalada Amritsar.
Ninkan dhibaatooyinku qabsadeen, waxa uu xasuustaa dagaalka dhacayey iyo dadka ku dhintay oo eheliyadiisa ah, guryo la gubay, qoysas dhammaantood la gawracay.
Waxa ka sii daray maatida iyo birma-gaydada labada dhinaca iska dilayaan, kadib Rana iyo qoyskoodii waay u baxsadeen degaanka Lahore ee dalka Pakistan. Ogow oo hadda da’diisu waxay ahayd 11 jir cabsidii waqtigaas ku abuurantayna maanta way haysaa. Waxa uu maqlayey magaca Pakistan mana uu garanayn meel ay ku taal. Waqtigan oo uu Jaamacad dhammaystay, guursaday haddana xusuustii kamay bi’in. waxa uu si aad ah u xasuustaa beertoodii, gurigoodii iyo qoyskooda farxadii ay ku noolaayeen. Maanta waxa uu ku nool yahay magaalada Chunian, balse qoyskiisa isma booqdaan, waayo way kala xidhan yihiin, waxaannu ku rajo weyn yahay inuu hooyadii iyo adeerkii xabaashooda booqan doono iyo gurigoodii Bogra. Waxa uu farriin gudbiyaa in dagaalada sokeeye iyo dalalka kala go’aa siyaasiyintoodu sababaan halis iyo in qoysas is jeclaa kala tagaan.. la soco…

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347