X

Dhacdo Xiiso Leh: Sac Laba Madax Leh Oo Madaxyadiisa Midba Gaar Loo Iibiyay

Queensland(ANN)Sac laba madax leh oo laga leeyahay magaalada Queensland ee dalka Australia, ayaa xaraashkiisa loo qabtay xaflad laga yaabay, kaasoo lagu kala iibsaday madaxii kaliyaba lacag dhan $268.5, taasoo qiimaha lagu kala iibsaday ka dhigaysa $537.
Sacan oo laba weji leh, isla markaana hal il oo kaliya leh, labadiisa wejina mid kaliya ilko leeyahay, laba san oo caadi u shaqaynayana leh, xaaladiisa caafimaadna tahay mid aad u sarraysa, waxa uu ka mid noqday lo’da ama sacaha ugu qaalisan deegaankaas, kaasoo loo xaraashay si la yaab leh.
Wakiilka mulkiilaha sacan leh oo la yidhaa Mark Peters, ayaa sheegay in labada weji ee uu leeyahay soo jiiteen shirkad iibsanaysay, waxaannu yidhi; “Sacan oo laba weji leh, wuxuu soo jiitay shirkadda Saleyards, waxaanay bixisay lacag caddaaladda ku salaysan.”
Nin ka mid ah dillaaliinta ka qaybgalay goobta lagu xaraashay sacan oo la yidhaah Mr. Shepherd, ayaa sheegay in sac kale oo laf ahaantiisu laba weji lahaa oo 17 sanno jiray, balse aan caafimaad ahaan wanaagsanayn ay diideen, halka sacan oo 440kg ahaa uu noqday mid qaali ah oo halkii kiilooba la siistay 122 cent oo doollarka Maraykanka ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post