X

Dawladda Serbia Oo Gargaar Lasoo Gaadhay Soomaaliya, Waa Maxay Sababtu?

 

Araweelo News Network.

Annigu Soomaaliya waxaan ka quustay sannadkii 2017, markii dowladda Koonfurta Sudan ay uugu deeqday $2 million USD. Sidaan isku lahaa way diidaysaa Soomaaliya arrintaa ayeey Guddoontay deeqdii.

bal u fiirso waa Koonfurta Sudan oo xorriyadda qaadtay sannadkii 2011. Illeen Soomaaliya dad dawarsi ka xishoonaya maahee cid walba gacanta ayay hoos dhiganaysaa waa baahanahay , abaaro ayaa nahaya, Deeq nala soo gaadhaa ayay dunida la wareegayaan Madaxda Soomaaliya.

Waxaa ayaan darro weyn ah in xilli Roobaadkii Daynta lagu jiro oo illaahay nimcadiisii u shubay ummadda Soomalaiyeed in madaxda baahida ummadda Soomaaliyeed ka macaasha ay caalamka dawarsi la wareegayaan waxyna si toos ah ugu tunteen SUMCADDA iyo sharafta dalka Soomaaliya iyo ummadda Soomaaliyeed. Caalamka waxaa looga yaqaanaa dadkii baahnaa , ee qaraxyada abaaraha iyo colaaddaha aan dhammaadka lahayn ku jiray.

Sawirkaa hoose waxaad ku arkaysaan dowladda Serbia oo GARGAAR BANII aadanimo la soo gaadhay dalka Soomaaliya.

Serbia waa dal ku yaalla yurubta bari oo ka mid ah jamhuuriyadihii ka Go’ay Dowladdii Soofiyeetka (USSR). Dhaqaale ahaan waa dal faqri ah , Bangiga adduunku ayaa kaba dhaqalaaha dalkaasi yar ee Serbia.

Mucaawino kasta oo lagu siiyo waa dayn ku maqan dalkaaga oo waxaa lagula xisaabtamayaa Bangiga adduunka (IMF). Lacagahaasi waa dheef kor sanad walba kugu kordhaya. Ugu dambayn soomaaliya waa lala wareegayaa, ama lacagihii deeymaha ahaa ee waddamada adduunku ay ku lahaayeen ayaa lagu xujayn doonaa inay Iska bixiyaan , haddii kale dalka ayaa lala wareegayaa.

W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post