X

Daraasad: Waalid Caasiga iyo Sida ay Mustaqbalka Isku Noqdaan Ubadkooda

Araweelo News Network

Diinta islaamku waxa ay inoo sheegtay in waalid-caasinimadu tahay dambi cuqubooyin fool xun ka dhashaan, iyadoo Ilaahay (SWT) uu qur’aanka kariimka ah innagu faray in ixsaan iyo wanaag loo sameeyo waalidka, halka ay sidoo kale diinteenu xustay in ubadka ku caasiya waalidkooda ay iyaguna dhibtaas la kulmi doonaan marka ay ubad dhalaan.

Haddaba, daraasad hadda la sameeyey ayaa si cilmi ah uga markhaati kacday arrintaas, iyadoo ay cilmibaadhayaal u dhashay dalka Australia ay iftiimiyeen in haddii hooyadu xidhiidh xun la leedahay hooyadeed amma aanay u fiicnayn ay ubadkeeduna ka fogaadaan, nacaybna ay u qaadaan.

Waxay sheegeen in dumarka aan xidhiidhin waalidkood, gaar ahaan hooyadood ay dhib ka mutaan in aakhirka ubadkooda ay isku xidhnaadaan, sababtoo ah waxa ku yaraada ubadka hormoonka jacaylka sababa ee la yidhaa Oxytocin.

Dhiig tijaabo ah oo laga qaaday haween ubadkoodu ku caasiyeen, ayaa lagu ogaaday in hormoonka jacaylku uu ku yar yahay hooyadaas, halka haweenka hormoonkaas ku badan yahay ay noqdaan qaar ay ubadkoodu jecel yihiin, aadna ugu kalsoon yihiin.
Daraasadan oo lagu daabacay jariirada PLOS ONE waxay bedka soo dhigtay markii ugu horraysay in haweenka ku caasiya hooyadood ay aakhirkana ubadkoodu ku caasiyaan.

Cusbitaal ku yaala dalka Asutralia oo magaciisu yahay Liverpool Hospital, ayaa haween ku jira laba qaybood loo qaybiyey si wax looga ogaado daraasadan, kaasoo la ogaaday in haweenka hormoonka jacaylku ku yar yahay ay ubadkoodu ku caasiyaan, iyadoo marka taariikhdooda dib loo baadhayna ay hooyooyinkaasi noqdeen qaar iyaguna markii ay yaryaraayeen caasi noqday waalidkooda, gaar ahaan hooyadood.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post