25% Dadka Maraykanka Dambiyo Aanay Lahayn Lagu Helaa Waa Dad Hurdo La’aan Aawadeed Dambi Qirtay

Dalka Maraykanka ayaa cilmi-baadhis dhawaan laga sameeyey lagu ogaaday in 25% dadka dambiyada aanay lahayn qirta ay ku keento hurdo la’aan badan oo haysay aawadeed.
Hay’adaha Sharci fulinta Maraykanka, ayaa caan ku ah in ay dadka hurdada u diidaan marka ay baadhitannada samaynayaan, balse daraasadan waxa ay ogaatay xidhiidhka ka dhaxeeya daalka amma tabcaannimada iyo in qofku bixiyo caddayn aan jiri.
Cilmi-badhayaashu waxa ay sheegeen in dadku ay si fudud dusha isaga saraan wax aanay samayn, haddii aanay hurdo helin, marka loo eego dadka inta badan nastay haddii baadhitaan lagu sameeyo.
Cilmi-baadhistan oo ay sameeyeen khubaro ka socotay Jaamacada California ee dalka Maraykanka, ayaa baadhitaan ku sameeyey in hurdo la’aantu sababto in qofku qirto wax aanu samayn, taasina ay keento in dambigaas amma fal aanu gelin lagu xukumo.
Laba tijaabo oo kala duwan oo lagu sameeyey 88 qof oo jaamacaddo kala kala qallin-jebiyey, ayaa loo diray shaqo kombuyuutar oo adag, kaasoo qof kassta looga dardaar weriyey inuu taabto badhan ka noqoshada “Escape” haddii uu taabtana ay keenayso in macluumaadka daraasada la waayi doono.
Dadka ka qaybgalayaasha ah kala badh ka mid ah waxa ay heleen hurdo 8 saacadood ah, halka kuwa kalena habeenkii oo dhan ay soo jeedeen, subaxnimadii ku xigtay waxa dhammaantood la waydiiyey waxyaabo been ah oo lagu eedaynaayey, qaar ka mid ah in badhankii loo diiday ay taabeen, waxaana soo baxday in dadkii hurdo la’aantu haysan badankoodu qirteen falka beenta ah ee lagu eedeeyey.
Cilmi-badhayaashu waxa ay aaminsan yihiin in hurdo la’aantu keento in qofku qiraal been ah sameeyo, taasna loo baahan yahay in laga taxadiro oo ay keeni karto cawaaqib xumo iyo in qofku ku kaco waxyaabo dhaawac u keenaaya naftiisa iyo naf kaleba.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com