Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Dalladda ay ku bahoobeen ururrada dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee SONYO, ayaa ku baaqay in si heer qaran ah looga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa aafooyinka haysta da’yarta dalka oo tahriibku ugu weyn yahay.
War-murtiyeed uu Guddoomiyaha SONYO Mr. Md. Siyaad Cumar Cali soo saaray xalay, ayaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo la xidhiidha duruufaha waqtigan ka jira dalka Somaliland oo aan wax aqoonsi ah ka helin beesha caalamka muddada 25-ka sanno ah ee uu jiray.
“Sidaynu la wada soconno, dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qaran 25 jirsaday, wuxuu waddo dheer u soo maray geeddi-socodka nabadda iyo dimuquraadiyadda, iyadoo uu ka soo gudbay duruufo qallafsanaa oo dhaqan-dhaqaale iyo nabadgalyo. Yagleelka haykalka dawladnimo iyo nabadgalyo ayaa suurtogaliyay in ay abuurmaan jaamacado iyo iskuulo ay ka soo baxaan dhallinyaro tiro badan, kuwaasoo baahi weyn u qaba qorshayaal shaqo abuur oo ay ka faa’iideystaan.
Waxaa iyana xaqiiq ah in qarankan curdinka ah ee aan wali la aqoonsan uu la daalaa dhacayo xal-u-helida duruufo badan oo kakan sida; shaqo la’aan baahsan; tahriibka lagu xoog iyo xoolaba beelay; saboolnimo, iwm.
Haddaba, maalmahan dambe waxaa luraya laabaha dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland dhacdadii xannuunka badnayd ee ugu dambaysey tii ay ku leedeen boqolaalka dhallinyarada ah ee naftooda ku waayay doontii ku qarqoontay badweynta u dhexaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga. Dalladda SONYO iyadoo ka mid ah hay’adaha bulshada rayidka ah ee dalkeenna, isla markaana ah gabbood kulmiya ururrada dhallinyarada Somaliland, ahna dallad madaxbannaan oon dawli ahayn (helin dakhli dawladeed ama mid kale oo buurran), ayaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaana qoysaska iyo qaraabada ay dhallinyaradaasi ka baxeen. Sidoo kale, waxay Dalladda SONYO ku baaqday in la isugu yimaado tallo qaran oo degdeg ah si loo darso aafada baahday ee tahriibka, loona hirgaliyo waxqabad dhab ah oo arrintaas lagu wajaho waxna lagaga qabto.
Aafadan qaran ee tahriibku waa mid sal balaadhan oon cid qudhi waxba ka qaban karin. Dalladda SONYO in badan bay cod dheer iyo waliba barnaamijyo cadcad ugu soo jeedisay dhammaan cidda ay arrinta tahriibku khuseyso.
Dabayaaqada sannadkii 2015 kii, hoggaanka sare ee SONYO waxay soo mareen dhammaan gobollada Somaliland, iyadoo dalladdu socdaalkaas kormeerka ahaa ka diyaarisay warbixin iyo barnaamij horumarineed oo guud ahaantiis ku wajahnaa la tacaalida caqabadaha dhallinyarada haysta iyo horumarinta da’yarteenna. Barnaamijkaas oo ahaa mid wax badan lagaga qaban lahaa dhibaatooyinka dhallinyarada haysta ee uu tahriibku u horeeyo. Dalladda SONYO waxay warbixintaas iyo barnaamijyadii ku lifaaqnaaba gaadhsiisay cid kasta oo ay arrimahani khuseeyeen.
Sidaa daraadeed, waxay dalladda SONYO u aragtaa marin-haabin iyo shirqool aan geedna loogu soo gaban hadalada ma-dhalayska ah ee shaqsiyaadka danaha gaarka ah saxaafadda qaarkeed ku baahinayeen maalmahan dambe, iyagoo uga dan lahaa inay dedaan dareenka dhallinyarada, isla markaana ay jaho-wareeriyaan ogaalka dadweynaha.
Dalladda SONYO waxay si aan gabbasho lahayn ugu sheegaysaa dhammaan mas’uuliyiinta qaran ee ay ka mid ka yihiin saddexda gole qaran, Guddida Caddaaladda, axsaabta qaran, maalqabeennada ka ganacsada dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, urrurada bulshada rayidka ah, jaamacadaha iyo aqoonyahanka dalka inay isugu yimaaddaan shir degdeg ah oo lagaga tashado aafada tahriibka, gaar ahaan iyo guud ahaan badbaadinta iyo horumarinta dhallinyarada. Waxa aannu ku baaqaynaa in shirkaas degdegga ah lagu gaadho, laguna guddoonsado xal dhammaystiran iyo tallo la axadhay, sidoo kalena si wadajir ah loogu guntado hirgalinta tallaabooyinka la isla garto.
Waxa aannu dhammaan daneeyeyaasha arrimaha dhallinyarada u sheegeynaa inaan laga gaban doonin cid kasta oo gabta mas’uuliyaddii saarnayd, isla markaana ka dhego-adaygta wax-ka-qabashada duruufaha yaal iyo ka qayb-qaadashada dedaalada la dhawrayo inay xal keenaan.
Dalladda SONYO waxay sidoo kale ugu baaqaysaa dhammaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland inay u samraan, diyaarna u ahaadaan halganka lagaga baxayo dhibaatooyinka tahriibka, shaqo la’aanta iyo saboolnimada, kana feejignaadaan, iskana ilaaliyaan in dhibka iyo waayaha ay la nool yihiin loogu daro marin-habaabin, hallaasi iyo maaweelo aan meel gaadhsiisneyn.
Waxaynu isku ognahay talo ballaadhan, waxqabad dhab ah iyo wadajir buuxa,” ayuu Guddoomiyaha SONYO ku yidhi war-murtiyeedkiisa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380