X

Dabinka Siyaasadeed Ee Dawlada Djibouti Ka Wado Somaliland


By. Porf. Mohamaed Ahmed Farah (Jaafaa)
Ka dib, markii xukuumaddii Daahir Riyaale Kaahin ay magacowday Gobalka Salal, waxa isbedel xoog leh laga dareemay Dawladda Djibouti isbedel jawigeeda siyaasadeed ee ay daneynayso Dhulka Somaliland gaar ahaan gobolka Salal aadna wey usoo dhoweysay magacaabista gabolkaa.
Xauuso waqtigey aheyd markii Dawladda Djibouti ku dhawaaqday in ay Wasiirka Debu dejinta Somaliland ay heshiis la saxeexdeen in Qaxootiga Cali Cadeeye loo soo rari doono Saylac iyo Lughaya, waxaa dhici kara in ololaha siyaasadeed ee Djibouti wado uu dagaal aag kale inooga furmo, dibna inoogu soo celiya dagaalo hor lehoo aan la mahadin, iyo in Shacabka ku dhaqan gobolkaa Salal noqdaan kuwo si fudud ugu dhaca DABINKA KHIYAANO EE DJIBOUTI WADO oo ay ka leeyhiin tahay ujeedo ah in Gobolka Salal uu ka mid noqdo Dawladda Djibouti.
Shacabka reer Somaliland oo aan asal ahaanba ahayn dad dhib iyo dagaal jecleyn, isla markaana aan dareensaneyn gacmaha shisheeye ee dhulkooda qasaya iyo ujeedada laga leeyahay toona, ayaa waxay keentay in masiirkii iyo masuuliyaddii ay lahaayeen loo gacan dhaafo, oo iyaga qudhooda si shakhsiyan ah madaxa la isu geliyo sida Dawladda Djibouti oo kalena ay dantoodii gaarka ahaa u gaadhaan, shacabka Somaliland ay u ahadaan weligood kuwo in loo taliyo mooyee aan iyagu tashan karin.
Dib markaan u milicsado HADAAQII shalay ka soo yeedhi jirey shacabka reer Somaliland ee ay ku doonayeen dhismayaal ama magacaabis Gobolo dalka laga sameeyo, maanta waxay dareemayaan mid ay awoodoodii midnimo wiiqantay ayna sabab u tahay goboladdaa badan ee Daahir Riyaale magacaabay.
Sideedaba caqliga uu Ilaahay bixiyo ka sokow, waxaa xaqiiq ah oo aan la’isku khilaafsaneyn in ay aqoontu tahay furaha isfahanka, waxana muhiim ah in xukuumadda iyo shacabka Somaliland meel uu joogaba laga feejignaadaa hagar daamada iyo siyaasadaha guracan ee lala damacsan yahay dalkooda, waxanse aad u baraarujinayaa shacabweynaha Somaliland iney is fahmaan oo ka gudbaan xintanka iyo isu dhiiranaanta dhexdooda oo balse aaney dhayalsan arrimahan ka soo cusboonaaday gobolka Salal.
PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post