X

Daallo Airline iyo Abaalka Duuga ah ee ay Ku Leedahay Dadka Soomaaliyeed

Araweelo News Network

Markii ay meesha ka baxday dawladii Soomaaliya 1991-kii, waxa geb ahaanba burburtay qaranimadii Soomaaliya, waxa uu burburku saameeyay oo meesha ka baxday shirkadii diyaaradaha Somali Airline, sida ay dhammaan hay’addihii kale ee qaranka iyo shirkaddihii uga baxeen.

Arrinta Shirkaddii diyaaraddaha ee Somaaliyeed Somali Airline, ayaa sababay in la waayo adeegii baaxada lahaa ee ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan-ba Geeska Afrika u haysay shirkadaasi diyaaraha ee Somali Airline, ee ay lahayd dawadaasi burburtay. ayaa waxa ay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline noqotay shimbirkii u baxay shacabka Soomaaliyeed oo wakhtigaas baahi aan la qiyaasi karin u qabay inay helaan shirkad diyaaradeed oo bixisa adeegyada duulimaadka ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, taasi oo shirkada Daallo Airline ay bulshada ku gacansiisay xili adag iyo xaalad qalafsan oo ummadda Soomaaliyeed ku jirtay waayo culus oo dagaal, burbur iyo qaxoonti ah.

Shirkadan mudada dheer la mahadiyey adeegyadeeda duulimaad ee Daallo Airline, ayaa xaaladii baahiyeed ee bulshada Soomaaliyeed soo-waajahday awgeed, waxa aas-aaskeeda iska kaashaday horaantii sanadkii 1991, laba kamida haldoorkii iyo aqoonyahankii bulshada Soomaaliyeed oo kala ahaa Maxamed Ibraahin Yaasiin (Colaad) iyo Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu-site.

Labadan Aqoon-yahan ee aas-aasay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline ayaa waxa ay shirkadan ku bilaabeen dhaqaale yar oo kooban iyagoo aan haysan dawlad kaabta iyo diyaaraddo ay leeyihiin oo ay ku fuliyaan adeegyada socdaal ee baaxada leh ee bulshadu ubaahnayd, balse iyagoo taas bedelkeeda shaqada ku bilaabay diyaarado ay ka soo kiraysteen dibada, si ay umadda Soomaaliyeed uga saaraan go’doonka iyo gaadiid la’aanta safarka masaafada dheer ee hawada lagu socdaalayo. Taasi oo isla markaasina aas-aaskii shirkada ay kala kulmeen caqabado farabadan oo dhinac kasta ah, maadaama xilagan ay shirkada bilaabeen dalku ku jiray dagaalo, qas iyo burbur baaxadle oo saamayeey xaaladii guud ee nabadgalyo iyo nololeed ee guud ahaan goboladii dalka. Labadan Aqoon-yahan ee aas-aasay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline ayaa haddana waxay ku guulaysteen inay umadda Soomaaliyeed u adeegaan oo ay ku xidhaan adduunka intiisii kale, iyagoo isla markaasina buuxiyey kaalin muhiim ah oo aan suurto-gasheen Daallo Airline la’aanteed.

Labadan Aqoon-yahan ee aas-aasay shirkada diyaaradaha ee Daallo Airline, waxay ku dhiiradeen wakhti khatar badan, waxaanay jebiyeen dayr adag oo ay ku dhici kari-waayeen dhamaan ganacsatadii dhigooda ahayd, taasi oo ay ku kelifaysay baahida loo qabay adeega diyaaradaha oo aan ka jirin haba-yaraatee xiligaas guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, maadaama dalka fowdo ka jirtay. Taasi oo aan lagu tilmaami kareyn qorshe ganacsi oo shirkad ahaan ay macaash kaga doonaayeen bulshada, balse waxay talaabadaasi noqotay gurmad ay bulshada Soomaaliyeed la-garab istaageen maalin adag oo baahi-weyn loo qabay, iyagoo isla markaasina ay ku diirsadeen, bulshadoodii bur-burka iyo balan-balku ku dhacay ee ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo qaxii iyo jaah-wareerkii inagu habsaday.

Shirkada Daallo Airline ayaa waxa ay bulshada Soomaaliyeed u sahashay in in xiliyadii adkaa si degdeg ah haayadihii caalamiga ahaa ay ku gaadhsiiyaan gargaarkii bini aadan-nimo iyadoo isla markaana noqotay biriishka isku xidhaaya guud ahaan dacaladii kale ee dunida. Marka laga yimaado horumarka dhaqaale ee dhinacyada badan leh ee xiliyadii adkaa ay kusoo kordhisay bulshadeeda Shirkada Daallo Airline, ayaa waxa iyana xusid mudan oo aan la ilaawi Karin kaalintii ay mudada dheer ugu jirtay qurbajooga Soomaaliyeed ee daafaha caalamka ku kala nool, marka ay u baahdaan inay dalka yimaadaan taasi oo ay sitoosa dalalkooda ugaga soo qaadi jirtay qiime aad uga jaban ka diyaaradaha caalamka isla markaasina ay u samaynaysay adeegyo kale oo badan oo dheeri ah.

Shirkada Daallo Airline ayaa markii ay mudo kooban jirtayba waxa ay samaysay horumar baaxle oo dhinac walba ah.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q:- Miyir Cali Xuseen

Email: miyircali@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post