X

Collaad Waxaa Beddelkeeda Ah Waa Nabad

#Araweelo_News_Network.

 

Ummaddu isku garaad Maaha, Qofba in baa Alleh Garashada ka siiyay, Waxa loo baahan yahay Umada Somaliland in ay isku Quluub noqoto, Una Midowdo Caddowga Debeda kaga Imanaya Dalka Somaliland.

Waxa Meel ka dhac ah, Gef ku ah Jiritaanka Dalka iyo Wada jirka Umada in la af-lagaadeeyo ama la hayb Maago Umada Somaliland ee ku Dhaqan Gobolada Sool iyo Sanaag bari.

Somaliland-nimadu tilmaamimayso Magac Qoys ama Qabiil ee Waa Nidaam Umadi Ku midowday. Umadaasina Waa Umada Degta Lixda Gobol ee Somaliland.

Bulshooyinka iyo Maamulkoodu Way is Qilaafaan, In ay Socotoba Khilaaf Waa Kii Dhamaada, Colaadna Bedelkeedu Waa Nabad.

Umada Somaliland Codow is kuma aha, Waa Dad baad iyo biyo Wadaag ah, Dhaqan iyo Dhiig Wadaag ah.

Cadowga Somaliland waa cida kasta oo ka soo horjeeda innay Qaramada Aduunka, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo Ururada kale ee Caalamiga ah iyo kuwa Gobolka ay ku yeelato Metelayaal amma Xubno, Cawga Somaliland waa Qabyaalad, Jahli, Faqri iyo Maamul Xumo.

Waxa aan aaminsanahay haddii Qabyaalada layska Dhaafo oo Aqoontu ina hoggaamiso in aynu Dunidda horumartay wax la qaybsan lahayn, Waxa aan aaminsan ahay in Ummdda Somaliland baahi u qabto Jihayn iyo in xoogga la saaro Wadada horumarka.

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

 

W/ Q. Maxamuud Saleebaan Ducaale Yuusuf.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post