X

Ciddina Ma Jecla Tacabkeedu in uu Ba’o.By.Axmed Xasan Xaashi (Axmed Tigniko)

Sida aynu wada ogsoonahay Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhowaan socdaal dheer ku gaallaa bixiyey bari iyo galbeedka Somaliland, kaas oo uu ugu kuur-galayay xaalada dhaqan dhaqaale ee uu dalku marayo.
Socdaalkan oo run ahaantii uu ku ammaanan yahay Madaxeynuhu waajibna ay tahay in uu ka war hayo dalka uu madaxa u yahay.
Haddaba, ujeedada aan qallinka u qaatay waxay daaran tahay tiraab ahayd Degmadda Faro-weyne ayaa ku muduharaaday mar uu madaxweynuhu socdaal ku maray, waxaan leeyahay cid kasta oo tidhi kelmadaas Alle ha ka dhaafo, waayo, Faro-weyne cid la mid ah mooyee cid uga badsatay ma jirto guushii uu gaadhay Madaxweyne Siilaanyo, horena way u ogolayd degmadu, maantana way garab taagan tahay.
Haddaba, waxa jirta in uu Madaxweynuhu uu Wasiirro magacaabo, wasiirradaas oo uu u igmado in ay fududeeyaan shaqada qaranka, isla markaana wasiir kasta waxa kale oo ku hoos jirta in uu isku xidho deegaankiisa iyo Madaxtooyada, haddaba madaxweynuhu isaga oo aad u mahadsan wuxuu noo magacaabay saami qaybsi wacan 5 wasiir.
Wasiirka Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxan odhan karaa way gudatay waajibaadkeedii shaqo ee ay qaranka u haysay iyo kii deegaamada ay ka soo jeedo, iyadoo ay isku mid u yihiin dhammaan deegaanada ay ka soo jeedo.
Haddaba, madaxweyne, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Awrka iyo ninka maxaa u dhexeeya hoggaanka ayaa u dhexeeyaa.” waxaad moodaa rag badan oo xukuumadaada ku jiraa in ay gabeen hawshii aad u igmatay, socdaalkaaganna wuxuu ahaa mid loo baahan yahay. Waayo waa imtixaan aad ku kala reebayso dhammaan wasiirrada xukuumadaada ku jira sida ay u hanteen shaqadoodii.
Waxaan hadalkayga ku soo gebo-gebaynayaa “Ciddina ma jecla tacabkeedu in uu ba’o.”

Axmed Xasan Xaashi (Axmed Tigniko)

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post